Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Ku Soo Dhawaada Website-ka Hassan Sidow Ibrahim Maxamed

Qeybta Caafimaadka Diini  Ahmiyadda  Cibaadada Salaada Sheekooyin Jaceyl Jaceyl Arimaha Bulshada Guurka  Talooyin Qisooyin Jaceyl Kororso Aqoontaada Salaamaha Jaceylka Calaacal  Geeraaro 

KALSOONI JACEYL

XIKMAD

Sida in badan oo naga mid ah ay ka warqabaan waxaa caadi ah waxyaabaha sugnaasho la'aanta ah ee uu qofku la kulmo marar badan oo ay xitaa ku jirto xilli uu u baahan yahay go'aan qaadasho adag taasi oo dadka qaarkiis dhaxalsiisa inay gaaraan heer ay ka talo bixin waayaan noloshooda oo dhan, waana dhibaato mar haddii ay heerkaas gaarto kalsooni darradu.

Diinteena suuban ayaa na bareysa inaan noqono kuwo leh kalsooni buuxda dhinac kasta, oo kaliya aysan ahayn wax ku saabsan nolosha ee ay tahay in sideedaba aanu la imaano go'aan qaadasho leh kalsooni xilli kasta.

Waayo Alle SWT waxaa uu leeyahay “Waxaad talo saarataa Allaha aan dhiman ee nool mar kasta† taasina runtii waa arinta ugu adag ee ku bareysa in taladu ay tahay mid Alle oo kaliya.

Kalsooni darrada waxay mararka qaar saameyn ku yeelataa nolosha qoyska, shaqada iyo arimo kale oola xiriira waayaha qofka, haddise aad ahay ruux jilicsan waxaaadkaan doonta sida aad u maareyn karto.

Waxaa suuragal ah in kalsooni arradu ayba kuu horseedo hoog iyo qiime dhac sida in lagugu qanciyo inaad u bareerto dembi iyadoo laguugu hanjabayo in shaqada aad weyn doonto iyo wax la mid ah, markan oo kale xaaladu waa xasaasi waxaana ka bixi kara qof leh kalsooni isla markaana ah waayo arag.

Waxaa sidoo kale in badan dhacda in dhalinyaro badan oo maangaab ah ay ku dhacaan xaalado khatar ah iyagoo loo bandhigayo inay sameeyaan falal halis badan sameyntoosa waxana waxa kaliya ee ay u sameeyaan ay tahay inay ku bedeshaan nolol fiican sida ballanqaad ku saabsan lacag badan ama in dibada loo dhoofinayo ama in uu guursanayo ruuxaasi, laakiin intaan dhamaantood waxay ku dambeeyaan been iyo meel cidla ah.

Hadaba Walaalkeyga ama walaasheyda akhristaha ah waxaan kugula dardaarmayaa arimahan:

-Waligaa ha ka laba- labeyn inaan noqoto ruux isaga ka fekera goâ€TMaana ku leh noloshiisa.

-Ahow ruux leh kalsooni naf ahaaneed, haddii aad leedahay lamaane ku kalsoonow rag iyo dumarba kuu doono ha ahaado.

-Iska ilaali in si fudud ruux kuu dhaafsiyo wax goâ€TMan kuu ahaa oo wanaagsan sida cibaado ama danahaaga qaaliga ah.

-Ha noqon ruux is bedel badan oo aan meel loo raaco lahayn.

-Iska jir walbahaar badan waayo saaxiibada qaar ayaa uun kugu abuura walwal iyo walbahaar.

-Mararka qaar kalsoonidu waxay u baahan tahay dulqaad.

-Waa inaad kala saartaa kalsooni iyo aaminaad oo runtii labo kala ah, waayo inaad kalsooni leedahay ma aha inaad wax kasta aamintid.

- Naftaada bar inaad talada adiga leedahay oo aadan cid baniâ€TMaadam ah u baahneyn, kaliya Alle wax weydiiso.

-Aaminsanow inaad adiga wax sameysan kartid, haddii ay tahay shaqo, lacag ama waxbarasho.

-Ha ku qancin wax yar oo dhalanteed ah ama aan jirin.

-Iska ilaali shakiga qaar waa kalsooni daro sababi karta xannuun.

Waxaan rajeynayaa inaan dhamaanteen ka wada faaâ€TMideysan doono waqtiga iyo fursada aanu heysano ee nolosha, anagoo og hadimooyinka iyo godadka tirada badan ee nagu hareereysan.

( A )

Hinaase... Jacayl mise kalsooni daro iyo shaki is biirsaday.!

Hinaasuhu ama maseyrku waa sifo iyo dabeecad ka mida dabeecadaha ilaahay ku abuuray bini aadamka. Ilahaay subxaanahu watacalaa wuu qiiroodaa wuxuu ka qiiroodaa marka wuxuu xarimay la dhex dabaasho.muminkuna sidoo kale wuu qiiroodaa ,waxaase jira in dadka qaar hinaasahoodu yahay mid macquula qaar kalena yahay ka badbadis iyo mid xadkiisii la dhaafiyay, waxaa dhacda marar badan in hinaasuhu kala geeyo ama sabab u noqdo inay kala tagaan lamaane is jecel , waxaa lagu macneeyaa maseyrku inuu yahay dareen xanuun badan kaasoo ka dhasha qofka oo doonaya inuu hantiyo qofkaan uu jecel yahay cid kalena la waadagin, inkastoo aan aan mar walb la oran karin wuxuu daliil u yahay jacayl, sidaan soo sheegnayba maseyrku marar badan wuxuu dumiyaa guryaha jacaylkii labada lamaanana u badalaa naceyb iyo kala shaki iyo kalsooni daro.xaasidnimo jahwareer joogto ah ugu danbeyntana furiin .

Waxaa aragnaa badanaa in hinaasaha aan booskiisa la dhigin isku badalo shaki iyo is aaminid la,aan ka dhex dhalata labada is qaba shakigaa markuu dhasho waxaa yaraada jacaylkii ka dhexeeyay labada is qaba ,lamaanayaasha qaarkood jacaylkooda waxay ku muujiyaan hinaasaha iyagoo ku macneeya inan ku jeclahay waxaa cadeynaya sidaan kaaga hinaaso! Hadaanan ku jeclayn kaama hinaaseen

Su,aalaha la is waydiin karo ayaa ah Hinaasuhu ma Jacayl ayuu ka tarjumaa mise shaki iyo kalsooni daro ayuu ka dhashaa ? Inta aynaan ka jawaabin su,aashaa waxaa kaloo is waydiin mudan maxaa dadka qaar uu ugu badan yahay hinaasuhu dadka qaarna u yihin dhexdhexaad?way dhacdaa inuu ka dhasho jacaylka xad dhaafka ah hinaasuhu wayna dhacdaa inuusan ka dhalan jacayl ee uu ka dhasho kala shaki. Waxan ognahay marka wax walba xadkiisa la dhaafiyo inuu isu rogo dhib iyo wixii laga doonayyay waxan ahayn,

Waa wax wanaagsan in qofka na jecel noo muujiyo jacaylkiisa haba adeegsado inuu maseyree laakin wanaagaas wuxuu isku badalaa xumaan markaan adeegsan wayno caqliga falal aan fiicnayna ku dhaqaaqno .sida inagoo shaqo ka dhigana qofka ficilkiisa Yuu la hadlay? Yay salaantay , Maxaa idinka dhexeeya adiga iyo hebel?heblaayo maxa u fiirisay? Muxuu ku sheegayay hebel. Heblaayo maxaa intaasoo saacadood ula hadlaysay? dadka qaar waxayba ka gaartaa in dhinacii khayraka xitaa uu ka soo galo oo uu yiraahdo maxa idinka dhexeeya qofkaa oo aad u kaalmeeysay!? Sidaasna noloshii ku noqoto mid ah sidii inaan xabsi ku jirno baaritaan iyo dabagal aan dhamaanayn waligiisna socdo, degenaantii guriguna isku badasho is ilaalin Yaan lagaa maqal Yaan lagugu ag arag ,nolol ciriri ah la soo daristo reerkii raaxadii naftuna ka maqantahay ..

Maseyrkuna maaha wax haweenka ku kooban laakin marka la is barbar dhigo iyaga iyo ragga waxan oran karnaa iyagaa kaalinta koowaad sita, Taasna wax lagula yaabo maaha oo kuwii ugu khayrka badnaa dumar ayaa hinaasi jiray, Ma xuma inaad maseyrto waana dabeecad ilaahay kugu abuuray laakin dhibku wuxuu ka taagan yahay inaa magacaan wax walba u kharibto adoo leh hinaasaaa i hayee waxba yaan la iga qorin ! inta aadan wax fala sameyn is waydii waxaan ka maseyray wax jira ma yihiin horta mise waxaygu waa darbiyo ka maseyr iyo heblaayaa waxaas ii sheegtay anoo hubsan waxba aan budka la boodo !

Saxaabiyaatkii naga khayrka badnaa ayaa maseyri jiray Rasulu Laah salalahu calayhi wasalim oo dhex jooga mana inkiri jirin mana oran maxaad la hinaaseysaan? laakin waxa maanta dumar badan sameeyaan lagama soo warin, iska ilaali walal inaad waan maseyrey dartii wax walba u sameyso haweenka qaar wuxuu ku xanbaarey inay naf gooyaan,inay guryahooda ku dumiyaan gacmahooda hadhowna ka shalaayaan ficilkaa aan laga fiirsan, waa inay diintu na celisaa wax walboo nagu soo dhaca xaaladaa aan leenahay waan masernay anan ku dhaqaaqin ,waa inan nafteena ka adkaanaa lana jihaadnaa jihaadka nafta lala galo waa jihaad kan u wanaagsan ee nafteena mala jihaadnaa? mana hogaaminaa inteey iyadu ina hogaamin lahayd ,nafta waa sida ilmaha yare e naaska nuuga hadaan laga goyn waligiis wuu iska nuugi lahaa ee qasab baa looga jaray markuu gaaray da,dii in laga gooyo ay ahayd..naftuna waa sidaa oo kale .

Ninyahow hadii xaaskaagu kugu hinaasto ha iska indho tirin hana oran maxaa haya oo ay isla waaleysaa waxadna ogaataa inay tahay wax ilaahay ku abuuray si qasdi la,aana uga soo baxaya waxa lagaga baahan yahay inaad xaalada dejiso mana aha markeey ku tiraahdo i fur inaa isla markaaba tiraahdoo haye la bood warqadaada soomaaha waxa laga celin la,yahay!!waxa gacantaada loo geliyay furaha dalaaqa waa xikmad weyn iyo inaa dulqaad u leedahay xaaladaha adag, waxana wanaagsan mar walba in lamaanuhu isu sheegaan xitaa hadeey kala maseyrsan yihiinn midba kan kale ku yiraahdo ma jecli waxaad sameysay waan ka carooday iwm laakin marka midba geeskiisa uu qorshe degsado sida waxyeeleyn, furiin, ama dil mararka qaar dhaca hinaasauhu waa 2 nooc ah mid wanaagsan iyo mid aan wanaagsanayn, kan wanaagsan Ilaahay iyo Rasuulkiisuba SCW waa jecel yihin , kan xuna waa shakiga iyo kalsooni darada iyo malaha xun wuxuu ka yimaado.hadaan la isku dulqaadan dhibka yimaadana la isla

 xalin waxaa imaanaya wuxuu ibliis ugu jecel yahay ee uu Taajka ku siiyo Shaydaanka soo kala fura lamaane gurina soo dumiya, waxan ku soo koobayaa gabaryahay ha usoo jeedin ninkaagu wuxuusan u soo jeedin hinaasahaaga dartii, adna ka dheeroow walaloow wax walboo shaki ku keeni kara jacayka adiga iyo xaaskagana dhaawici kara gurigiinana inuu dumo sababi kara.

Waxaan u rajayn lamaane walba Jacayl kalsooni buuxda oo dhexdooda ka dhalata iyo in midba kan kale malo wanaagsan ka maleeyo ,iyo Hinaase dhexdhexaad ah.

Si Loo Helo Maslaxad Iyo Kalsooni Raggu Waxa Ay Dumarka Ka Qariyaan 10-Ka Sirood

In kastoo dadka dunida ku nooli ay ku kala duwan yihiin dhaqanka iyo caadooyinka, hadana waxa jira hab dhaqan ay ka siman yihiin inta badan dadka dunida ku nooli, marka laga hadlayo sirta jacaylka.Sida ay daah fureen daraasado iyo cilmi baadhisyo lagu sameeyay arrintani waxa la isla waafaqay inay jiraan hab dhaqano ay ka siman yihiin ragga dunida ku nool intooda badani.

Waxana la ogaaday inay jiraan qodobo sir ah oo aanay jeclayn raggu inay ogaadaan dumarka ay jeclaadaan. Waxanay raggu had iyo jeer isku dayaan sidii ay uga qarin lahaayeen qodobadaa sirta ah. Qodobadaa sirta ahi waxa ay kala yihiin:

1. Guur hore ama xidhiidh hore: Raggu badidoodu ma jecla in dumarka ay jeclaadaan ay ogaadaan haddii ay jiraan gabadh hore oo uu qabo ama xidhiidh ka dhaxeeyay iyaga oo ka baqo qaba haddii ay ogaadaan dumarku arrintaa in ay caqabad ku noqoto xidhiidhkooda jacayl ee cusub.

2. Ubad  Hore: ragga qaarkii ma door bidaan in gabadha uu jecel yahay ay ogaato haddii ay jiraan ubad hore oo ay u dhashay xaas hore.

3. Dhaqaalaha:  sida ay raggu u badan yihiin raali kama noqdaan in gabadha ay jeclaadaan ay ogaato hayntooda dhaqaale inta ay gaadhsiisan tahay iyaga oo ka cabsi qaba in duruuftooda dhaqaale ay raali ka noqon waayaan dumarka ay jecel yihiin oo uu dhicisoobo xidhiidhkoodii jacayl ee bilawga ahaa.

4. Xanuun ama Dhibaato Caafimaad Darro: sida la xaqiijiyay ragga badidoodu kuma farxaan inay ogaadaan dumarka ay jecel yihiin haddii ay jiraan xanuuno ama dhibaato caafimaad daro oo la soo derista ragga, sababto ah waxay diidayaan haddii ay u sheegaan in uu fashilmayo xidhiidhkooda jacayl.

5. Da'da iyo mushaharka: Ragga qaarkood ama sida ay u badan yihiin dumarka uma sheegaan tirada saxda ah ee mushaharka ay qaataan iyo da'dooda toona.

6. Ubad la'aan: Haddii uu ninku soo guursado dumar hore oo aanay wax caruur ah u dhalin uma sheegaan gabadha ay jeclaadaan in aanay wax ubad ah u dhalin dumarkaa hore, sababtoo raggu waxa ay aaminsan yihiin in waxa keliya ee ay u damarku u daneeyaan guurka uu yahay sida ay caruur u dhalin lahaayeen.

7. Bedelka shaqada: sida ay raggu u badan yihiin uma sheegaan dumarka ay jeclaadaan xaalada dhabta ah ee ka jirta goobaha ay ka shaqeeyaan mana jecla inay dumarku ogaadaan haddii uu ninkaasi damacsan yahay in uu ka tago shaqada ama uu ka badasho, umana sheegaaan ilaa ay fuliyaan.

8. Qirashada jiritaanka Raga ay saaxiibad yihiin: ragga wax jeceli ma jecla in ay ogaadaan dumarka ay jecel yihiin muqaalka iyo magacyada ragga ay saaxiibka yihiin, maxaa yeelay waxay wadnaha farta kaga hayaan in haddii ay saaxiibadood ay ogaadaan xidhiidhkooda jacayl inay ku kiciyaan mawjado hafiya jacaylkooda.

9. Cadhada iyo rabashka badan: raggu waxa ay isku dayaan in ay ka qariyaan dumarka ay jeclaadaan dabeecad xumada, rabashka iyo cadhada si aanay u galaafan saamayna ugu yeelan barashada geedi socodka jacaylkooda cusub.

10. Iinta:  sida la wada og yahay qof waliba wuu yaqaanaa iintiisa laakiin wuxu isku dayaa in  uu ka qariyo dadka kale. Ragga wax jeceli ma aqbalaan in ay ogaato gabadha ay jecel yihiin in ay ogaato  intooda.

Talo Guud: Noloshu waa Kalsooni.

Tiro iyo cadad maleh dad ayagoo is jecel haddana hadalkii isla fahmi waayay taas oo sababto aakhir in lagu kala tago balse waa Muhiim inaad wax badan ka ogaataa halka aay dawadaadu ku jirto.

kalsoonidu waa shey qaali ah mar haday lumtana sida lagu so celsho waa ay adkaanaysaa balse naftaada ka dhaadhici in dhigaagu uusan lahyn wax qalad ah ka ilaali tashuushka qalbigaaga si noloshaada farxadi ugu soo dabaaqdo.

Dhalinta Maanta waxa ay caado iyo dhaqan ka dhigteen iney asbuucba qof lahaasaawaan taas oo sababab u ah kalsooni daro heysata, Qofkan noloshaada kuso biiray waxa uu kugu leeyahay xuquuq aad sareysa waa inad baxnaanisaa si aad nolosha iskula qeybsataan.

Kalsooni darada waxaa ubadan dhalinta maanta oo kuwada haasaawaya Aalada Internetka oonan labada qofi sifiican iskugu qancin karin, gabadhu ama wiilku waxa uu isku dayayaa inuu ogaado sirtaada waxa dhacaysa in eey is heybiyaan ama is weydiiyaan Lanbar Sireedkooda si loo ogaado qofkan waxa uu Kuhaayo gudaha Internetka waana sheyga ugu badan ee kala taga ama Kalsooni darada keena.

Ku Kalsoonaaw had iyo jeer Lamaankaaga si noloshaada farxad ugu soo dabaasho, way fududatahay inad afka ka tiraahdo wan kugu kalsoonay balse uurka sida aad uga rumeyso way adagtahay taasna waa mida inagu wada keenta burburka joogtada ah, labada qofi hadii kalsooni dhavb ahi isku qaadaan hoygaasi waxa uu noqonayaa mid bidhaama xaqiiqdii.

Waxaa mahad iska leh  Alle noo suuro galiyey inaan soo gudbino barnaamijkaan muhiimka u ah Bulshada oo aan ku soo qaadaneyno mowduuca ku saabsan inaad noqotid shakhsi ku kalsoon naftiisa isla markaana Alle talada saarta.

Hadaba codsiyo fara badan oo naga soo gaaray Akhristaasha ku dhaqan qaarada kala duwan ee caalamka, gaar ahaan kuwooda ku sugan dalka Uk ayaa waxa idiin soo gudbin dooono barmaamis ku aadan kalsoonida.

Hadabo kalsoonida waa furaha nolosha, nolal hadii la helaa ayaa deganaan timaada hadaba, gunti iyo gaba gabadi barnaamiskaan gaarka ah waxaa idiin kuugu soo gudbin doona micnaha  kaslooni iyo cida la siin karo.

Haku fakrin waligaa in aad qiyaamayso noole kale ka soo qaad naftaada oo ugu horeyso ma jeceshahay in la qiyaameeyo, jawaabteeda oo dhamees tiran waa maya, hadabada Soomaalida ku dhaqan qurbaha inta badan waa kuwa aamin beelay balse waxa aay ku qanci doonaan erayadaan aadka u celmiyaaysan.

Wax yar Akhri  wax badan fa,idayso adigo mahadsan

Hadaba Walaalkeyga ama walaasheyda akhristaha ah waxaan kugula dardaarmayaa arimahan:

-Waligaa ha ka laba- labeyn inaan noqoto ruux isaga ka fekera go,aan ku leh noloshiisa.

-Ahow ruux leh kalsooni naf ahaaneed, haddii aad leedahay lamaane ku kalsoonow rag iyo dumarba kuu doono ha ahaado.

-Iska ilaali in si fudud ruux kuu dhaafsiyo wax goâ€TMan kuu ahaa oo wanaagsan sida cibaado ama danahaaga qaaliga ah.

-Ha noqon ruux is bedel badan oo aan meel loo raaco lahayn.

-Iska jir walbahaar badan waayo saaxiibada qaar ayaa uun kugu abuura walwal iyo walbahaar.

-Mararka qaar kalsoonidu waxay u baahan tahay dulqaad.

-Waa inaad kala saartaa kalsooni iyo aaminaad oo runtii labo kala ah, waayo inaad kalsooni leedahay ma aha inaad wax kasta aamintid.

- Naftaada bar inaad talada adiga leedahay oo aadan cid baniâ€TMaadam ah u baahneyn, kaliya Alle wax weydiiso.

-Aaminsanow inaad adiga wax sameysan kartid, haddii ay tahay shaqo, lacag ama waxbarasho.

-Ha ku qancin wax yar oo dhalanteed ah ama aan jirin.

-Iska ilaali shakiga qaar waa kalsooni daro sababi karta xannuun.

Waxaan rajeynayaa inaan dhamaanteen ka wada fa,ideysan doono waqtiga iyo fursada aanu heysano ee nolosha, anagoo og hadimooyinka iyo godadka tirada badan ee nagu hareereysan.

 

Xikmado Jaceyl ah Oo Qof Weliba Oo Nafleey Ah Aad U Anfaceyso Hadaba Ka faaideyso Xikmadahaan     

Hawada waxaan u marineynaaa lamaanayaasha is jaceyl erayo ku haboon lamaanahooda si aay ugu sii gudbiyaaan, mar welibana waxaan u taaganahay in aan bulshadeena dhinac weliba kadhisno oo aan kahaqabtirno, hadii aay jiraan wax ayaa webka kadhiman noo soo gudbi si aan ugu soo biirino hadii bulshada aay wax usoo kordhineyso.

1: Qalbigeyga waan kusiiyay, Adne qalbigaga ma isiineysaa. si aan quful adag usaarno furahana badweynta ugu tuurno si weligeyn qalbiyadeena isugu xernaadeen.

2: Sida sokor kumilintay biyaha ayaad aniguna ugu milantay qalbigeyga, sida sokortaas aan dib loogu soo celin akrin ayaa adigana qalbigeyga dib lagaaga soo celin karin.

3: Waxaan kacabsanayaa keybourd-ka teleefankeyga iney kabaaba'aan xarfaha magacaada waayo mar weliba waxaan kusoo qoraa Magacaaga.

4: Malaga yaabo in dabka qabow isku badalo barafkuna dab isku badalo anigana malaga yaabo jaceylkan ku qabo inuu naceyb isu badalo.

5: Dhimbil dab ah baa wadnaheyga saaran waxad kukarsaneysaa magaca Jaceyl xaraf xaraf ayu ugu dul milmi haayaa wadnaheyga.

6: Qalbi waxad ibartay magaca jaceyl magaca nolol wax walbo ayad ibartay marna kama ahan karo bogeyga ku furan inan si adag kugu dhuujiyo laabteyda ayan rabaa.

7: Qalbigeyga dhinac ayuu kadilaacay kadib markuu tan buuxiyay jeceylkaaga ku talo gal inaad tosho qeybtas waayo wadnuhu shaqeynta inuu joojiyo ayuu kudhawyahay.

8: Markan Kuxususto saqdhex ayaan soo kacaa bisha oo buuxdo eega dhexdeda calemaha kuyaal anago wada jogna arkaa ogow Allihi nakala fogeyay hadana wan neysku Ken so celin karaa marwaliba dardarenkeygu wa alle caabud iyo samirkoo kaashanaa.

9: Ha idhihin waan kujeclahay keliya iskuday inaan dareemo.

10: Waan Ku amaahinayaa nafteyda adne i amaahi garabkaaga si aan ugu dul ooyo. Wan ku amaahinaya dhagaheyga adne i amaahi dhagahaga si ay idhageystaan mar weliba. Balse wadnaheyga kuma amaahin karo waayo mar hore ayaad lahaatay weligaana adigaa lahaanayo.

11: Aan iskaga kiin dhex baxo adinka iyo qodobadii jaceylka ee aan akhristayaasha kobciye.com iyo allbanaadir ugu talo galay.

Mararka qaar waxaad iisoo dirtaa fariiin, balse aniga joogto ayaan kuugu soo diraaa, mararka qaar waad iixiistaaa balse aniga joogto ayaan kuuugu xiiisaaa, mararka qaar waaba I iloowdaaaa, taana waa waxa keliya aanan sameyn doonin intaan nooolahay.

Macaanto xusuustu waa wax yaab leh markii aan xasuusto xiligii aan labadeenuba isku dul ooyn jirnay waan qoslaaa, laakiin markii aan xusuusto xiligiii aan labadeena isla qosli jirnay, waan ooyaaa weliba ilmo kulul.

12: Hadii aad u maleeysid inaan kaa fikiro waqtiyada qaar waad qaldantahay, waxaan kuu xiisaa keliya markii aan kaa fikirayo, laakiin waxaan kaa fikiraaa ilbiriqsi weliba ee nolosheyda soo marto taasi waxey ka dhigantahay inaaan mar weliba kaa fikiro kuuna xiiso.

13: Maalmaha waa mashquul, saacadaha aad bey u yaryihiin, ilbiriqsiyadu aad bey udheereeyaan, laakiin sikin weliba kama daallo inaan xaaladaada kuweeydiiyo, maskaxdeydana kama daasho iney kuuxiisto.

14: Weligaa ha fiirin weji qurux badan, maalin wuxuu isku badali doonaa duqnimo, weliga hafiirin jismi qurux badan maalin wuxuu isku badali doonaa inuu isku laalaabmo, laakiin waxaad fiirisaa keliya qalbigeyga daacada kuu ah aan ebid sidiisaan iyo xiisaha uu kuu qaboiska badali doonin.

15: Macaanto nolosha waxaad igu bartay casharo ciwaankoodu uu ahaaa, Taxadar, dhoola cadeyn, oohin, cafis, wadaagis, aaminaad, iyo weliba waxa uu yahay jaceylka, waxaad tahay macalinkeygii dunida kazoo casharada uu ibaray weli ku dul qoranyihiin xinjiraha wadnaheyga.

16: Waqtiga farxada, waqtiga waqtiga murugada, waqtiga maalintii, waqtiga habeenkii, iyo waqtiga hurdadaba adigaan kuu xiisaa oo aay naftu tabtaaaaa.

17: Albaabada xusuustaada weligood maxermayaaan oo waa iska furnaanayaaan, inta aan kuu xiisay qof bini aadam ah maskaxdiisa maximili karto, maalmaha waxey igu gudbaan anigoo xusuusteenii dhex mushaaxanayo, inta maalintii aan kaa maqanahay aan kula sheekeysaneyn waxaan lasheekeystaa xusuusteena iyo ilmada indhaheyga kazoo burqaneyso.

18: Xikmada kobciye.com iyo Allbanaadir waxey ku leedahay ilbiriqsi weliba ee noloshaada kusoo maro, waa sawir aanad weliga horay u arkin, kaasoo haddana aadan weligaa dib u arki doonin, sidaa awgeed ilbiriqsi weliba ee kusoo maro kaga faaideyso cibaado iyo qancinta lamaanahaaga.

( A )

Alla Jaceylku Xanuunkiisu badanaa Markii ay kala fogaadaan Lamaanayaasha Is Jecel Qormo Murugo Badan !        

Allahayow Dhib Badanaa adoo dhoofay Caashaqu Dhul shisheeye Kaahela! waa mid kamid ah oraahyada ama hal kudhigyada ay ku cataabaan Mucaashaqiinta uu waayaha aduunyada kala geeyay midba cirif kariday ,Waqtiga nacaseesanaa Waayuhu yaab badan ogaa Waqtigu maxuu kala geeyay lamaanayaal nolosha isku jeclaa uu midba meel kuwaabay hooyo iyo wiilkeeda aabe iyo gabdhii nin iyo naagtii maxey maanta midba meel kajoogaa daafaha Dunida diif iyo Daal jaceyl meel kula yuuraraan.

Waa hubaal Aqristow qaar badan oo idinka mid ah maanta in uu wax tabayo Cuqdad iyo Caloolyowna mee lajiifo Naftiisuna tabeeyso waxyaabo fara badan , midbaa tabaya labadiisi waalid uu aduunku ugu jeclaa waayaha aduunka kala geeyay hilow badanaa u qaba ,kuwaa iyana tabaya gacalisadiisee ama Gacaliyaheedii uu aduunka kadaawanayay uu maanta ka fogyahay oo ay laba qaaradood kukala suganyihiin midba gooni u ilmeenaya barkintiisana har iyo habeen dagaal kula jira .

Jaceylka sidiisaba daranaa oo wal wal iyo wal bahaar badanaa oo dhibicdiisu kululaa , haba ugu sii darnaadee marka ay kala dheeryihiin lamaanaha isjecel midba meel fakir iyo dhakafaar dhabanada laheestaa murugo iyo walwal daris lanoqdaa marwalbana kafikiraa xalka uu kusuganyahay gacalisadiisa ama gacaliyaheeda xaalka uu kusuganyahay farxad iyo murugo, maxey halkaasi kudaadataa ilmo aan la iska tireen horaa loo yiri "Laba Heshiis ahaa hadey kala tagaan ama wey is hilmaamaan ama wey isku soo hiloobaan" waa xaqiiqda jirta in labada qof ay is jecel hadii ay kala irdhoobaan oo ay kala fogaadaan in ay labo mid noqoto in la is ilaabo waxii hore u dhaxmaray xalay dhalay laga dhigo ama ay isku soo hiloobaan oo aysan kala daalin .

Alla Jaceylku xanuun badanaa oo xumadiisu daranaa markii aad weyso indhaguna umuuqan naftu tii ay tabeesay ama muhaneesay Ciil iyo Caloolyow badanaa, Abwaano iyo Fanaaniin ayaa horay uga mariyay faalooyin tusaalana uga baxiyay Fanaan Jeylaani ayaana ku taahay ereyadan "Nin Jaceyl Wareemayoo Waagii Gaduutaba Wadaadaduu Jeclaa Dadka weydiyaan ahay " Fanaanka ayaana ereyediisa kooban waxa aad kafahmeysaa in uu baafinayo ama raadinayo tii uu dunida ugu jeclaa waxaana ereyada heesta kaaga muuqanaya in ay fanaanka iyo lamaantiisa ay markasi kala fogyihiin Jeylaani ayaana Catowgiisa sii Raaciyay "Alla waayayee Wal bahaarayee igu wiirsay caashaqu yaan kawaheshadaa " kiinii caloosha jilicsan ama wax kagaran qiimaha Jaceylka waa garan karayaa halka uu xaal kamarayo Fanaanka iyo qof walbo markaasi ay ka dheertahay gabar ama wiilka qof walbo qofkuu muhanayo.

Jaceylka kala fog ayaana waxa uu lakulmaa dhibaatooyin iyo hagardaamooyin ay u qoolaan xaasid Jaceyl ama dira diraalaha iyagoo mar walba lamanaha u kala wariya xumaan iyo waxyabao keeni kara in Bur bur jaceyl halkaasi kadhasho Fanaan Roorayae ayaa gacalisadiidii kadheeraaday kuna wareeray dhambaalo badan oo Jaceyl oo hawada u samariyay Gaclisadiisina wax jawaab ah kahelin waxa uuna ku taahay "Waxa aan ladhiileesnahay la dheeldheeliyaa waxaan ahay dhambaal wade arinkiisa dhaantee Dharaartii qura Sanad iiga dhiganee Nin ladhoora yaan ahay asa dhiman Na nooleen, Warqadahan isdhaafinayay ladhacaayay tigidhada dhanka ay marayaan dhaka fara kaqaadee Dhaxda waxa ujoogee dhufsadaan layaabee Aduunyada dhibkeedaa ani lee dhameeyee" inbadan oo idinka mid ah waad ila fahanteen waxa uu fanaanku kahadlayo waxa uuna muujinayaa in Jidgooyo jaceyl ay jidka ugashay dhambaaladiisa dhaceen oo ana lagaarsiin nafta uu tabanayo balse fariimihiisa quruxda iyo jaceylka badnaa kuwa lid ku ah laga gaarsiinayay .

Fanaan Hanuuniye ayaa isna digniin hawada umarsiiyay Gacalisadiisii ugana digay Cadowga iyo diro diralaha Jaceylka Waxa uuna Yiri "Dad baa jira waalanoo hadey wax is raba arkaan u kala wariya xumahee walaalaha kala dilee Jaceylkeena kaweyn ,Wad iyo Calaf waxaan ahay in nakala weeciyaanoo Jaceylkeena kaweyn , waa run waxa uuna taabtay Point muhiim ah dad badan ayaana is oran doona Qoraha shekadan Gacal Ayman Dhibaatoyinka Jaceyl oo lasoo kulmay badanaa waxan uu sheegayo ma asiga ayey kudhaceen cataw iyo calaacal badanaa lakain aqristoo fartu kaligey iguma godna inbadan ayaan u xog waramayaa oo dhibkaa qaba.

Sidoo kale dadku mawada ahan markii ay kala dheeraadan ama waayuhu kala geeyo kuwa kukala hara Jaceylkii qiimiga badnaa ee labadaasi kadhaxeyay balse waqtigu oo kala wiiqay Abwaan baa isna fariin mahad celin iyo amaan hawada umariyay lamaantiisii uu mudo kamaqnaa dibad dheerna kajiray waxa uuna hawada umariyay dhambaalkan qiimaha badan "Jirkaa kuu damqoo waan kudoonayaa Dumar lama hadloo Dadkaad ii xigtaa ,Anoo dibad kumaqan Dal dheer kaajiroo kaa galaa danbaa Daryeeshoo ilmihii dusha saaratoo ii dulqaadatee Ilaahayow Ku daa Eebow kudaa ", halkaasi waxa ka muuqanaya in ;la isku samray samirkuna wax weyn yahay ,Hibaa iyana sii sagootineysaa gacaliyaheeda dhambaal iyo duco sagoontin ah hawada umarisey oo maxaey kutiri iayana "Samri weysay niyadeedii laguu saaray Calankee saqda dhaxe habeenkii Sahwiyoo dhawaaqee .... Nafteyda saacado hadey hadey kuweysana sidee noqonba moogiyee ane waan kusugayaa soo noqo adoo nabad ah soo noqo adoo nabad ah".

Guntii iyo gaba gabadii iyadoon amuurahaan Jaceyl halkaan lagu soo koobi karin ama suugaan lagu soo afmeeri karin waxaan filayaa in aad ila dareenteen Dhibaatada ay leedahay lamanah Jaceylku kala fogeeyay midba meel waqtigu kuwiiqay waxaan idinkula dardamayaa in aad samirka kaashataan kana fogaatan dira diralaha jaceylka " "Koley wadnayaal is raacay waxaa weerara oo was waasa wax kastoo idinku yimaada hawiiqina oo Jaceylkiinaa kaweyn

mabrook_11@hotmail.com

hulbale@gmail.com

Waa Maxay Farxada iyo dareenka u garaka ah Ereyga Jaceyl?

Marka laga hadaayo Jaceyl waxaa la arkaa ama la ogyahay in Marka ay bulsho meel wada joogto midkood uu soo qaato ama ku dhawaaqo ereyga Jaceyl durbadiina dadkoo dhan dareen wada galo ama qaarkood ay dhoola cadeeyaan , taa badalkeeda markii uu qof ku dhawaaqo ereyga naceyb dadkoo dhami wajiga kaduudaan ama ama wax qiimo iyo qaayaba aysan siin qofkii ereygaasi naceybka ah ku dhawaaqay.

hadaba Su'aasha isweydiinta mudan ayaa ah waa maxay Farxada iyo dareenka u garaka ah ereyga Jaceyl?

waxaa laga yaabaa in dad badan ay su'shaasi siyaabo kala duwan uga Jawaabaan.

Aqriste waxaa jira oraahyo ama tusaaeeyin badan oo bulshada dhaxdeeda caan kanoqotay gaar ahaan hal abuurada Soomaaliyeed iyo kuwa carabta oo iyagu intooda badan gabayo ama heeso uga hadla Amuuraha Jaceylka iyo saameynta uu kuleeyahay dadweynaha kunool Caaamka daafihiisa oo idil..

Sidoo kale Jaceylka xiligan ayaa waxa uu eeyahay isbadalo fara badan iyadoo qofba dhan ay ku macneesay hadii aynu soo qaadano . XASAN JACAYL oo kamid ah abwaanada Soomaaliyeed kuna xeel dheer amuuraha Jaceylka waaya badana usoo joogay :- " abwaanka ayaana waxa uu sheegay in xiligan uu qirsanyahay in uu jiro iaa 7 Jaceyka ."

1. Jacayl dhab ah:- 2. Jacayl gaaban:- 3. Jacayl danaysi:- 4. Jacayl Xushmo:- "5. Jacayl Socod wadaag:- 6. Jacayl Guud:- 7- 7- Jacayl Laab-la-kac ah abwaanka ayaana mid walbo daba dhigay tusaaooyin aga dheehan karo 7badaa Jacey ee xiigan iyo sida ay bushada Soomaaliyeed ugu dhaqanto .

Sidoo kale Xee dheere amuuraha Jaceyka oo u dhashay Daka Ciraaq ayaa waxa oo dhoor tusaae usoo qaatay Jaceylka sida oogu baahanyahay isna uu dadku ugu baahanyahay isagoona kubilaabay ,

1,Dayaxu in uu nagu du wareego ayaanu Jecelnahay isna in uu nagu du wareego ayuu Jecelyahay oo hadii uu dayaxu mugdi noqdo waxaad arkaysaa dadkoo idil oo iftiin ka Jecel raadinayana .

2,Qoraxdu in ay nagu dul wareegto ayeynu jecenahay iyana in ay nagu dul wareegto ayey jeceshahay oo hadii qorax madoobaad dhaco waxaad arkaysaa dadkoo walacaya oo oronaya ilaahow qoraxda noo soo bixi iyaga oo hadana door bidaya in aysan qoraxdu gubin oo diirimaadkeedu yara qaboobaado, hadaba tusaaooyinkaasi iyo kuwa kale oo kabadn ayaa jira .

Jaceylka waa udub dhaxaadka dhaq dhaqaaq walboo aadanuhu sameenayo sida warbixintan aad kaga dhadhansaneyso Jaceyka ayaa ah aalad caalamka oo dhan dul wareega oo dhinac walboo laga eego hanaan nooleedka aadanaha ka marneyn dadka caaqilka ah iyo xayawaankaba intaba.

Jaceylka ayaana waxa waxa uu kakoobanyahay qeebo badan lakin aan soo qaato qoraal ahaan ,Damac ,.Dooq iyo Dabeecad kuwaas oo dhamaan ah kuwa iswata oo aan kala maarmin kuna dheehan unugyada kala duwan ee Jirka bini'aadmka kunool Daafaha Caalamka .

Waxaa jira ama la arkaa qof qof uu Jecelyahay ama shey uu Jecelyahay caynaya ama dhaleeceenaya isla markaana dadka u sheegaya in uu necebyahay balse markaad dib u fiiriso ama aad qiimeyso uu Jecelyahay qofkaas ama shegaas laakin uusan muujin karin Jaceyka uu u hayo.

Jaceylka ayaana laatiin ahaan waxa uu yahay erey kakooban afar xaraf oo ah LOVE kaas oo laga soo gaabiyay (lacke of Bleasure-oceiane of madness Vally of desease E,end of life )

hadaba ereyga ugu horeeya ee LOVE ee

1.L ayaa ah farxad la'aanta ' oo oola jeedo in qofku had iyo jeer uu murugsanyahay sababtuna waxa ay tahay isaga ka fikirsan waxa uu kala kumi doono wiilka ama gabdha uu dunida ugu jecelyahay ama uu caashaqay .

2.O-oceiane of Madness ; waa badweynta waalida waxaaba laga yaabaa in qofku damacaasi aawadiis uu lawaasho ama dhimirka wax kaga soo gaaraan amaba uu u dhinto sida ku dhacday Cilmi Cismaan liibaan Boodhari oo u ah Tusaalaha Jaceylka Soomaalida dhaxdiisa isaga oo u geeriyooday Jaceyl daran uu u qaaday gabdaha uu caashaqay ee Hodan.

3.V.vally of decease .. oo micnaheedu yahay Dooxada cudurada Jaceylka oo laga yaabo in qofka Jaceyl dartiis uu mudo sariirta u saarnaado sida qof xanuunsan oo kale isagoo waliba joojiya qaadashada faraha badan ee raashinka sida abateetka oo kaxirma, Jaceylka ayaana waxa uu yahay mid dadka ukala nugul waxana ugu nugul waxyeelada Jaceylka midka caloosha jilicsan.

4.E ,End of love oo oola jeedo dhamaadka ama gaba gabada nolosha oo uu qofku muuqaa ahaan aad ugu qayirmaayo waa hadii uu waayo qofkii ay naftiisa dooratay naftuna ku dagi laheed si uu ugu danbeytii u helo nolol macaan oo raaxo leh hadiisa uu waayo laga yaabee halkaasi in uu qofku ku galbado nooshiisana ku idlaato.

Sidaa owgeed waxaa a oran karaa shaki kuma jiro in Jaceylku uu kudul wareego aduunyada oo idil uuna fara galin kusameeyo wax walbo oo nolosha xiriir la leh ama laga maarmaan u ah jiritaanka nolosha qeebaheeda kala duwan .

Si kastoo ay ahaato ayaa Jaceylka waxaa lagu tilmaami kara ain uu yahay Dowlad jirta oo leh awood iyo calan ah taas oo ka duwan dowladaha kale ee dunida kajira ,Ubaxa nuucyadiisa kala duwan midab ayaana ah wasaaradihii ay kushaqeenaysay Dowlada Jaceylka ubaxuna waa calanka Jaceyka ee astaanta u ah jiritaankiisa .

Aniga oo soo gunaanadaya warbixintan aan ka diyaariyay Jaceylka ayaan doorbiday in la ogaado aadanaha iyo Jaceyka in ay yihiin mataano hoosha wada maamula sida labada gacmood oo kale , iyadoo dowladaha dariska la ah Jaceylkuna ay yihiin qowmiyadaha kala duwan ee diimaha kala jaad jaadka ah leh kuwaas oo kunool dhamaan qaaradaha aduunka adinkoo waliba si fudud u fahmi kara marba hadii qoomiyadahaasi faraha badan ay yihiin Dowladaha dariska la ah Wadanka Jaceylka ,Xukuumada Jaceylka ayan ah xukuumad awood badan iyo saameyn kuleh aduunayada.

hadii la yiraahdo Jaceyl iyo waxa la halmaala ayaa buug iyo qormo gaaban lagu soo gaba gabeenayaa aysan macquu ahayn xiliya badana ay qaadanayso ayaan halkaasi kusoo gaba gabeenayaa warbixintaan aan ka qoray jaceylka ,hadaba aqirista waxii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaaji ciwaankayga hoos ku qoran waadna ku mahadsantihiin aqriska warbixintan

0025261-5008787

(Maalinta Jacaylka) 14th February, Taariikhdeeda iyo Sharciyadda Islaamka waxa ay ka qabtaa

Hordhac

Waxaa nagu soo socota maalinta 14ka February oo loo yaqaanno Maalinta Valentine oo ay dadku u yaqaanaan "Maalinta Jacaylka Aduunka" ama Valentine's Day . Dadka Masiixiyiinta ah ama Gaalada ah maalintaas waxay is dhaafsadaan fariimaha jacaylka xambaarsan dadka is jecelna way isla xiriiraan ayagoo muujinaya in lajoogo maalin ku wayn Jacaylka ayna waajib tahay qof walba oo wax jecel in maalintaas laga dareemo. Waxay u arkaan inay tahay maalintii uu dhashay jacaylka! ama uu xornimadiisii helay sidaa darteedna ay waajib tahay in la xuso oo xushmad gaar ah la siiyo.

Hadaba Maqaalkani waxaan idinku sharixi doonaa waxa uu yahay Valentine's iyo halka uu ka soo bilowday iyo diinta Islaamka waxa ay ka qabto.

Waxaad is waydiisaa Hadii ay tahay Maalin la xuso Jacaylka maxaa  loogu bixin waayey (Day of Love) Maalinta Jacaylka oo loogu magic daray Baadari Kirishtaan ah magaciisa..?

Taariikhda Valentine's Day

Maalintaas waxay bilaabatay xilligii boqortooyada Romans-kii hore, 14ka Ferbruary waxay u ahayd maalin ay weyneeyaan Juno oo ahayd boqoradda Ilaahyada Romans-ka. Waxay kaloo u aqoonsanaayeen Juno Ilaaha haweenka iyo guurka.

Maalinta ku xigta oo ah 15ka February waxaa bilowda xuska Lupercalia oo isna ahaa wax ay caabudi jireen.

Romanku waxay aaminsanaayeen in Lupercalia uu yahay Ilaah mararka qaarna waxay ugu yeeri jireen Ilaah Faunus 2.

Nolosha wiilasha iyo gabdhaha waa ay kala fogayd xilligaas. Dabaaldagidda Lupercalia intuusan bilaaban saacado kahor ayaa magacyada gabdhaha Roman-ka waxaa lagu qori jiray warqado sanduuq ayaana lagu ridi jiray si loogu xusho nasiib ahaan. Wiilasha dhalinyarada ah dooran jireen gabadha ay nasiibka u helaan waxayna haysan jireen inta uu socdo dabaaldagaas. Waxaa laga yaabaa in ay ilmo ka dhex dhashaan wiilashii iyo gabdhihii habeenadaas isla tumanayay oo isu galmooday ayadoo laga yaabo inay kadib is jeclaadaan ama is guursadaan, sanad walbana mid cusub ayaa la qaadan jiray.

Boqortooyadaas waxaa xukumi jiray Boqor la oran jiray Emperor Claudius II ee Roma wuxuu gali jiray dagaallo dhiig badan uu ku daato. Boqor-ka Claudius wuxuu ku dhibanaa in uu helo askar si uu u xoojiyo ciidankiisa iyo dagaallada uu galayo. Wuxuu rumaysnaa in aysan nimanka Romans-ka aynan rabin in ay ka tagaan jeceelkooda iyo qoysaskooda. Boqorkii Claudius wuxuu ka joojiyay Boqortooyadii Rome guurkii oo dhan wuxuuna mamnuucay in la is guursado si ninku uunan u yeelan qof uu ku xirnaado badalkeedana sida dabaal daggii Lupercalia ay iskula raaxaystaan ragga iyo dumarka guurkuna uu meesha kaboxo.

Saint Valentine xilligaas wuxuu qaatay diinta Kirishtanka ama Masiixiga xilli Rome ay ka talinaysay dowladdii Claudius II,waxayna caabudi jireen ilaahyo ay samaysteen iyo asnaam.

Valentine waxaa lasheegaa in ay dowladu xirtay xiligaas kadib markuu qaatay diinta Kirishtanka.

Saint Valentine iyo Saint Marius waxay taageereen dhibanayaashii Kirishtanka (Christian) ahaa oo loo diiday guurka, dhowr qofna si qarsoodi ah ayay isugu dareen. Arintaas daraadeed ayaa Saint iyo Valentine loo xiray waana la garaacayay ilaa uu ka dhinto Valentine, waxayna u yaqaanaan Kirishtanku "Shahiidki Jacaylka".

14th February ayaa waxaa dhintay Saint Valentine oo ahaa Baadari. Waqti kadib taariiqdaas Rome waxay ka noqotay mid khaas ah oo laxuso sanad walba bisha February (Lupercalis), waana la faafiyay ayadoo lagu waynaynayo Wadaadkoodi Valentine oo sheegaan inuu u Shahiiday jacaleyka dartiis iyo Ilaahoodi Lupercalis oo isna laxusi jiray maalinta xigta, habeenka ka horeeyana oo 14 ay tahay bisha February waxaa la qeybin jiray gabdhaha si ay ugu dabaal dagaan.

Sababta ay u xusayaan waxaad ka fahmi kartaa taariiqda aan kor kusoo sheegnay iyo dhacdooyinku sidii ay u dheceen. Waxaana sababahaas kamid ah:

b)Ilaahoodi Lupercalis oo maalintiisa dabaaldaga ahayd galabta 14ka February iyo maalinta xigta, gabdhaha iyo wiilashuna ay xor isku ahaayeen ninkuna uu wadan jiray gabadha usoo baxda si uu ula raaxaysto Ilaahoodaas daraadiis.

t)Sababta labaadna waa ninkii Valentine oo maalinkaas 14aad ka Dhintay kaasoo ahaa Sheekhoodi isla markaana ka xoreeyay mamnuucidii guurka laga mamnuucay Rome xilligaas.

Baadariga Pope Galasius ee Madahabta Kirishtanka ee Protestan (Protestant Christian Church) ee Rome ayaa sanadki 496m markii ugu horeysay taariikhda si toos ah u dooratay ama aqoonsaday Valentine's Day (Maalinta Jacaylka) in la dabaaldago sanad walba 14th February.

Ciida Valentine's Day Yaa Xaq U Leh?

Wax waliba waxay leeyihiin asal iyo meel ay ka yimideen, dunida maanta wadan walba maalin ayuu u dabaal dagaa sida Somalia ay ugu dabaal dagto 26ka Jun ama 1da Luulyo oo ah maalmihii xornimada, sidaas oo kale Mareykanka (USA) waxay u dabaal dagaan 4ta Luulyo (4th July) oo ah maalinta xornimadooda. Ma is waydiisay maxaa 4ta Luulyo looga dabaal dagi la'yahay Somalia ama ay Mareykankuba u dabaal dagi la'yihiin 1da Luulyo? Sababtu waa qola walba waxay leedahay maalin u gaar ah oo ay xushmeeyaan sida uu Islam-kuba u leeyahay maalmo u gaar ah Kirishtan-kuna u leeyahay maalmo gooni u ah.

Maxay Diintu Ka Qabtaa Xuska Valentine's Day?

Waxaa layaab ah in manta dad Muslimiin ah ay xusayaan maalintii Gaalada u waynayd asal ahaanna ka timid Baadari Christan ah geeridiisa iyo wax ay caabudi jireen Roman kii hore!!. "Waxaad galaysaan meel walba oo ay galaan xataa god" sidaa waxaa ahaa xadiiski Nabi Muxammad SCW. Waa sax oo waxaan galaynaa meel walba oo ay galaan waxaana samaynaynaa wax walba oo ay gaaladu sameeyaan, xataa waxaan la galnay maalmihii iyo xusaskii ay ku waynaynayeen dad ama wax ay caabudi jireen.

Bal iswaydii annagu waxaa marwalba waynaynaa Nabigeena Suuban ee Muxammad Bin C/llaahi (SCW) oon xusnaa ee gaaladu mana raaceen oo manala wayneeyaan Nabigeenna Muxammad (SCW)? Waa Maya!!. Haddii ay maya tahay annaga maxaa nahelay hadii aan Islam nahay, oo maxaan gaalada iyo Mushrikiinta ula dabaal dagaynaa?

Waxaa lawaydiiyay culimada iyo shuyuukhda Islamka su'aasha ah: Waa maxay xukunka dabaaldaga Maalinta Jacaylka (Valentine Day) iyo in la iibiyo waxyaalaha ciidaas loo isticmaalo? Waxay ku jawaabeen sidan:

Kitaabka, Sunnada iyo Culimadi Salafka intaba waxay daliilinayaan ama cadeynayaan in Islamku uu leeyahay laba ciid oo ah Fitri iyo Adxa, wixii kasoo hara ciidahaas waa bidco aynan u banaanayn Muslimiinta inay ka qayb qaataan, muujiyaan ama ay ku farxaanba "qofkii tallaaba xadka Ilaahay naftiisa ayuu dulmiyay". Waxaa intaas dheer tan inay tahay ciid ay gaalo sameysatay taasna waa danbi loo geeyay danbi kale. Waxaa ku jira gaalo isku ekeysiin iyo wali kadhigasho, Ilaahna taas wuu ka reebay Mu'miniinta, Nabi Muxammad SCW isna wuu cadeeyay wuxuuna yiri "Qofkii isku ekeysiiyaa ummad iyaga ayuu ka mid yahay" ciida jacaylkana waa nooca lasheegay; waana ciid sanam caabud iyo Kirishtan, Qof Muslim ahna uma banaana inuu ka qaybqaato.

Waxaa kaloo qofka Muslimka ah ka xaaraam ah inuu caawimaad ka geesto ciiddaas ama ciidaha kale ee gaaladaba nooc walbaba sida ka cunida, cabida, gadashada, iska gadidda, u sameynta, hadiyaynta, la xiriirka ama ogaysiinta dadka kale wax khuseeya ciidaas ama ciidaha kale ee gaalada. Ilaah wuxuu Quraanka ku yiri (Isugu kaalmeeya Samaha iyo Dhawrsiga hana Isugu Kaalmaynina Dambi iyo Colnimo, kana Dhawrsada Eebe, Ilaahay way darantahay Ciqaabtiisu) (Suuratu Al Maaidah, Aayada 2aad)

Ma banaana dabaaldaga ciidan bidcada ah sharcigana wax asal ah kuma lahan sharciga waxayna soo galaysaa xadiiski Nabiga SCW ee ahaa:"Qofkii ku dara arinkeenan wax aanan ku jirin waa celis" micnaha qofkaas. (Waxaa soo saaray Bukhari iyo Muslim

Allaah SW wuu uga digay Mu'miniinta dhaqanka gaalada oo idil sida uu Qur'aanka kariimka kuleeyahay Miyayan u dhawaanin kuwa xaqa rumeeyay inay u khushuucdo quluubtoodu xusidda Eebe (Quraanka) iyo waxa xaqa ah ee dagi, oyna la mid noqonin kuwii Kitaabka la siiyay horay (Yahuud iyo Nasaaro) oo muddadu ku dheeraatay, markaas ay ingagtay Quluubtoodu, wax badan oo ka mid ahna waa Faasiqiin (ka baxay Xerada) (Suuratul Xadiid, Aayada 16aad)

Valentine's Day Waa Ciid: Kirishtan ama Sanam-caabud(Mushrikiin)

Waxaa lawaydiiyay baadari Kirishtan ah su'aal ahayd: Ciidda Valentine's Day ma sanam caabud baa? maalinkaasna mayahay ciid Kirishtan sax ah? Wuxuuna ku jawaabay: Haa, waa ciid ama dabaaldag sanam caabud ah, sida dhabta ahna maalinkaas waxaa loo dabaal dagaa ciidda Ilaaha Jacaylka ee Romanka. 7

Dhanka kale Pagan Calendar -ka(Jadwal-taariikhiga Sanam caabud-ka) bogiisa uu ku soo bandhigo taariikhda sanad walba ee ciidaha iyo xusaska muhiimka u ah waxaa ugu jirta wax loo yaqaan Feast of Vali, St. Valentine's Day (ama waliimada Vali, Maalinta Valentine) oo ku beegan 14ka February. Taasi waxay ku tusaysaa inay tahay maalin u tirsan sanam caabudka oo ay xusaan una xoola qalaan Vali.

Gunaanad

Waxaas oo idil waxay ku tusayaan in qof Muslim ah uusan shaqo ku yeelan karin ciida Maalinta Jacaylka Aduunka, sidaas darteed waxaa waajib nagu ah inaan iska ilaalino kaqeyb qaadashada ciidahan oo kale oo dadkeena ay fududaystaan laakiin ay yihiin wax aanan sahlanayn kana soo horjeeda dhaqanka iyo sunnada Nabigeenna (SCW) dhamaan culimada Islamkana waxay isku raaceen inay tahay gabi ahaanba xaaraam.

Waxaa kale oo nasaaran inaan qof walba oo Muslim ah oo aanan aqoon u laheyn arimahan oo kale sidaasna ku dhex galay danbigaas aan u sheegno ugana digno Khatarta ku sugan in loo dabaaldago sanam ay gaaladu caabudaan.

Diinteenu waxay nafaraysaa inaan wanaaga is farno xumahana aan iska reebno waana waxa aanu uga duwannahay ummadaha kale loona baahanyahay in ladabaqo.

 

Ragu Majeclo Dumarka Tilmaamahaan Leh, Hadaba Iska Eeg Tilmaamahaasi Ragu ee Necebyihiin ( Qalinkii Kalafoge )        

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa haduu ALLE ogolaado dhowr siyaabood oo aaysan ragu jecleyn kuwaasi oo dumarka dhankooda si caadi ka ah.

Xaqiiqdu waxey tahay in is fahamdarada noocaani ah aay sababi karto kala tag ama burbur qoys, hadaba si aaysan taasi u dhicin hadii aad tahay marwo baro qodobadaan kana illaali ninkaaga si uusan kaaga xiisin halkii uu kaaga xiisi lahaa.

Qormo kale oo xigto ayaanu kusooq aadan doonaa dumarka waxey necebyihiin raguna aay iskaga dhaqmaan, balse maadaama aasaaska qoyska aay tahay hooyada waxaanu ku hormareynaa inaan dhisno marwada kadibna aan u noqono inaan dhisno seeyga guriga.

Marwayahay ogoow Qodobadaan kobciye.com iyo allbanaadir aay kuusoo gudbinayaan ragu majeclo dumarka sidaan u dhaqmo.

1- Cabashada joogtada ah ee dumarka ka timaado taasoo aay qaarkood u isticmaalaan ineey ku weeraraaan ninka raga ah ayagoo daciifnimo uga raadinayo, ragu dumarkaasi cabashada badan majeclo oo had iyo jeer halkuu guriga ugu soo xiisi lahaa wuxuu isleeyahay ti ayaa kaa horeyso dabadeed asxaabtiisa ayuu isku mashquuliyaa oo kusoo daahaaa, markii uu guriga imaado uusoo daahana qeylo iyo cabasho ayaa guriga ugu horeeyo, ragu majeclo dumarkaasi.

2- Mida suaasha iyo koontoroolka badan, ragu majeclo mida suaasha badan ee calaamatul suaal ah ( ? ) taasoo had iyo jeer weeydiineyso maxaa mashquul ku tahay, beri intee aadeee, iyo naagta ninkeeda su'aasho hantidiisa iyo maantay intuu soo shaqeystay ragu majeclo midaasi adiga oo awoodo si kalgaceyl ah wax walbo inuu kugu sheegto maxaad suaal ugu dileeysaaa.

3- Mida iska jiifto xiliga aay socoto hoowsha galmada ee aan far dhaqaajineyn ragu majeclo weliba waxey ka qaadaan waali xad dhaaf ah, taasina waxey sababtaa ugu danbeyn inuu naco lagalmooshaha xaaskiisa, dumarka qaar ayaan far nuuxineyn markii aay socoto howsha sariirta weliba neefta iyo riinka raaxada isku celinayo, ayagoo moodo wax laga xishoodo, balse xaqiiqdu waxey tahay ninka oo riinka iyo neeftuurka xaaskiisa maqlaayi inuu galmada sii wado, balse hadii aad tahay dumarka iska jiifo ee aan far nuuxin ogoow ragu majeclo waxeyna kaqaadaan xanaaq waalan.

4- Ragu majeclo dumarka ku yiraahda ninkeeygii hore ayaa kaafiican sidaa iyo sidaa ayuu ii sameyn jiray, taasi waa tan raga ugu daran weliba hadalkaasi ma iloobaan illaa inta aay noolyihiin.

5- Dumarka asxaabta ninkeeda kuhor qososho asaga oo joogo weliba fadhiyo oo ayada sheeko biloowdo taasina ragu majeclo

6- Dumarka maseyrka badan ee aan waxbo hubsan nimankooda kula ordo dagaal iyo caay dumarkaasi ragu majeclo, waayo mida caqliga leh ee ninka ku qaboobaayi waa mida isku kalsoon ee aaminsan ninkeeda iney dhan weliba ka haqabtiri karto, aad beyna u hubtaa inuu naag kale tabeynin.

7- Mida faafiso arimaha sirta u ah qoyska taasina ragu aad bey naceyb daran ugu qaadaan, waa mida ninkeeda caawa arimaha sirta ah uu usheegto subixii gaarsiiso asxaabteeda iyo eheladeeda.

Hadaba waxaa intaasi inoogu eg dhowr qodob oo ka turjumayay tilmaamaha ragu aay ku nacaan dumarka, anagoo soo daabici doono goor dhaw dumarka tilmaamaha aay ayagana ku necbaadaan ragooda.

Inkastoo tilmaamamahaasi aay aad ubadanyihiin haddana waxaan kazoo qaadanay inta aan isdhihi karno waa muhiim,

Haddaba akhristoow adigana fikirkaaga waa kuu furanyahay dhanka hoose ku qor waxyaabaha aad isleedahay ragu kuma jeclo dumarkooda.

Jaceyl Xad Dhaaf Ah Ma U Qaadi Kartaa Ama Masiin Kartaa Qof Sida Aad Udareemeysid Aan Kuu Dareemeyn??        

Ugu horeyn waxaad ogaataa jaceylku inuusan aheyn mid kula tashto kaasoo kuu sheegayo qofka aad jeclaaneyso iyo qofka aad neceysaba, jaceylku waa dareen kazoo biloowdo indhaha ama dhagaha kaasoo si toos ah ugu sii gudbo dareemaha qalbiga, jaceylku waa dareen aan dhamaad laheyn, balse soomaalida waxa aay hadda ku dhaqanto oo aay jaceyl ku tilmaamto waxaan dhihi karaa kaasi jaceyl maahan ee waa xiiso ama daneysi.

Jaceylku sidiisaba waaa sheey qofka ku dhaliyo inuu aamusnaado ama sida uu dareemayo si toos uu usoo gudbisan waayo, jaceylku waa naxariis laga dareemo indhaha iyo qalbiyada bini aadamka, balse hadda waxaan arkaa jaceylkii in loo rogay qofyahay dhar nuuraa ayaad wadataaa waan ku jeclaaday, kaama maarmo, kaasi jaceyl maahan ee waa xiiso, jaceylka dhabta ahi qofka soo bandhigistiisu wuxuu ku qaataa waqti faro badan ee maahan kan sida sahalka ah lagu soo tufo.

Jaceyl yuusan nala fogaanin maahan mid qormo looga faaloon karo ee aan kusoo noqono mowduucii aan maqaalkan ugu magic daray, jaceyl xad dhaaf ah ma uqaadi kartaa qof aan kuu dareemeyn sidaad u dareemeysid, hadaba qodobadaan dhaxal galka ah oo kobciye.com kuusoo gudbneyso nala eeg, anagu kuma lihin kaquuso qofka aad jeceshahay balse qodobadaan aay shabakadaha kobciye.com iyo allbanaadir kuusoo gudbinayaan waa qodobo dhiiri gelin ah.

Ugu horeyn waxaad ogaataaa majirto meel aad adigu ku qaldantahay hadii uu jaceyl ku qaaday qofkii aad jeclaatayna sida aad u jeclaatay inuu kuu jeclaado daruuri maahan, adiguna taa kuma qaldanid ee ogoow, haduu maantay ku dareemin beri asaga / ayada ku dareemi doono marka jaceylkaaga dhabta ah weligaa haka quusan, inkasto mararka qaar aay qasab tahay in laga quusto misana goobtaasi lagu iloobo.

Isweeydii qofka aad jeceshahay muxuu kugu nacayaaa, maskaxdiisa maxey kaa aaminsantahay, si aad usoo jiidato, dabeecadihii iyo dhaqamadii aad laheyd iska wada badal oo iska doondoon dabeecad cusub iyo dhaqan cusub waayo waxaa laga yaabaa inuu kugu nacayo sida aad u dhaqmeysid marka isbadal noloshaada ah sameey.

Xaalada ah in qofka aad jeceshahay uusan ku jecleyn waa xaalad qofka ku abuurto murugo iyo keliyoow, balse si aadan u keliyoobin noqo qofka wuxuu tabanayo u bandhigto qofkii jeceylyahay, maxaa yeelay waxa kugu qarsoon hadad bandhigto waa xalka koowaad ee kaasaari karo kelinimada.

Si aad qof dhiiri gelin kamuuqato u noqoto jooji rajada iyo riyada maxaa yeelay kuwaasi waxeey lumiyaan mustaqbalkaaga dhabta ah mar weliba noqo qof isku kalsoon oo ad adag riyada iyo rajadana mid xiliga aad joogto aad sameyn karto hanoqdaan yeeysan kaa noqon rajo xili fog ah.

Runtii qodobada iyo talinta maahan mid aan kusoo koobi karno hal maqaal balse waxaan filayaa inta dhiman ineey kuu buuxin doonto maskaxdaada, qof walbo oo qof jaceyl dhab ah jaceyl waxaan u rajeyneynaaa guul iyo horumar aan kala go laheyn, balse qofkii jaceyl been ah wato waxbo kadhihi meeyno qofkaasi waxaa laxisaabtami doono nabsi.

 

Xikmado Jaceyl ah Oo Qof Weliba Oo Nafleey Ah Aad U Anfaceyso Hadaba Ka faaideyso Xikmadahaan        

Hawada waxaan u marineynaaa lamaanayaasha is jaceyl erayo ku haboon lamaanahooda si aay ugu sii gudbiyaaan, mar welibana waxaan u taaganahay in aan bulshadeena dhinac weliba kadhisno oo aan kahaqabtirno, hadii aay jiraan wax ayaa webka kadhiman noo soo gudbi si aan ugu soo biirino hadii bulshada aay wax usoo kordhineyso.

1: Qalbigeyga waan kusiiyay, Adne qalbigaga ma isiineysaa. si aan quful adag usaarno furahana badweynta ugu tuurno si weligeyn qalbiyadeena isugu xernaadeen.

2: Sida sokor kumilintay biyaha ayaad aniguna ugu milantay qalbigeyga, sida sokortaas aan dib loogu soo celin akrin ayaa adigana qalbigeyga dib lagaaga soo celin karin.

3: Waxaan kacabsanayaa keybourd-ka teleefankeyga iney kabaaba'aan xarfaha magacaada waayo mar weliba waxaan kusoo qoraa Magacaaga.

4: Malaga yaabo in dabka qabow isku badalo barafkuna dab isku badalo anigana malaga yaabo jaceylkan ku qabo inuu naceyb isu badalo.

5: Dhimbil dab ah baa wadnaheyga saaran waxad kukarsaneysaa magaca Jaceyl xaraf xaraf ayu ugu dul milmi haayaa wadnaheyga.

6: Qalbi waxad ibartay magaca jaceyl magaca nolol wax walbo ayad ibartay marna kama ahan karo bogeyga ku furan inan si adag kugu dhuujiyo laabteyda ayan rabaa.

7: Qalbigeyga dhinac ayuu kadilaacay kadib markuu tan buuxiyay jeceylkaaga ku talo gal inaad tosho qeybtas waayo wadnuhu shaqeynta inuu joojiyo ayuu kudhawyahay.

8: Markan Kuxususto saqdhex ayaan soo kacaa bisha oo buuxdo eega dhexdeda calemaha kuyaal anago wada jogna arkaa ogow Allihi nakala fogeyay hadana wan neysku Ken so celin karaa marwaliba dardarenkeygu wa alle caabud iyo samirkoo kaashanaa.

9: Ha idhihin waan kujeclahay keliya iskuday inaan dareemo.

10: Waan Ku amaahinayaa nafteyda adne i amaahi garabkaaga si aan ugu dul ooyo. Wan ku amaahinaya dhagaheyga adne i amaahi dhagahaga si ay idhageystaan mar weliba. Balse wadnaheyga kuma amaahin karo waayo mar hore ayaad lahaatay weligaana adigaa lahaanayo.

11: Aan iskaga kiin dhex baxo adinka iyo qodobadii jaceylka ee aan akhristayaasha kobciye.com iyo allbanaadir ugu talo galay.

Mararka qaar waxaad iisoo dirtaa fariiin, balse aniga joogto ayaan kuugu soo diraaa, mararka qaar waad iixiistaaa balse aniga joogto ayaan kuuugu xiiisaaa, mararka qaar waaba I iloowdaaaa, taana waa waxa keliya aanan sameyn doonin intaan nooolahay.

Macaanto xusuustu waa wax yaab leh markii aan xasuusto xiligii aan labadeenuba isku dul ooyn jirnay waan qoslaaa, laakiin markii aan xusuusto xiligiii aan labadeena isla qosli jirnay, waan ooyaaa weliba ilmo kulul.

12: Hadii aad u maleeysid inaan kaa fikiro waqtiyada qaar waad qaldantahay, waxaan kuu xiisaa keliya markii aan kaa fikirayo, laakiin waxaan kaa fikiraaa ilbiriqsi weliba ee nolosheyda soo marto taasi waxey ka dhigantahay inaaan mar weliba kaa fikiro kuuna xiiso.

13: Maalmaha waa mashquul, saacadaha aad bey u yaryihiin, ilbiriqsiyadu aad bey udheereeyaan, laakiin sikin weliba kama daallo inaan xaaladaada kuweeydiiyo, maskaxdeydana kama daasho iney kuuxiisto.

14: Weligaa ha fiirin weji qurux badan, maalin wuxuu isku badali doonaa duqnimo, weliga hafiirin jismi qurux badan maalin wuxuu isku badali doonaa inuu isku laalaabmo, laakiin waxaad fiirisaa keliya qalbigeyga daacada kuu ah aan ebid sidiisaan iyo xiisaha uu kuu qaboiska badali doonin.

15: Macaanto nolosha waxaad igu bartay casharo ciwaankoodu uu ahaaa, Taxadar, dhoola cadeyn, oohin, cafis, wadaagis, aaminaad, iyo weliba waxa uu yahay jaceylka, waxaad tahay macalinkeygii dunida kazoo casharada uu ibaray weli ku dul qoranyihiin xinjiraha wadnaheyga.

16: Waqtiga farxada, waqtiga waqtiga murugada, waqtiga maalintii, waqtiga habeenkii, iyo waqtiga hurdadaba adigaan kuu xiisaa oo aay naftu tabtaaaaa.

17: Albaabada xusuustaada weligood maxermayaaan oo waa iska furnaanayaaan, inta aan kuu xiisay qof bini aadam ah maskaxdiisa maximili karto, maalmaha waxey igu gudbaan anigoo xusuusteenii dhex mushaaxanayo, inta maalintii aan kaa maqanahay aan kula sheekeysaneyn waxaan lasheekeystaa xusuusteena iyo ilmada indhaheyga kazoo burqaneyso.

18: Xikmada kobciye.com iyo Allbanaadir waxey ku leedahay ilbiriqsi weliba ee noloshaada kusoo maro, waa sawir aanad weliga horay u arkin, kaasoo haddana aadan weligaa dib u arki doonin, sidaa awgeed ilbiriqsi weliba ee kusoo maro kaga faaideyso cibaado iyo qancinta lamaanahaaga.

 ♥Tix gali jeceylkaaga♠

♥Kuna kalsoonow nasiibkaaga♠

♥haka xumaan calafka♠

♥oofi balanta♠

♥hana burburinin wacadk♠

♥yeelo go'aan adag hana is badalin♠

♥ha Burburinin lacag la'aan iyo magac midna♥

♥ku kalsoonow ruxa ad jecseshahay♠

Jacelka wa shey cajib ah jacelka wa dareen dhab ah o qofka qalbigisa illaahey ku bero jacelka sidiisabo indho iyo dhagobo malahan adigon ogen bad lakulmeysaa

hadabo wiil iyo gabar kasto waa iney jacelka qadariyaan

fadlan ha noqon cadowga jacelka.noqo  Qof  marwalbo taageera  jeceylka  noqo qof kalsooni badan oo soo jiita nafsada  ruuxa  aad jeceshahay, noqo  qof alle  ka cabsado marwalba  jecel daacad  ah  muujiya , ka  fogow  qiyaanada jecelka  waayo hadaad  qof  qiyaantid  maalin uunbaa   lagu qiyaani.

Jeceylku maahan  wax  afka laga sheegto ama  wax lagu cayaaro jeceelku  wuxuu u baahanyahay qalbi daacad  ah  iyo niyad  suuban , ilaahay hanaga dhigo kuwii daacad isu noqda  marwalba,  kuwii dhib iyo dheef  isla noolaadaa  cimrigooda  cibaada suuban iyo alle  ka cabsi iyo jeceel daacad  ah kuwii kuwaara  ilaahay hanaga dhigo aamiin.

 

JACAYLKA KA BILAAMBA INDHUHU MUXUU KAGADUWAN YAHAY KA KALE

jacaylku waa noocyo badan yahay mana aha wax inta buug iyo qalin loo qaato la soo koobi karo laakiin waa laga hadli karaa waxaana laga jeedin karaa mawduucyo badan oo kala jaad jaad ah, waxaan hadaba isku deyeyaa in aan ka hadlo jacaylka ka bilaabma indhaha kaas oo ku dhaada guul ama guul daro walaw uu jacaylku asal ahaanba yahay mid ka bilaabma indhaha laakiin dareenka ka soo ifbaxaya badhtamaha indhaha ayaa ha mid ka duwan dareenka uu qofka binu aadanka ahi dareemo. jacaylka ka bilaabma indhuhu waa jacaylka ugu wanaagsan in la sameeyo aduunka korkiisa waayo qofka binu aadanka ah wuxuu wax ka dareemaa meel badan waxaana ugu qiimo badan indhaha oo ay dadku badanaa qaderiyaan wuxuuna dareenka sidan ahi keenaa aamusnaan iyo in qofka aad jeceshaya la dili kari weydo,waxaana la arkaa qof sidaa ku dhameysta iyo qof marka uu dul qaadan kari waayo ee jacaylku ku balaadho sheegta. labada qof marka ay indha iska jeclaadaan midkoodba waa dareemaa eegmada naxariista leh waxayna labadaa qof ka wada hadlaan indhaha marka ay is eegaan waxay maskaxdoodu siisaa in ay sheekaysanayaan. mid walbana wuxuu ku qancaa ka kale daawashadiisa iyo daymada dabacsan ee uu daawanayo waxayna niyada iska yidhaahdaan waa ku dareemayaa oo ku fahmayaa in aad jeceshahay. ma kula tahay in dareen aan la qiyaasi karin uu qofka binu aadanka ahi dareemo marka uu qofka ka jecelaado indhaha sidoo kale waxaa qof walba xaqiiqsan yahay in jacaylku yahay aragti iyo ka helitaan jacaylkuna hadii aanu aragti ku dhisneyn jacayl ma noqonayo waayo qofka camoolaha ah ma laga qabalay qof ayaan jecalahay ileen indho ma lahee waxaana odhan karaa jacaylka ka bilaabma indhuhu wuxuu kaga duwan yahay jacaylada kale waxayaabo badan oo ay ka mid yihiin qaderin ka wanaagsan kuwa jacaylda kale, eegmo naxariis leh oo ka duwan kuwa kale taas oo sababta in labada qof iska jeclaadaan indhaha markooda hore. waxaa jira in dad badan oo qoraayaasha caalamka ah ay jacaylka u kala qaadaan qiimo badan iyaga oo mudnaanta koobaad mar walab siinaya jacaylka ka bilaabma indha kuna dhamaada is fahanka iyo nolol wanaagsan oo la wadaago, waxaa kale oo dad u dhabo galay arimaha jacyaku cadeeyeen in qoysaska duma ee kala burburaa aduunka korksiisa aanay u badneyn dadk markii hore jacaylkoodu ka bilaabmay indhaha, ugu danbeyntiina waxaan odhan lahaa jacaylka indhaha laga sameeyaa waa ka wanaagsan yahay jacaylada kale walow maanta jacaylkii oo aan qiimo ku fadhiyin uu yaalo suuqyada caalmka loona adeegsado hadba sidii la doono...........Qoraa:xasankaafi

 xaji ahemd"xasanjaceyl"

Gabayadii Cilmi boodhari Qaar ka mid ah

dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugaygiiye

haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale

inta uu hadhuudh-laha ku daray ama hed soo gooyey

hal hal tirada waan lagu heleyn tan iyo Haabiile

anigana hadduu igu shakalay hadimadiisiiye

aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba

dallaallimo habeenkii haddaan meel dudda ah seexdo

dayax iiga muuq dheer midduu duunku caashaqaye

iga daaya hadalqaadku waa iiga darayaaye

intaan adiga kugu gooni ahaa geed haddaan la hadlo

ama aan gawaan qodayo may gama'sanaateene

gaalada ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene

gardarriyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey Sidii aad go'aygii tihiyo macawistaan goostay

ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin

ama aan geyiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta

gardarriyee maxan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayeygadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye

goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye

sidii aad gidaar tahay maxaa kaa i garab taagey

gardarriyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey

caashaqa haween waa horaa Caaddil soo rogaye

Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

caruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye

cidla lagama beermeen dadkoo cuuddi waaxid ahe

waxaa qaarba cayn looga dhigay ha iscajabiyeene

soomaalidaa caado xune iguma caydeene

sida weelka caanaha haddii laabta la culaayo

bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya in aan cadaydo mooyee waxaan calasho lay diidye

caqliga yaa ka bi'in tuu Ilaah ku circaddaayeeyey

cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey

mugga inaan caddaadaan ka biqi Canab daraaddeede

cududuhu ma naaxaan ninkay talo ku ciirtaaye

casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye

cilmi iyo dawaba doontay oo waayey cilinkiiye

jeeraanse Canabeey ku helo caafimaad dhimaye

inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye

illeen caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobey

hillaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye

hurdadana habeenkii ma ledo haddiyo waagiiye

sida hoorrimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye

waa lay horjoogaa sidii horudhacdii geele

in aan haybsigeed dhigay hadday Hodan i moodayso

gabadh kale oo aan haasaawiyaa wayga haniyaade

kolba aniga oo sahashadoo saari ka ahaaday

ayuun baa saraab midabkileey lay sawirayaaye

sadrigay ku daabacan tahee uma sakhraameene

sidii saacaddii bay qalbiga iiga socotaaye

habeenkii markaan seexdo way ila safaaddaaye

salaaddii horay iga tagtaa oo siigo noqotaaye

mariil baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye

mirir baa la gooyaa cishqaan cidina maarayne

hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo

ama qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo

aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane

wax badan baan qummaati u hubsaday qalanjo naagoode

ha yeeshee qaraam baa igu galay qalay naftaydiiye

idinkuna halkii qoommanayd baad i qabateene

qalbigaan bogsiinaayey baad 'qac' iga siiseene

bal qiyaasa waataan qandhaday Qamareey awgiine

qarqarrada jidhkaygiyo gacmuhu way qadhqadhayaane

qosolkaa yaryari waa waxaad nagu qaldaysaane

in aan Eebbahay idin qatalin qariya laabtiinna

iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye

wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale e

waa laygu eemaray cishqiga inaan ku ooyaaye

ha u oonsan aakhiro waxaad urursataa yaalle

JINKU MA JECLAAN KARAA INSIGA?

sida aynu ognahay jinku wuu jeclaan karaa insiga taasna maaha waxa in badan laga hadlo waayo dadka badankiisu uu arkaa qof la leeyahay waxaa ku jira jin hasa ahaatee waxaa is weydiin leh sideejinku ku jeclaan karaa binu aadanka waxaa hadaba jira sababo uu jinku ku galo qalbiga iyo jidhka qoka waxaa ka mid ah tusaale ahaan iyada oo ay dumarku feydaan cawradeeda iyada oo aan is ogayn sida bawdyahay isla mar ahaantaana aan afka ku hayn xuska alle iyo iyada oo inantu xidhata dhar aad u qafiifsan misana soo jiidanay indhaha dadka kadiban ay istaagto muraayad guriga iyada oo soo bandhigaysa quruxdeeda lana yaaban quruxdeeda waxaana markaas dhici karta inu uu jinku ku jiro qolka aysan ogayn sidaana uu ku jeclaado waxaa kaloo badanaa keena in uu jinku jeclaado isnsiga in uu ku seexdo qofku dhar khafiifa ah xiliga xagaagii isaga oo aan akhrisan wax quraan ah jinku wuxuu ka maseeraa marka uu arko inanta uu jecel yahay oo la hadlaysa wiil kale waayo wuxuu jinku ka maser badan yahay insiga mana yaqaano qofku in uu jecelyahayjin wuxuu mararka qaarkood moodaa in qof la hadlay oo kale wuxuu jinku adeegsadaa cabsi gelin iyo in uu u hanjabo qofta uu jeclaaday sidaa daraadeeda waxaa ka muuqda wiilka ama gabadah uu jeclaaday murugo iyo welwel badanoo aan haysan dadka kale waxaa dhacda in qofka uu jeclaaday lagu salido hurdo badan waayo jinku wuxuu jecelyahay in uu ku hurdo dhabta qofta uu jeclaaday Jinku wuxuu u diidaa inanta in ay guursato isagoo u soo maray dhawr wado oo ay ka mid yihiin In uu wajiga inanta ka dhigo wax aad u fool xun mar walba oo ay inamadu is yidhaahdaan la sheekaysta waxaa dhacda in hadii nin soo doono ay tidhaahdo waan diiday mana doonayo ninkan iyada oo aan lagaran waxay ku diiday wuxuu kaloo jinku bedelayaa dabeecada gabdha waxaana laga yaabaa in ay ka xanaaqdo waxyaabo iska fudud oo ay qayliso inta uu joogo ninka soo doontay waxaa kale oo dhacda in ay diido oo iska soo taagto in ay nin kala sheekasato arin guur taasina waxay sababtaa in uu iska tago ninka damca oo aanu ku soo laaban waxay u arkaysaa inanta jinku ku jiro in uu nin waliba ceeb leeyahay Jinku wuxuu dhaqan u leeyahay in aanu ka maqnaan gabdha uu jeclaaday ilbiriqsi waayo wuu weheshadaa wuxuu dhibaato weyn u gaystaa hadii ay naagtu tahay mid reer leh wuxuu qabtaa ninkeeda xiniinyaha si uu cadho uga dhex abuuro lamaanayaasha is jecel halkaas oo niyad jab iyo dhibaato aad u weyni ku soo wajahdo labadii lamaane iyado oo naagtu ka cabanayso dhanka galmada kuna eedeenaysa ninkeeda in uuna gudan karin waajibaadka nin nimo, dhibaatooyinkaasi ugu danbeynta waxay sababaan in ninka iyo naagtiisu kala tagaan taasina ay noqoto fursad uu jinku ku helo gabadhii oo keli ah kadiban uu la raaxaysi la yeelan karo, Dad badna oo jin galay marka wareysi lala yeesho hadii ay rag yihiin waxay sheegaan iyaga oo naag u galmoonaya hadii ay dumar yihiina waxay sheegaan iyaga oo rag u galmoonaya taasna waxaa culimada diinta iyo dadka wax garadka ahba ku cadeeyeen in jinku jeclaan karo insiga.ururintii iyo diyraarintii: C/risaaq Maxamed Yuusuf

GOD MA LOO GALAA JACAYL?:-

god ma loo galaa jacayl qormadan waa mid xanbaarsan kana hadlaysa in jacaylka god loo geli karo loona dhiman karo waayo aduunaydan qof walba qof ayuu jecelaadaa oo niyada ku hayaa rajeeyaana in uu nolosha la wadaago oo wehel ka dhigto hadii uu qofkaa waayana wuxuu ku sigtaa in uu nolosha oo dhan waayo, waayo waxaa la soo guboonaata marxalado kala duwan oo aanu markaas maareyn karin wakhtina u heli karin kuwaaso oo welwel, walbahaar,mashquul iyo niyad sami la'aan u muujiya, ugu danbeyntana waxaa laga yaabaa in uu u god galo oo uu u dhinto jacaylkaa, sidoo kale dhibaatooyin faro badan ayaa soo wajaha qofka binu aadanka ah marka uu jacaylkiisa waayo, in jacaylka god loo galo wax shaki ah oo inaga saaran ma jiraan waayo waxaa u god galay oo aan ognahay Cilmi Boodhari oo hodan darteed u god galay una geeriyooday,alla badanaa oo badnaa inta jacayl la geeriyootay aduunyadan korkeeda oo cidla ku nafbaxay cidna aanay u ogeyn in ay u geeriyoodeen jacayl dhab ah. waxaa waddamada aduunku oo dhan isla meel dhigeen in jacaylku aad u wanaagsan yahay qofka ka hadla arimaha jacyalkuna aanu noqon doonin qof denbi ka galay dawlad shiqsi iyo wax la mid ah halka qoraayaasha caalamka badankooda lagu eedeeyo siyaasada iyada oo la leeyahay qof ayuu u eexday qofna wuu ka leexday, ma jiro ayuu yidhi Awbaan soomaaliyeed wax la yidhaahdo guur aan ku dhisnayn jacayl iyo kal danbeyn hadii taasi jirina ma sii waaro oo meeshii la doonayey ma gaadho mana noqdo mid muuqda oo dadka oo dhan arkaan u aayatiinkiisa.xasankaafi xaji ahmed xasanjacey.

Bisha febuary 14 ayaa looga aqoonsaday in ay tahay maalinta jecelka aduunka,

waxaa laysku diraa salaamo, ubaxyo, hadyado ay is dhaafsanayaan lamanaayasha

is jeceli. Hadaba maxay tahay waxa ka danbaya dabaal dagan iyo xaflada maalintan oo kale?.

Waa suaal jawaabteeda wax badani mugdi ku jiro, waxayse

aynu ognahay in bisha febarary maanto kale ay noqotay maalinta jecelka

kalgacalka iyo xiisaha la xuso.Hadaba ereyga Valentine's Day waxaynu ognahay

in uu macnaha ahaan u dhandhamayo in uu ka mid yahay Christianka ama ka sooo

jeedo cadooyinkii hore ee Romanska. Hadaba kumuu ahaa Valentines? sideese

layskugu xidhiidhiyey xuskan qarniyada jira ee jecelka lagu xuso iyo

isaga?.Ilaa imika kiinisada Catholick waxay u ictiraafsantahay in la odhan

jiray ugu yaraan in ka badan sadex wadaad magacan valentine kuwaas oo ahaa

siday sheekeen ahaa shaahidiin.

Sheekada qaar baa odhanaya Valentine waxaa uu ahaa wadaad kasoo diinta iyo

wacdiga faafin jiray qarnigii sadex iyo tobnaad. Markii boqorkii Claudius

labaad uu go'aan saday in askari la qoro raga aan xasaaska lahayn oo uu ka

doorbiday kuwa reeraha leh. Waxaanu ka madnuucay dhalinyarada yaryari in ay

guursadaan kuwaas oo u ahaa kayd cidan oo ku ilaashado awoodiisa. Wakhtigaas

baa ninkan Valintine dareemay cadaalad darada wareegtadan uu boqorku

dhalinta kaga madnuucayo in ay guursadaan, Waanu iska indha tiray waxaanu

bilaabay in uu guursado gabdhaha yaryar ee laqanka il qabatiga ah ee

wakhtigaa aad ka u quruxbadnaa kuwaas oo hoos u guursaday. Hadaba markii

sheekadii Valentine ay soo shaacbaxday in uu hooshoos u qabo dumar badan.

Waxaa uu boqorkii amray in la dilo sidaasbaana lagu khaarajiyey Valentine.

Sheekooyin kalena waxay sheekagayaanin Valentine in sababtii loo dilay ay

ahayd isagoo isku dayey in uu caawiyo wadaadii chirstanka ahaa ee isku dayey

in ay ka baxsadaan xabsigii adkaa ee Romans halkaas oo inta badan maxabista

si xun loo jidh dili jiray.

Marka la eego sheeko kale ayaa iyana odhanaysa ,Valentine dhab ahaantii

salaantii kalgacalka iyo jecelka loogu magac daro salaanta Valentine waxaa

uu u diray naftiisa. Markaas oo uu ku jiray Xabsiga, waxaa la rumaysan yahay

in Valentine uu jecel baasi ku dhacay wakhtigii uu jeelka ku jiray oo u

jeclaaday inan aad u da'a yar una qurux badnayd.Taas oo ahayd gabadh uu

dhalay ninkii xabsiga wakhtigaas haystay, taasoo soo booqatay wakhtigii uu

ku jiray meeshii lagu hayey. Ka hor hadaba dhimashadiisii. Waxaa la sheegaa

in uu waraaq u qoray iyada, taas oo ku saxeexay, ‘ka socota Valentinekaagii,

halku dhaagaas oo ilaa iyo hada sida alxanka ugu dhagan salaamaha maanta oo

kale si aadana loo isticmaalo. Walow hadaba runta gunteeda aanay wali cidi

si fican u daahfurin,sheekooyinka oo dhan marka laysku soo min guuriyo waxay

u badinayaan uun codsigiisuu uu ku adkaysnayey in loo yeesho nugal iyo

damacsanan qofkasta oo jecel hayo, kalgacalka la sabo la habo oo aan la

baylihin.

Wax lala yaabo may noqon in Valentin uu ahaa wakhtigaydii hore aan

ilbaxnimada dunida maanta taal ool inu uu ahaa mid ka mida wadada aadka uga

caanka ahaa England iyo France.England ,Maalina Valentines aad bay uga caan

ahayd ku dhawaad wakhtigayadii qarnigii todobaad , ilaa bartamihii qarnigi

sideedaad. Waxay noqotay wax la caadaysto oo dadka saxiibada ah iyo kuwa

sida aadka isku jeceliba dhamaan qaybaha bulshada oo dhami ay is

waydaarsadaan kalgacal iyo xiiso badan kuwaas oo iskugu diri jiray waraaqo

ay gacanta ku qoraan, halka maanta tadawarka caalamku badalay in post cardo

si quruxbadan loo dabacay laysku diro. Maraykanka ayaa ahaa kii bilaabay in

card Valentines Day ah oo gacanta lagu sameeyo layskugu diro 1700. Halka

1840 wakhtigaas baa uu Howland bilaabay in uu iibiyo cardkaga Valentines

Day.

Sida ay sheegeen ururka carkdka salaamaha layskugu diro sameeya, waxay ku

qiyaaseen in ka badan hal bilyan oo cardhadh ah in laysku diro sanadkiiba,

taas oo ka dhigaysa Valentine's Day maalinta labaad ee sanadka ee ugu

cardhadh dirka badan( Halka maalinta Chrismaska Cardhadhka la diro ay

qiyaastii yihiin 2.6 bilyan card). Hadaba waxaa aad u xiisa badan in

boqolkiba shan iyo sideetan cardka la iibsado maalinta Valentiine ay

iibsadaan haweenku.

Hadaba sida la rumaysan yahay waxaa la xusaa oo loo dabaal dagaa Valentine's

Day 14 Feberuary,si loo xuso sanad guuradii ka soo wareegtay markii la dilay

Valentine. Taaso qiyaastii noqonaysa 270 ka dib dhimashadii cise . Qaar kale

waxay ku andacoodaan in Kiniisadaha Chiristanku ay u goaamiyeen in

maalintani Valentin ay noqoto bartamaha February si ay u loo xuse wakhtigii

la gaalaysiyey Lupercallia oo ahaa wakhtiyadii hore oo ku siman

Roomaniskii,Sidoo kale bisha February waa bil ku bilaabmata wakhtig

barakaysan taasoo ay u qateen in ay tahay bishii is daahirinta.Guryaha ayaa

la nadiifiyaa la cadriyaa la qurxiyaa halkaas oo lagu shubo milix iyo

hadhuudh kaas oo lagu baahiyo dhaman guriga hoostiisa oo dhan, Sidoo kale

maalintan February 15 waxaa iyana ay u doorteen in ay noqoto maalintii

bacriminta xaga beeraha taas oo ay u haneeyeen wax ay ugu yeedhaan ilaha

roman ee beeraha,iyo sidoo kale asaasayaashii Romaniska ee la kala odhan

jiray Romulus iyo Remus.

Si loo bilaabo hadaba xaflada kooxo ka socda Rominska oo wadado ah ayaa

iskugu soo baxaya god barakaysan halkaas oo yaryarykii ay dhaleen Romulus

iyo Remus, oo ahaa asaasayaashi Roman, la amiin sanyahay in lagu hayn jiray

laguna barbaarin jiray oo ay waliba yey u ahayd mid gaadhka ka haysa si loo

amiinsiyo dadka Romanista ahaa labadan nin mucjisooyinkii ay lahayeen.

Dabadeed waadaadu waxay gawrici doonaan Ri'i loogu sadqaynayo sababta loo

qalayana ay tahay Bacriminta beeraha iyo Ayga si loo daahiriyo.

Dhalinta siiba inamada ayaa inta ayaa inta ay haraga riyaha marka laga saaro

oo inta laga dhigo sidii sumam oo kale ayaa dhiiga la dhex galin jiray,

dabadeed hargihii oo sumam oo dhiig la dhex galiyey oo dhiiga ka dayo ayey

la dhex mari jireen wadooyinka, dabadeed markaasay si qunyara oo aan xanuun

lahayn ugu dhufan jireen dumarka, dumarka oo iyaguna soo dhawayn jiray

taabashada la taasbiyey suunka dhiiga leh kamana ay cabsan jirin, waxayna

rumaysnayeen in ay barako tahay sanadka soo socdana ka dhigi doonto mid

barwaaqo ah.Marka galinka hore xafladaasi dhacdo ayaa galinka danbe gabdhaha

gashaanitihii iyanaguna isku soo bixi jireen halkaas oo magacooda ay ku qori

jireen meel waayn oo xadabada ama gidaar loo asteyey in lagu qoro magacyada

ay ku qori jireen magacooda, halkaas oo doobabku ama guurdoonku ay ka

xulanjireen magaca ay rabaan akhirkana layskugu dun xidhi jiray gabadha ay

ka cashaqeen goobtaas.

JACAYLKA DHABTA AHI WA KA LABADA DHINACBA WADA HAYA

Waxaad moodaa in dad faro badani ay garanaynin micnaha jacaylka, wali mala is waydiiyey micnaha jacaylka dhabta ah? Ma doonaysaana jacayl waaro in aad heshid iyo nolol farxad leh oo waarta rabina raali ka yahay? Haddaba walaal adigoo mahadsan ila eeg qisooyinkan iyo dhanbaalkan jacaylka ah.

Ugu horrayn jacaylku waa nolol, noloshuna waxay u baahan tahay biyo, biyihii nafta lagu waraabin lahaana waa jacaylka. jacaylka naftaa ku degta, qalbigaa ku farxa, waa iftiinka nolosha, waa nolosha aayeheeda, jacayl la' aantiina nolol ma jirteen!!!.

Dad faro badan ayaa jacaylkii qiimaha lahaa ku cayaaray oo qiimihii iyo quruxdii ka qaaday, dariiqad qaldanna u maray, jacaylka dhabta ahi waa kan ilaah subxaanahu wa tacaalaa ku sheegay quraankiisa kariimka ah " wa min ayaatihi an qalaqa lakum min anfusikum azwaajan li taskunuu ilayhaa wa jacala baynakum ma wadatan wa raxmah ina fiidaalika li ayaatihi li qowmin yatafakaruun"

Micnaha aayadan ayaa cadaynaysa jacaylka dhabta ah, jacaylkaasoo ka dhaxeeya labada qof ee is qaba, wuxuu ilaahay aayadiisa ku leeyahay in aan idiin abuurnay azwaaj si aad ugu degtaan waxaana dhexdiina yeelay jacayl iyo raxmad, jacaylka dhabta ah ee aan ka hadlaayo waa kan ka dhaxeeya labada qof ee is qaba, haddaba walaalahayga is qaba ayaan la hadlayaayee hadaad doonaysaan nolol degan ku salaysan jacayl waa in aad gurigiina ku dhistaan taqwada ilaahay iyo caabudaadiisa.

Waxaa waayadaan danbe dhibaato wayn ka taagan tahay qoysaska soomaaliyeed kuwii horay u dhisnaa iyo kuwa hadda dhisitaankoodaa lagu talo jiro!!!!

Waxaadba mooddaa hadda in dad faro badani ay ka cararaan guurkii waayo waxay ay arkaan maalin walba dhibaatada kala haysata dadkii is qabay, iyo sida fudud ay guryaha ku dumayaan, waxaan marar badan is waydiiyey su'aalo faro badan kuwaas ooy ka mid yihiin maxaa ugu wacan dhibaatada kala haysata raggii iyo dumarkii soomaaliyeed? ,muxuu u fududaadey furitaankii? Markay baaritaan badan sameeyeen culumaa'udiin faro badan waxaa la ogaaday in furitaankii ka batay guurkii!!!

Sida aan ogsoonahayba walaalayaal sacaadada iyo farxadda laguu sheegayaba waa mid ay labada qof ee is qaba samaysan karaan hadii ay u maraan dariiq sax ah kaasoo ah in ay ku dhaqamaan diintooda una jajabnaadaan raali galinta rabil caalamiin, ayna ka fogaadaan wax kasta oo keenaya carada Ilaahay, waxa ugu badan ay guryaha badankood ku dumaan waa iyada oo laga fogaaday diintii iyo sunnadii nabigeena S C W, waxaa hubaal ah haddii diinta lagu tadaburi lahaa in guryo badani ay dhisnaan lahaayeen farxadna loogu noolaan lahaa, haddaba walaalayaal haloo noqdo diinteena barakaysan si aan horumar adduunyo iyo mid aakhiro u helno ilaahayna noogu naxariisto.

Waxaan jeclahay in aan halkan idiin kaga soo gudbiyo dhowr waano oon rajaynayo in ay na wada anfacdo dhamaanteen gaar ahaan waxay waanadaydan ku socotaa Zawi iyo Zawjo kasta.

In labada qof ee is qaba ay mar walba hadiyadaha is dhaafsadaan.

In ay samaystaan maalin iyaga u qaas ah oo ay si fiican ugu sheekaystaan.

In marka la kala tagayo si fiican la isu macsalaameeyo, ama la isu soo dhaweeyo marka la isu yimaado.

In aad xaaskaaga ama gabadhaada aad amaanto mar walba, sidoo kale gabadhana ay amaanto ninkeeda, iyo in uu qofna qofka kale xaqirin.

In shaqada guriga aad isla kaalmaysaan .

In aad hadalo wan-wanaagsan ku wada hadashaan, in aad sawjadaada u sheegto masalan in aad jeceshahay gabadhana sidoo kale .

In hadii aad aragto wax aad ka dhibsato sawjadaada ama sawjkaaga aadan qarsan ee si tartiiba uu qofba qofka kale ugu sheego in uu dhibsaday waxaas, waayo haddii qalad walboo la kala galo aan horay laga sheegin wuu uruurayaa ilaa heer uu marka danbe gaaro in uu qarax sameeyo.

In aad sowjadaada ugu yeerto magacyadeeda kuwa ay ugu jeceshahay.

In ay gabadhu ninkeeda u mhadceliso mar walba, waayo ilaahay uma shukriyo qofaan aadmiga u shukrin, bal ka waran in aad odagagaa u mahadcelisidna.

In la isu cudur- daaro marka labada qof uu midkood qaldamo.

In si wayn ay isu ixtiraamaan labada qof ee is qaba.

In aad isku daydaan in aad aqrisataan siiradii nabigeena iyo dadkii saalixiinta ahaa.

Waxaad walaalayaal ogaataan hadii aad donaysaan in ubadkiinu idiin wanaagsanaadaan in aad noqotaan labo qof oo is jecel isna qadariya, si qoyskiinu u noqdo qoys isku xiran.

Macnaha ma ahan marka ay yihiin labada qof ee is qaba laba qof oo is jecel in mashaakil jiraynin waxaad ogaataan in aduunkuba uu yahay mashaakil soconaaya mana jiro guri maanta mashaakil ka maqan yahay, balse dhib kastoo yimaada in aad xal u heshaan si aad u gaartaan u jeedadiina amase uusan gurigiina u burburin

Waxaan kula dar daarmayaa walaalahayga is qaba in la isu dul qaato in badan si aad u gaartaan guul kama danbays ah..

Maxaa sababo in jaceylku burburo ama dhismo

Inta aysan is guursan labada qof ee (Labka & dhediga) xilliga haasawahooda waxa ay sheegaan in ay is jecel yihiin oo ay is doonayaan, uuna ka dhexeeyo jacayl wanaagsan oo waaray.In badan ayaa la arkay labo is jecel oo isla haajiray (Masaafeystay) iyagoo ka baqaya in jacaylkooda la carqaladeeyo, kuwo baa is dilay marka ay is waayaan ama caqabado kale ay soo wajahdo, kuwo kalena waalidkood ayay u caddeeyaan in aan jacaylkooda la carqaladayn haddii kalena ay ifka uga tagayaan arrintaa awgeed.Ma aha layaab haddii labo qof oo is jeceli ay is ammaanaan oo midba kan kale uu ku tilmaamo sharaf, qiimo, qaayo & qurux aan mataalkeeda iyo qiyaasteeda aan si fudud loo helayn, maxaa yeelay dareenka kalgacal ee dhex yaala qalbiyadooda is jecel ayaa isu tusinaya wanaag, hannaansami & bilic toosan oo ka muuqata qofka uu jecel yahay, taasina waa waxa keenay ammaanta badan & hilowga labadaa is jecel ay isu qabaan.Intaas oo ammaan iyo jacayl isu hibeyn ah waxa ay dhacaan guurka kahor ama xilliga xaaladda haasaawaha lagu jiro, haddana waxaa dhacda in guurka kadib carqalado & caqabado jacaylkii la soo gudboonaado.  Haddaba waxaa isweydiin mudan sidee loo joogteyn karaa ama loo daa'imi karaa jacaylkii hore la isugu qabay.Ogow Ina raggow ammaanta gabadha aad amaanaysid xilliga aadan guursan inay tahay mid aad ugu dhawaanaysid qalbigeeda, laakiin ammaanteeda guurka kadib ayaa ka qiimo badan amaantii hore taasoo leh mudnaanta koowaad ee jiritaanka jacaylkii hore, maxaa yeelay waa saldhig lama huraan ah si loo ilaaliyo qalbi samida & is afgarashada qoyska.Nolosha wacan ee qoyska waa mid u baahan daacadnimo, niyad wanaag & isla dhaqan xilkasnimo leh.Haddii aad rabto inaad nasiib u yeelato inuu jacaylkiina waaro lamaanahaaga ha dhaliilin, hana cannaanan, hadduu qalad idinka dhex dhaco adiga & lamaanahaaga si deganaani ku jirto isu deeqsiiya inaad qaladka u wada saxdaan, waxaa hubaal ah inaad arki doontaan adigoo isu muusaanaya halkii aad ka xanaaqi lahaydeen.Ogow weji furnaanta, qosolka & farxadda badan ee lamaanayaashu wadaagaan inuu saldhig u yahay Jacaylka waara, haddana adigoo qosli kara, isla markaana si farxad leh ula cayaari kara Xaaskaaga/Ninkaaga maxaa keenaya weji macbuusnaan sababi karta burbur qoys?.

 Run ahaantii jacaylku waa tartan qarsoon oo ogaanshihiisu ay wakhti qaadato, mana fududa marka u horaysa in la dareemo gabadh ku jecel sida ay u fududahay in aad dareento waxyaabaha kale, Had iyo jeer dadka uu jacaylku la soo darso rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee si daacad ah ugama run sheegaan, ku dhiirashada inay si badheedh leh ugu soo bandhigaan jacaylka ay u hayaan qofka sida dhabta ah ay jeclaadeen, waxaanay inta badan la soo dersa dareen baqdin iyo cabsi leh, iyaga oo ka cabsi qaba haddii ay u soo bandhigaan shaqsiga ay jecel yihiin in lagu gacmo saydho oo ay la kulmayaan waji gabax.

Waxaanad niyaddada ku haysaa in qofka sida dhabta ah jacaylku qaba aanu sinaba kuugu soo bandhigi karin ragga iyo dumar kuu doonaba ha ahaadee waayo maahmaah english ah ayaa tidhaahda "True Lover Don't Say Love Each Other,But They Know They Do" oo ay macnaheedu tahay labada qof ee sida dhabta ah sku jeceli lagamaba yaabo inuu ku yidhaado waan ku jecelahay midba midka kale balse wey ogyihiin waxaa ka dhexeeya waxanay isku dareensiiyaan waa ficilo aad ka garan karto qofka sida dhabta ah kuu jecel (action).

Sidaa awgeed haddii aanu sii ogayn qofka wax jeceli jawaabta uu kala kulmi doono qofka uu jeclyahay, marka uu jacaylkiisa u sheegan waayo ayaa waxaa ay ku kaliftaa qofkaasi amaba sabab u ah in qofkaasi uu qarsado jacaylkiisa taas oo khataro caafimaad oo nafsaani ah ku keenta qofka wax jecel.

Waxa jira dad uu ka xoog bato dareenka qiirada leh ee jacayku oo si fududna looga fahmi karo rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee. Si kastaba ha ahaatee waxa jira dhaqamo iyo caadooyin badan oo u diidaya gabadha ceebna ku ah in ay si fudud ugu soo bandhigto wiilka ay jeceshahay jacaylkeeda iyo waxyaabaha ka dhabta ah ee ay ku dooratay amaba dareenkeeda nafahaaneed.

Waxa kale oo jira dhaqamo iyo caadooyin u fasaxaya gabadha in ay ku dhiirato sidii ay ugu soo bandhigi lahayd, Tusaale ahaan gabdhaha ku nool qurbaha oo kale ceeb kuma ah in ay tidhaahdo "Hebeloow waan ku jecelahay". Sidaa daraadeed ragga way ku adagtahay in ay ogaadaana gabadha aadka u jecel, maxaa yeelay dumarku uma qirtaan jacaylku sida uu yahay, xitaa haddii uu ka dhab yahay. Sidaa awgeed waxa jira waxyaabo badan oo uu ninku si fudud uga fahmi karo gabadha aadka u jecel waxeyna kala yihiin qodobadaasi.

Isagoo ninku isbarbar dhig ku sameeya oo qiimeeyna ku sameeya hab dhaqanka ay gabadhu dadka ula dhaqanto iyo sida ay adiga kugula dhaqanto. Haddii aad gabadha ka dareento in ay ku siinayso tixgelin ka badan ta ay dadka kale siiso gabadhaasi way ku jeceshahay ee sidaasi ku ogow. Dumarka qaar ayaa aad uga werwera badbaadada qofka ay jecel yihiin, sidaa daraadeed haddii gabadhu ay aad xil isaga saarto in ay ogaato halka aad joogto iyo waxa aad ku sugan tahay iyada oo ku waydiinaysa dad xog ogaal kuu ah, gabadhaasi way ku jeceshahay.

Haddii gabadha ku jecel aad ku aragto hinaase waxa lagu sifeeyaa aragtida noocaasi ah in ay ku jeceshahay, maxaa yeelay hinaasaha laftiisu waxaa uu qayb laxaad leh ka qaadtaa jacaylka dhabta ah ee ay hayso haweeneydaasi. Gabadha ku jecel ee aan kuu soo bandhigin jacaylkeeda waxa ku abuurma dareen baqdin leh, waxaanay had iyo jeer ka werwertaa in ay waydo ninka ay jeceshahay oo uu raaco gabadh kale oo aan iyada ahayn. Hadaba haddii aad ka dareento gabadha aad wada sheekeysataan amaba walaltinimo idinka dhexeyso hadii aad ku aragto astaamahan waxa lagaaga baahan yahay in aanad lumin jaaniskaasi oo aanad dayacin jacaylkeeda ee aad ka faa'iidaysato fursada qaaliga ah. Astaamahan aad aragtay Run ahaantii waxa aad si fudud u soo jiidan kartaa una ogaan kartaa, kasban kartaana qalbiga gabadha ku jecel.

Adgoo Isku daya marka aad si dhab ah oo aan dheel-dheeli ku jirin aad u hubiso qodobadan in aad si talaabo talaabo ah ula kulantid ulana haasawdid, una soo jiidatid gabadha ku jecel.Ogow haddii aad ka xishootid haasaawahan hufan oo aad yeelan waydo isku kalsoonida dhexdiina taala ayaa meesha ka baxaysa.

                                                                   DHACDO

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Maxamed iyo Kariima, Maxamed ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo hawl-galla Shabakadaha Caalamiga ah ee Radioxamar.com iyo Dhacdo.com, wuxuuna inooga waramay sidii ay wax u dhaceen, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, waxaana kusoo barbaaray isla magaaladda, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay iskuulka Al Aqsa Secondary School oo ku yaalla isla magaaladda Boorame ee gobolka Awdal.

Kariima ayaa waxay ku dhalatay magaaladda Abu Dubai ee dalka Emirate-ka Carabta, balse waxay ku barbaartay Boorame, waxayna ila dhigan jirtay iskuulka, balse waxaan kala ahayn kala fasal, oo aniga ayaa hal fasal ka sareeyay, waxaana Kariima isku baranay maalin maal-maha kamid ah ayaa fasalka aan dhiganaayay waxay isku soo duba-rideen barnaamij si wanaagsan u soo jiitay ardaydii dhiganeysa iskuulka oo idil.

Intii uu barnaamijka socday ayaa waxaa maqlay dhalinyaro fara badan oo oraneysa; "Gabadha Kariima ah aad bay u qurxoon tahay ee waa inaan gacanta ku dhignaa"

Durbaba waxa aniguna go'aansaday in aan gacanta ku dhigo oo aan kaga hormaro wiilashaasi. Nasiib wanaag sidii ayaa dhacday. Kariima waxaa isku baranay barnaamikaasi oo uu soo qaban qaabiyay fasalkayga. Waxa aan Kariima ka qaatay numberkii telefoonkeeda.

Kariima waxa aanu noqonay laba qof oo si wanaagsan isku xiriiriya. Waxaan dareemay in aan u qaaday jaceyl diiran, balse maanan u sheegan intii hore, iyadana waxaan ka dareemay in ay i dooneyso sida ay iigu waramayso. Waxaana xilliyada qaarkood aadi jirnay faras magaalaha, oo aanu kusoo qaadan jirnay waqti wanaagsan.

Waxay Kariima i bartay qoyska ay ka dhalatay oo ahaa dad wanaagsan oo si weyn i soo dhaweyn jiray, waxaana wada soconay in ka badan afar, isla xilligaasi dalka Shiinaha ayaa waxaan ka helay deeq jaamacadeed. Waxa ii ajaa xilli aan ku mashquulsanaa waxbarashada aan ka helay dalka Shiinaha. Kadib ayaa waxaa habeen habeenada kamid ah i soo wacday Kariima, waxayna ii sheegtay in qoyska ay ka dhalatay ay la doonaayaan wiil joogga voqortooyada Ingiriiska, kaa oo ay qaraabo dhaw yihiin.  Hadalkaas ayaa igu noqday mid layaab leh.

Kadibna waxa aan ku iri; "Taasi shaqadayda maaha ee adiga ayay kuu taallaa", kadib waxaan ku jaray teleefankii.

Cabaar ayaanu kala caroonay, hase ahaatee waa ay i soo wacday.  Waxayna ii sheegtay in ay qalad iga gashay. Waxayna iga codsatay in aan iska cafiyo, iyadoo intaasi ii raacisay in aysan nin kale naagtiisa noqoneyn aniga maahee.  Karima waxa ay ku dhaaratay Kutubka Quraanka Kariimka ah, in aysan nin kale guursan doonin, markaas ayaa waxaa ku qancay Kutubka ay ku dhaaratay anigoo is-dhahay nin kale kaa raaci meyso.

Muddo kadib ayaa waxaa magaaladda Boorame soo gaaray ninkii ay qoyskeedu doonayaan in ay ku daraan, kaasoo ka yimid dalka Ingiriiska, wuxuuna kasoo doontay qoyskeeda, isla-markaana qoyska Kariima ayaa si weyn ugu faraxsanaa in uu gabadhoodu guursado nin ka yimaaday mid kamid ah dalalka horumaray.

Kariima ayaa ii sheegtay halka ay xaaladdu mareyso.

Waxaana ku iri; "Adiga ayay tallo gacantaada ku jirtaa".

Kadib waxa aan iskaga soo baxay magaaladda Boorame, waxbarashadiina u soo doontay dalka Shiinaha. Markaan cabaar joogay Shiinaha ayaa waxaa maqlay in laguursan rabo Kariima, hase ahaatee maanan deg degin oo waan is dejiyay.

Waxaa khadka Internetka ku arkay Kariima, iyadoo ii sheegtay in uu guursan rabo ninkii ay qaraabada ahaayeen, waxayna ii sheegtay in ay iyadu ku qanacsan tahay.

Aiguna waxaan ku iri; "Maadaama aad ku qanacsan tahay Allaha isku kiin barakeeyo", sidaasi ayaanu ku kala tagnay. Ninkii ayaa guursaday horey ayuuna u sii ka xeystay xaaskiisii.

Iyadoo ay xaaladdu igu xun tahay ayaa waxaa xiriir ila soo sameysay gabar ay saaxiibo ahaayeen Kariima, laguna magacaabo Caasha, waxayna ii sheegtay in ay Kariima qalad weyn iga gashay, waxayna igu baaqday in aan iska samro.

Muddo kadib sidaan isku xiriirineynay Caasha, ayaa waxay Caasha ii sheegtay in ay wax kasta oo ay ila qaban karto ay ila qabato. Muddo kadib ayaa waxaanu isku afgaranay in aanu isguursano.

Inta uusan guurkayagu dhicin ayaa waxa aan maqlay in Kariima iyo ninkii qabay ay kala tageen isla-markaana Kariima ay maqashay in aanu wada socono Caasha mar dhawna aanu aqal gelli doono. Karima ayaa si weyn ayay uga maseertay oo ila soo xiriirtay iyadoo joogto dalka Ingiriiska. Waxa aan u sheegay in aan Caasha guursan rabo, haddii ay diyaar tahay in ay kasoo qeyb gelli karto guurkayaga oo ka dhici doono Boorame, wayna iga aqbashay.

Waxaan dib ugu soo dhoofay magaaladda Boorame si aan ula soo aqalgallo Caasha, sidoo kale Kariima ayaa iyana soo gaartay Boorame si ay uga soo qeyb gasho guurka aniga iyo Caasha. Waxa aan ka dareemaayay Kariima in ay si weyn uga xun tahay guurkayaga, balse waxaan la aqal gallay Caasha.

Intii aan ku sugnaa Boorame ayaa dhawr jeer wada kullanay Kariima, waxayna ii sheegtay in ay ka xun tahay qaladka ay iga gashay, isla-markaana waxay iga codsatay in aan guursado anigoo qaba Caasha, isla-markaana si weyn ii jaceshahay.

Hadaba akhristayaasha sharafta leh waxa aan ka codsan lahaa in ay arintan igala talliyaan. Maxaa yeelay Caasha aniga ayaa jecel laakiin Kariima ayaduna si weyn ayay ii jeceshahay.

Jacaylka ka dhaxeeya waalida iyo awlaadiisa

Jecelku waa wxa ugu qaalisan ee laba qof ka dhexeeya, inata badanna keenaa kalsoonida iyo wax isu huridda, labada qof ee ugu horeeyaan iney jacayl iyo kalgacaylaba abuuraa waa waalidka iyo ilmihiisa, hadaba sideed u abuuri kartaa jacayl adiga iyo ilmaaga idinka dhexeeyaa, aqoonleyda ku takhasustay cilmiga tarbiyadda waxay tilmaamaan 24 hab oo aad ilmahaaga ugu muujin karto jacaylkaaga waxaana ka mid ah.

1 inaad ilmahaaga la qaado waqti badan, mid waliba inaad la qaadato waqti adiga oo mid waliba wuxuu jecelyahay la sameynaya, mid aad la cayaarto ciyaarta uu jecelyahay, mid aad meesha uu jecelyahay la aado, mid aad maqaayad waxa ka soo wada cuntaan, mid aad uga sheekeyso sheeko uu jecelyahay, arimahaasi oo idil waxay u muujinayaan in waalidkood jecelyahay.

2 Waxaad ilmahaaga galisaa kalsooni, adiga oo dhiirigalinaya dadaadlkooda iyo waxqabadkoodana qiimeynaya kuna abaalmarinaya xataa haddii wax yar oo aan adiga qiimo kula lahayn uu sameeyo.

3 U dabaaldag howlmaalmeedka ay soo qabteen, tusaale inaad maanta qado gaar ah la sameeyo waayo hebel ilig ayaa ka dhacay oo waa uu weynaaday, mida kale ayaa maanta kooxdiisii kubadda cagta guuleysatay, mid kale ayaa maanta imtixaankii darajo fiican keenay , mid kale ayaa maanta macallimadiisii soo amaantay, mid waliba u tus inuu agtaada muhiim ka yahay oo waxqabadkiisa aad ku farxeyso una dabaaldageyso, iska ilaali inaad diiradda aad saarto mid ama laba kaliya ee cadaaladdu waxay ku jirtaa inaad mid waliba guusha aad u muujiso aad daneyneyso.

4 Bar ilmahaaga fakar wanaagsan iyo waxqabadka wanaagsan, tusaale haddii uu wiilkaaga dugsiga uu ka yimaado isaga oo wada wasaqeysan ha canaanan ahana ku qeylinin sida haboon ee caqliga saliimka ah keenayo waa inaad tiraahdaa " Alley lahee maanta si wanaagsan ayaad u soo cayaartay waad daallan tahay gaajo badanna wey ku haysaa " hadalkaasi wuxuu albaabada u furayaa inuu kugu farxo oo uu kugu kalsoonaado, waxa aad u sheegi doontana uu si niyad furan u dhageysto kaana qaato, markaa ka dib inaad u sheegto inuu si daggan u cayaar oo uu dharkiisa wasaqda ka ilaaliyo , waayo ilmuhu marka uu wax soo qaldo wuu ogyahay mowqifkiisa wuxuu isu diyariyanaa is difaac iyo ka hortag canaanta iyo qeylada waalidka , ilmaha qaar ayaa isku difaaca oohin , qaarna aamus iyo xanaaq , qaar kalena muran iyo qeylo kaa horkeena, si aad intaasiba uga fogaato waxaad waalidow albaabada u furtaa iridda jacayl adiga iyo ilmahaaga oo ah hadal dabacsan oo ilmaha ka xishoodsiiya is dadbanna uga saxa qaladka sida eraydii aan soo sheegnay oo kale.

5 Waxaad ilmahaaga uga sheekeysaa yaraantoodii, sida ay ahaayeen wixii ay sameyn jireen waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee soo maray iwm.

6 U sheeg iney jiraan waxyaabo badan oo aad iyaga ka baratay, tusaale wiilkaaga oo maalin ku tusay alaabta aad dukaanka ka soo gada lahaydeen meesha ay taallo, inaad had iyo goor u sheegto inuu isaga ku baray alaabtaasi meesha ay taal, ha yareysan arinta waayo ilmuhu waxay u fadhidaa qiimo weyn inuu waalidkii wax u qabtay ama waxbaray waxay abuurtaa kalgacayl idin dhexmaraa.

7 U sheeg inaad ku faraxsan tahay inaad tahay waalidkood , iyo inaad aad u jeceshahay korriinkooda.

8 U daa ilmahaaga doorashadooda waxa ay xiranayaan, waayo waxaad ku barbaarineysaa inaad ixtiraameysa ra'yigooda iyo doorashadooda, taasoo keeneysa iney iyaguna si aad ah u ixtiraamaan go'aankaaga.

9 Dhexgal ilmahaaga marka ay cayaarayaan, la cayaar kala qeybgal marka ay waxa sawirayaan ama midabeynayaan ama wax isku rakibayaan ama ay kubad cayaarayaan.

10 La soco jadwalka waxbarasho ee ilmahaaga, sidoo kale macallimiintooda iyo saaxiibadood, si marka aad kala sheekeysaneysa habeenkii wixii ay dugsiga maanta kala kulmeen adiga oo aan weydiin su'aal guud ee ah " maanta dugsigii ka waran ? oo ah sida waalidku u badan yahay, laakin aad weydiiso macallimaddii heblaayo ka waran ama saaxiibkaa hebel ka waran adiga oo magacyadooda sheegaya , sidoo kale maadooyinkii ay maanta soo qaateen iyo meesha ay marayeen weydiinaya , waayo mar waliba oo aad weydiisaa su'aal guud wuxuu ilmuhu ku siinayaa jawaab guud sida fiican , waxba OK iwm, laakin haddii ay su'aashu ahay mid tilmaaman oo magac iyo maadaba tilmaameysa wuxuu ilmuhu ku siinayaa jawaab tifatiran isaga oo ku faraxsan niyaddana u sheegaya waalidkaa wuu kula socdaa aad ayuuna u daneynayaa dugsigaaga iyo waxbaashadaada.

11 Haddii uu wiilkaagu doono inuu wax kuu sheego waa inaad u soo jeedsataa oo aad indhihiisa iyo afkiisa eegtaa , waana inaad tustaa inaad daneyneyso sheekadiisa oo aad xiiseyneyso waxa uu kuu sheegayo, iska ilaali inaad wax kale isku mashquuliso marka uu wax kuu sheegayo buug aqrin , cuno karin iwm.

12 Uga sheekee dhinacaaga wixii aad maalintaasi la kulantay , ugan dhig caado joogta ah oo aad barto inaad uga sheekeyso howlmaalmeedkaaga waxaa soo sameysay cidda aad la kulantay wixii kaa qosliyay wixii kaa yaabiyay iwm, taasina waxay keeneysaa in iyaguna ay dhinacooda si tafatiran kaaga waramaan wixii ay la kulmeen.

13 Warqad yar ugu qor erayo muujinaya inaad jeceshay, sida aad ayaan kuu jeclahay, fariid baa tahay iwm, una gali barkinta hoosteeda haddii aad baxayso iyaga oo jiifa ama u dhexgali shandadooda dugsiga si ay u ogaadaan inaad mar waliba niyadda ku hayso xataa haddii aad maqan tahay.

14 U muuji ilmahaaga inaad jeceshahay,xataa haddii aysan kula joogin tusaale inaad codka kor u qaado isaga oo qol kale ku jira adiga oo amaanaya ama tilmaamaya inaad jeceshahay.

15 Haddii ay ilmahaagu wax sawiraan, sawirkaasi darbiga ku dhaji dareensiina inaad ku faraxsan tahay waxqabadkaasi.

16 Iska ilaali inaad ilmahaaga kula dhaqanto sidii uu waalidkaa kugula dhaqmi jiray waayo taasi waxay inta badan keentaa qaladaad, sabab, labada xillig oo kala duwan iyo adig iyo iyaga oo kala duwan marka xilliga iyo qofka oo kala duwan darteen iska ilaali inaad sidii laguugu soo dhaqan inaad ku dhaqdo , ee sida wanaagsan marxaladda iyo qofnimada ku haboon ku dadaal.

17 Waad inaadan ilmahaaga kala hortagin waad qaldan tahay, haddii uu qalad sameeyay ee waa inaad tiraahdaa haddii aad sidaasi yeeli lahayd qaladkaasi ma dhaceen, dabadeedna aad barto sida saxa ah.

18 Waa inaad sameysataan adiga iyo ilmahaaga eray sir idiin ah ama tilmaam idiin gaar ah oo aad ugu muujineyso inaad jeceshahay

19 Isku day maalin waliba oo cusub inaad bog cusub furataan, lana ilaawo qaladaadkii shalay iyo wixii ka horeeyay, maalin waliba oo cusub waxay leedahay fursadeeda cusub oo aad isugu muujin kartaa jacaylkiinna iyo kalsoonidiida waana iney ilmuhu baraan.

20 Ilmahaaga ugu muuji inaad jeceshahay siyaabo kala duwan sida dhunkashada, dhabta oo aad saarto , laabta oo aad ku qabato iwm, si kasto oo aad u badiso hababkaasi ilmuhu waa jecelyihiin ha yaraadaan ama ha weynaadaane.

21 Waxaad guriga ku sameysataan sanduuq boosto oo aad adiga iyo ilmahaagu isku weydaarsataan waraaqaha uguna muuji waraaqahaasi inaad jeceshahay wixii ay qabteenna aad uga mahadcelineyso.

22 Xusuusnow had iyo goor jacaylka waalidku inuusan shuruud lahayn, sidaasi daraadeed waxaa qalad ah inaad wiilkaaga ku tiraahdo " aniga waa ku jecelahay waayo imtixaankii ayaad gudubtay ama haddii aad waxaasi sameyso waa ku jeclaanayaa " waayo taasi waxay keeneysaa inuu ilmuhu is tuso kaliya inaad jeceshahay marka uu guuleysto oo haddii uu guuldareysto aadan jeclaaneyn , waa inaad u gudbisaa dhanbaal ah inaad abid jaceshahay waayo wiilkeyga ayaad tahay , dhinaca kalena inaadan shakhsiyaddiisa wax ka sheegin haddii uu qaldamo ee aad ka saxdaan wixii uu qalday ama aad ku dhiirigalisaa inuu marka soo socda guuleysto haddii uu hadda guuldareystay adiga oo tusaya inaad jeceshahay.

23 U muuji ilmahaaga jacaylkaaga adiga oo daneynaya ra'yigiisa kala tashanaya arimaha qaarkood, qadarinaya dareenkiisa , tusayana inuu yahay qof muhiim ah qoyska dhexdiisa lagan ixtiraamo dadaalkiisa iyo kartidiisana abaal lo ohayo , qaladaadkiisan loo dhaafayo haddii laga qaldamana laga raali galinayo,.

24 Ugu danbeyntii xusuusnow tiirka aasaaska u ah tarbiyadda wanaagsan waa xiriirka wanaagsan ee adiga iyo ilmahaaga idinka dhexeeya kaasoo dhaliya jacayl aan xad lahayn kalsooni iyo isku xirnaanna keenaa.

Haddii aad talaabooyinkaasi ku dadaashaa si sax ahan u fulisaa waxay keeneysaa in keydkaana jacaylka ilmahaaga uusan marnaba marnaaneyn oo uu badanayo.

soo uruurintii iyo diyaarintii Xasan Siidow Ibraahim ( Aala Garwaal)

 

DAREENKA JACAYLKA


Salmaan wuxuu ahaa wiil uu ilaahay u dhameeyey dulqaad, samir, iyo deganaan wuxuuna ku noolaa magaalada Burco ee gobolka Togdheer.Salmaan hooyadii iyo Aabihii waxay dhinteen isaga oo aad u da' yar, yaraantiisii wuxuu ku soo koray xerada agoomaha markii uu weynaadayan wuxuu ka shaqo bilaabay geerash si uu u dhacsado quutal daruurigiisa maalin nimo ugu danbeyntiina waxaa wakhtigu u saamaxay in uu kerish booy ka noqdo bas u kala baxa Burco iyo Hargeysa mararka qaarna ka shaqeeya magaalada Burco dhexdeeda.Salmaan wuxuu ahaa wiil aan marbana ka welwelin aduunka waayo wuxuu aaminsanaa in uu maalin uun helayo Nasiibkiisa            Maalin ayaa salmaan oo taagan istaanka basaska kuna qaylinaya hadalada lagu yaqaano dadka kiriish booyga ah oo leh "baabuurkan xaafada October ayuu u baxayaa yaan lagaa buuxin". ayaa wuxuu indhaha ku dhuftay Saamiya oo ahayd gabadh uu ilaahay u dhameeyey qurux aadna u ilwaad roonayd oo qof walba oo arkaa jecelaanayo isla maalmahaana ka timi waddanka Canada. Xiligaas Saamiyi waxay la socotay gabadh ay ilmaadeer yihiin markii ay u soo dhawaatay Salmaan oo sita dhar uskaga badan wuxuu isku dayey in uu ku tuuro hadaladii Ina rag lagu yaqaanay wuxuuna ku yidhi .... Inaabti baabuurka yaan lagaa buuxin kuris martiyeedna waan kuu hayaa ee soo fuul adigaan ku sugaynaye! Saamiyi iyada oo aan u jawaabin ayaa waxaa hadlakii la booday gabdhii kale kuna tidhi sida aad u eegtahay ma is aragtaa waar naga baydh kirishbooy yahow iyada oo ula hadlaysay si yasniin ku jiro.  Ceeb ayaa soo gaadhay Salmaan wuxuu ku hadlana waa garan waayey, isaga oo aamusan ayaa waxaa hadashay Saamiya iyada oo ku hadashay hadal xikmadyesan oo ah sidan "looma baahna in aad sidaa u hadashid walaal waayo wax walba oo aduunka yaalaa xayeysiin kama soo hadhaan wiilkan shaqadiisa ayuunbuu xayeysiinayaa si baabuurku dhakhso ugu buuxsamo teeda kale shaqo cay ma laha waayo dad badan oo yurub joogaa waa ka liitaan wiilka shaqada ay qabtaan marka loo eego, qof dalkiisa hooyo ku shaqaysanayna wax ka fiican ma jiro" Saamiya iyo inantii ay ilaadeerka ahaayeen iyaga oo aan kelmad kale odhan ayey sii dhaafeen Salmaan aadeena meeshii ay doonayeen. Salmaan oo ahaa wiil aad u degan wuxuu ka fekeray sida khaldan ee uu hablaha ula hadlay iyo sida wanaagsan ee ay gabadhu u hadashay markii danbe,isaga oo isku buuqsan ayuu lahaa tallow inanta magaceed mase arki doon taa mar danbe? Salmaan wuxuu ahaa wiil saddexdiisa wakhti dhacsanayey wuxuuna bilaabay in uu lacagta dadka ka uruuriyo, waa yaabe jacaylku ma wax dadka ku soo boodaa ileen qofku marka u arko qof aanu hore u arag kana helo wuu khalkhalaa!!. Salmaan meel uu marayo iyo meel kale waa is garan waayey waxayna maskaxdiisii raacday gabadhii heer uu canaantay ninkii baabuurka ka dirawalka ahaa oo ku yidhi maxaa kugu dhacay ee aad rakaabka baabuurka saaran lacagta uga uruurin weyday waa maxay marba qofkan ku leh lacagta hoo iyo albaabka iga fur, waar shaqaysan meysid ee anigaad i waalaysaa.             Dhanka kale Saamiyi markii ay soo dhameystay hawlaheedii waxa ay ku soo laabatay gurigii Eedadeed Faadumo oo ay ku soo degtay lana joogtay laba maalmood, gelinkii danbana waxay wada sheekaysi dheer ka bilawday MSN-ka maadaama oo ay sidatay Lap-Top, Salmaanna wuxuu ahaa mid markii uu arkay ilaa intii qoraxdu dhacaysay ka fekeraayey iyada.            Habeenkii markii la gaadhay salmaan wuxuu soo qaatay bustihiisii xajiinta badnaa wuxuuna dhex galay baska si uu u seexdo halkii uu jiifsan jiray oo ahayd kursiga danbe markiisi uu dhabanka dhigay ayaa waxaa la hor keenay gabdhii uu arkay saaka iyada oo aad moodo biyo dahab, jacayl waa waran wadnaha gala oo olol ku beeree Salmaan iyo hurdo waa kala fogaadeen oo marba dhinac ayuu u laba ligdoonayey. Waxay arini sidaa ahaataba waxaa aroos yeeshay saamiya familigeed oo waxaa la aroostay inaa adeerteed   kadib waxaa  waxaa loo baahday in la aado dalxiis ah ilaa Shiikh  waxayna Saamiya inaadeerteed iyo  gabadh ay eedo u tahay  yimaadeen meelah lagu kireeyo Basaska  si ay u kiraystaan Bas waxay la hadleen  nin kamid ah nimanka basaska ka ah darawaliinta waxayn ku heshiin waayeen qiimihii wayna ka tageen oo waxay u tageen bas kale nasiib wanaag baska waxaa Kirish-booy ka ah Salmaan wuxuuna ahaa baabuurkii uu markii horeba la socday waxayn la hadleen darawalkii gaadhiga waxay isku afgarteen inuu u kaxeeyo dalxiis beri subax nimadka xiligaana ay lacagta siiyaan.Marka ay sidan heshiiska u gaadhayaan Salmaan      wuxuu ku maqnaa kaalin uu shiidaal uga doonay Bas-ka mana ogeyn waxa dhacay iyo waxa kale                    Waxaa baryey waagii waxaana baabuurkii oo taagan istaakii u yimi Samiya Eedadeed waxayna si degdeg ah u aadeen gugrigii ay Saamiyi joogtay oo ahaa halkii aroosku ka dhacay daqiiqado yar ka dib waxaa banaanka u soo baxay dad badan oo dalxiisayaashii ah Saamiyana ay la socoto, naf wax jeceli beer jelecsanaa Salmaan dhulka ayaa la wareegay markii uu arkay Saamiya ma dhabaa ma dhalanteedbaa ayuu ka bixi waayey.Isla markiiba waxaa dhaqaaqay baabuurkii intii jidka lagu sii jiray  Salmaan indhihiisu waxay ku maqnaayeen Saamiya.Dhawr jeer ayaa saamiya oo aan filayn indhaha ku dhufatay Salmaan oo eegaya weliba eegmo dareen gelinaysa qof walba oo wax garad ah balse mar keliya maskaxdeeda kumay soo dhicin wiilkan ayaa jacayl ku qaadi doona ama aad u qaadi doontaaWaxaa lasoo gaadhay meeshii dalxiis ku eekaa oo ahayd Shiikh iyada oo la koray buurta dusheeda si ciyaar jaas ah loogu soo ciyaaro sawirana lagu soo galo.    Markii goobtii la yimi ayaa waxaa dhinac u baxay dadkii arooska ka socday oo ay Saamiyi la socotay dirawalkii oo ahaa wiil dhalin yaro ahna waa raacay waxaase meesha lagaga tegay oo baabuurka hortiisa istaagay Salmaan. Dadkii oo dhan jaas iyo ciyaar ayey bilaabeen iyadoo marba qof mekerifoonka loo dhiibayo oo uu heeso qaadayey,salmaana wuxuu ahaa mid indhah uun ka fiirsda isga oo weliba daymo ku dilay Saamiya. Markii ciyaarii in waxoogaa leeg la waday ayaa waxaa dhankiisa soo aaday Saamiya markii ay soo hor istaagtayna waxay ku tidhi "maxaa ku helay walaal maanta oo dhan aniga ayaad i eegaysay ee maxaa jira?" Salmaan wuxuu ku hadlo wuu garan waayey kedibna waa aamusay waxaana gacanta qabatay Samiya iyada oo ku leh ka gudub oo kaalay dadka la ciyaar soona dhex gal. Markii ay Saamiyi u sii waday dhankii dadku joogeen ayuu yidhi Salmaan maxaad iga ceebeenaysaa waad aragtaa in aana dadka sharafta leh soo dhex geli Karin, dharka aan sito bal eeg walaal Saamiyi iyada oo si waayo arag nimo ku dheehan tahay ula hadleysay ayaa waxay ku tidhi walaal dhib ma leh walaal waayo aduun mar lama wada helo.    Salmaan oo xishoonaya ayaa wuxuu soo dhex galay dadkii wuxuuna la ciyaaray Saamiya isaga oo aaminsanaa in dadka intiisa kale uuna qiimo la lahayn. Waxa layaab ku noqotay dadkii todoba baxa soo raacay iyo dadkii qoyska arooska ahaa, kirsh boyga la ciyaaray gabadhoodii ka timi Canada iyadoo weliba Kun wiil raadinayaa baadi goobna ugu jiraan helida Saamiya.Markii xafladii dhamaatay waxaa meel gaar ah u isula baxay Salmaan iyo saamiya iyagoo isla dhig dhigay barasho cusub oo ay labadooduba ku falanqeenayeen taariikhoodee hore iyo noloshii mid walba uu soo maray ilaa yaraantiisii, ileen laba waliba maalin bay isbarataaye.  Sheekada dhex martay Salmaan iyo saamiya barasho ka dib waxay u dhacday sidan.Saamiya: walaal iyada oo ay noloshaadu sidaa dhib u soo martay ayaa misana aan lagaa dareemaynSalmaan: waa run in wax walba walaal ay si tartiib ah u dhamaadaan markaa waxaan ku qanacsanahay xoogeygaSaamiya: dhib ma leh walaal maalin waad ka bixi doontaa dhibta aad ku jirto waayo aduunyadani waa is bedel Salmaan waa runtaa laakiin waxaan la yaabsanahay sida daacad nimada ah ee aad iila sheekaysaneysid iyada oo dadka agtooda aana sharaf ka lahayn.Saamiya: sidaa ha odhan walaal waayo wax walba waa barasho dadka halkan joogana hada adiga aya iiga dhaw teeda kale qof wanaagsan sida lagu bartaa way fududahay sida lagu hantaa se way adagtahay. Kelmadaasi Salmaan waxay gelisay dareen wuxuuna ku jawaabay  Salmaan: sida adiga oo kale waayo qof wanaagsan ayaad tahay mana laga ayaabo in aan ku hanto Saamiya: maxaad sidaa u leedahay saw nin ma tihid wax waliba waa is fahan iyo kasbasho.Salmaan waa runtaa laakiin shinbirba shinbirkiisa ayuu la duulaa!! Saamiya: dadku waa kala argti walaal ee taa xisaabta ku darso oo yaanay kaa hoos bixin. Markii ay kelmadan tidhi Salmaan waa farxay misan naxay waayo hadlakeeda marna wuxuu u arkay in ay dooneyso sheekadiisa marna wuxuu u rutjuntay in ay leedahay waad is moodsiisay ee ma kula sheekaysan karo oo waan kaa sareeyaa!! Salmaan oo aan wax jawaab ah afkiisa ka soo bixin ayaa waxaa u yeedhay dirawilkii gaadhiga wuxuuna ku yidhi waa in aad dhakhso i soo gaadhaa oo baabuurka mishiinkiisa eegtaa isaga oo doonayey in uu sheekada u socota ka qaso fursadna u diido.            Markii laga soo laabtay todoba bixii waxaa si toos ah loogu soo laabtay magaalada Burco waxaana Saamiya iyo dadkii la socdeyba lagu dejiyey gurigoodii Salmaana umay suurto gelin fursad uu kula hadlo Saamiya.            Habeen nimadkii markii la gaadhay waxaa labada dhinaca ee Samiya iyo Salmaanba wuxuu mid walba ka fekeraayey Kan kale iyada oo Saamiyi  ka fekeraysid hadii uu Salmaan guursado nolosha uu ku noolaanayo iyo jacaylka iyo daacad nimada ay ka heli lahayd.            Subixii markii qoraxdu soo baxday ee dadku wax walba arkeen ayaa Baskii dirawalkii baabuurku ka soo saaray geerashka wuxuuna u soo kaxeeyey dhanka istaankii looga bixi jiray magaalada Hargeysa si uu ugu rakaabsado saacado ka dibna waxaa u buuxsamay baabuurkii waxayna aadeen magaalada Hargeysa iyada oo Salmaana la socodo.            Dhanka kale dhawrkii maalmood ee ay ku maqnaayeen magaalada Hargeysa waxay Samiyi soo mari jirtay soona eegi jirtay istaanka basaska si ay ula kulanto Salmaan nasiib daro se mar walba way soo waayi jirtay ileen magaaladaba muu joogine.            Habeenkii danbe markii ay ka soo galeen magaalo madaxda Somali land Hargeysa ayaa waxay subaxnimadkii Baska soo dhigeen istaankii basaska si ay ugu rakaabsadaan xaafada Qasabka. Salmaan oo taagan baska dadkana u yeedhaya si rakaabku u buuxsamo ayaa waxaa dhanka danbe kaga timi oo dhabarka ka taabatay Saamiya markii uu dib u soo jeestayna wuxuu ku qaboobay halkii uu taagnaa waxaana iskaga dhex yaacay hadlakii isaga oo leh haa haa haa walaal waan ku salaamay ii waran ma fiican tahay iyo hadalo la mid ah Samiya iyaduna waxay ugu jawaabtay walaal waan wanaagsanahay qof xun ayaadse noqotay waayo waad i soo raadin weydya oo aniga ayaa dhawr maalmood halkan kaa soo raadiyey si aan kuula kulmo maanad joogin. Waa runtaa walaal waayo hargeysa ayaan ku maqneyn oo Basku u baxay ayuu Salmaan isaga oo kurbanaya ugu jawaab celiyey  Jacaylku waa wax jira dadkuna waa is jecelaan karaan fiqiir iyo taajir qof fool xun iyo qof qurux badan isla markiibana waxay saamiyi ku tidhi walaal waxaan jeclaan lahaa in aan su'aal ku weydiiyo hadii aanad xumaan iiga arkayn su'aashaas oo ah guur hada diyaar ma u tahay? Salmaan intuu yaabay ayuu yidhi walaal maxaan diyaar u noqdaa wax lacag ah oo aan ku guursado ma haysto qof I gacan qabatana ma lihi oo qadeyda ayaan dhacsadaa teeda kale hal qof ayaan jeclaaday ismana lihi waad ku guuleysaneysaa aroosideeda.Qofkaasi waa kuma ayey? Saamiyi weydiisay Waxaa Salmaan u soo baxday fursad uu ugu soo bandhigo jacaylkiisa wuuxuna yidhi qofta aan jeclaaday waa adiga mar walbana waan kaa fekeraa laakiin fili mayo in aan ku helayo  Saamiyi inta ay dhoola cadeysay ayey tidhi walaal qof walba kartidiisu waa mid uu ilaahay ku abuuray teeda kale qurux iyo lacag layskuma jeclaadee waxaa jacaylka sababaa waa binu aadan nimo iyo wanaag ma kula tahay sida aad ii jeceshahay in aan si la mid ah kuu jecelahay mase gashatay niyada in dhawr maalmood aan ku raadinaayey si aan jacaylkagya kuugu soo bandhigo adiga oo aan joogin.            Salmaan iyo Saamiyi intii ay isku miyir la'aayeen ee mid walba jacaylka dhankiisa ugu fatahmayey ayaa waxaa daaqada baska gacanta ka soo riday Tuug wuuxuna la baxay lacag gaadheysa 300 Kun oo shidhka ku jiray Salmaanna muu ahayn mid dhaaday ileen faleembo jacayl ayaa ku socoteye iyaga oo halkii wada taagan oo aad moodo in dhibic mahiigaan hayso sida ay isagu dheegageen ayaa waxaa soo ag istaagay  dirawalkii oo inta uu shidhka galay ka soo waayey lacagtii kadib wuxuu la hadlay labadoodiiba isaga oo leh waan idin salaamay salaan kadibna wuxuu ku yidhi Salmaan  lacagtii shidhka ku jiray meeday? Salmaan oo jacaylkii ku sii maqan yahay ayaa yidhi ma arag, maxaad qabaneysay hadii wax Baabuurka shidhkiisa ku jira aanad ilaalineyn iyo kelmado kale oo la mid ay ayuu yidhi dirawalkii isaga oo markii danbe aflagaado ula dhaqaaqay Salmaan kuna yidhi waa in aad lacagta bixisaa hadii kale jeelka ayaan ku dhigayaa Tuugyahaw, dib oo u danbeysana kiriish booy ugu noqon meysid Baabuurkan. Salmaan talo ayaa ku cadaatay wax uu sameeyana wuu garan waayey laakiin waxaa kurbadii iyo dhibtii oo dhan ka korqaaday gabadhii uu jecelaaday iyaduna sida dhabta ah u jecelaatay ee saamiya iyada oo bixisay lacagtii loo qabsaday kuna tidhi muddo badan waad samirtay Salmaan laakiin maanta wixii ka danbeysa noloshaadu si toos ah oo aan shaki ku jirin ayey isu bedelaysaa oo dhibaato danbe ma arkeysid, Samiyi  waxay gacanta qabsatay Salmaan una kaxaysa dhanka bari oo markaas uu gurigii Eedadeed ee ay deganeyd ka xigay markii ay gurigii u soo dhawaadeen iyaga  oo markii hore sheeko aad u dheer jidka ku soo dhex martay waxay Saamiyi ku tidhi halkan igu sug waxaan gelayaa oo dhakhso ka soo baxayaa gurigee. Salmaan wuxuu qadar miridho aan sidaa u sii badneyn istaagay guriga hortiisa waxaana isla markiiba soo baxday Samiya oo dhar aad u bilicsan ku soo lebisatay waxayna dhanka suuqa weyn ee magalada Burco isu raaceen Salmaan markii ay suuqii gudo galeena waxay Salmaan ku tidhi ma dareemi kartaa Salmaan  sida aan kuu jecelahay maanta waxaan doonayaa in suuqa dharka yaala mid walba oo kaa qanciya aad ka soo qaadatid  "yaab ayey ku noqotay salmaan"wuuxuuna yidhi Saamiya walaal maxaad sidaas oo dhan u sameenaysaa ? Saamiyi intay dhoola cadeysay oo dhabanka gacanta ka saartay ayey ku tidhi adiga dartaa ayaan walaal wax walba u sameenaya waayo waan ku jeclahay.            Salmaan iyo samiyi waxay ku jireen suuqa weyn ee magaalada Burco in muddo ha kadibna way ka sii tageen oo aadeen Huteel Barwaqo halkaas oo ay samiyi laba qol oo fadhi iyo jiif ah uga kireysay Salmaan kuna balamisay shaqaalah huteelka in ay cuntadiisa u diyaariyaan saddexda wakhti.Gelinkii danbe markii ay gaadhay Salmaan iyo samiyana oo sheeko macaan oo xiiso leh u socoto ayaa waxaa samiya ku soo dhacay telefoonka waxaana la soo hadlay hooyadeed oo ku tidhi gabadheydii waa in aad dhakhso soo baxdaa maadaama oo aan kuu baahnahay, Samiyi waxay ka faa'iideysatay wakhtigii waxayna hooyadeed ku tidhi hooyo waxaa halkan ila jooga wiil aan six ad dhaaf ah u daneenayo doonayana in aan guursado markaa hooyo side u aragtaa hadii aan telefoonka kuugu dhiibo,Dhib ma leh gabadheydiiyeey waayo dookhaaga iyo dareenkaaga marnaba kaama hor istaagayo hadan iigu dhiib aan salaame.            Markii ay Samiyi u dhiibtay Salmaan telefoonkii iyada oo ku tidhi waa hooyo ee la hadal waxaa ku yaraaday dhulka wuxuu yidhaahdan wuu garan waayey isaga oo kurbanaya ayuu yidhi waan ku salaamay hooyo waan kaa qaaday wiilkeygii ayey ugu jawaabtay ee ii waran,        Samiya hooyadeed waxay ahady qof waayo aragnio ku dheehantahay waxayna Salmaan ka wareystay noloshiisa isaguna si daacad ah ayuu ugu waramay, Samiya hooyadeed waxay ku tidhi "wiilkeygii qofka wanaagiisa ayaa la eegaa ee lama eego dan la aantiisa iyo kala duwanaanta nolosha waana kugu taageersanahay nolosha cusub ee idiin bilaabmeysay adiga iyo Samiya in muddo ah markii ay sheekaysteen salmaan iyo Samiya hooyadeed Xaawa wuxuu u dhiibay telfoonkii kuna yidhi samiya hooyo ayaa kula hadleysa ee la hadal. Markii Samiyi gashay qolkii hurdada si ay hooyadeed ula hadasho wuxuu Salmaan oo qolkii fadhiga joogay is weydiiyey madhabaa ma dhalanteedabaa noloshaada is bedeshay isaga oo leh kelmadahan ala nasiibku cajaayibsanaa noloshaydu dhakhso ayey ku bedelanatay.            In muddo ah markii ay samiyi la joogtay ayey ku laabtay gurigii eedadeed una sheegtay in ay ka timi wiil ay maalmo hore isa soo barteen berina uu guriga iman doono si ay reerka u barto. Subax nimadkii markii waagii beryey waxy samiyi soo aaday dhankii Huteelka kana soo kaxaysay Salmaan si ay reerkooda u soo barto markii ay gurigii soo galeena waxaa indha ku dhufatay eedadeed iyo inantii ay ilmaadeerka ahaayeen waxayna isla markiiba eedadeed qaylisay af labadii oo tidhi "bisinkee ma ninkii kirshboyga ahaa ayaa shaadh kuu soo xidhay oo aad eedo la sheekaystay" Salmaan waran ayaa la daf siiyey waxaase markiiba ka jawaabtay oo hadsahay Samiya iyada oo tidhi "waad khaldan tahay eedo hooyadayda i dhashay kama hadli karto jacaylkayga markaas wax aan danahaaga ahayn ha gelin" hadana waxaa eedo wanaagu ku jiraa in aad raali geliso Salmaan, samiyi waxay ku khasbatay eedadeed Faadumo in ay raali geliso Salmaan.            Xidhiidhka Salmaan iyo Samiyi wuxuu noqday sidii nin iyo xaaskiisa oo kale wayna kala maarmi waayeen mar qudha Salmaan waxaa soo baxday quruxdiisii wuxuuna magaalada Burco ku mari jiray baabuur ay Samiyi u iibisay wuxuuna noqday qof ka baxay noloshii hore kuna noolaaday nolol sare Salmaan wuxuu Saamiya ka dhigtay indhihiisa wuxuuna ka jecelaa wax walba oo dunida korkeeda yaala.                                          Muddo saddex bilood ah markii xiriirkooda jacayl sidaa ahaa ayaa maalintii danbe Samiyi u soo bandhigtay in ay is guursadaan noloshana wadaagaan Salmaanna waa uu ka aqbalay gacalisadiisa wax walba, wuxuuna arooskoodu ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer muddo markii ay wada noolaaayeena waxay Samiyi u sheegtay in ay uur leedahay dooneysana in ay ku laabato waddanka Canada si ay halkaa ugu wada noolaadaan inta noloshooda ka hadhsan iyada iyo ilmaha ay uurka ugu sido. Salmaan oo xaaskiisa aad u jecelaa Kama uu diidin go'aankaa ay u soo jeedisay wuxuuna ku yidhi wax walba oo aad aduunyadan jeceshahay waan kula jeclahay xitaa hadii aad naftayda u baahatid waa khasab in aan ku siiyaa oo aan kuu huraa!            Dad ku midoobay jacayl oo nolosha is dhaafsaday ayaa fahmi kara micnaha jacaylku leeyahay waayo waxaa dad badan ka indha la yihiin in jacaylku bedeli karo nolosha qofka taana waxaa daliil u ah qof aad noloshiisa fiqiir ku ogeyd oo taajir noqday ayaad arkaysaa taana waxa keenay qof uu si daacad ah u jeclaaday oo horu mar gaadhsiiyey,Salmaana waxaa u bilaabantay nolol ka sii fiican tii hore waayo wuxuu nasiib u yeeshay in markii xaaskiisu ku laabatay waddanka Canada  ay u ashtakootay iyada oo tidhi ninkayga oo jooga Somali-Land ayaan doonayaa in lay keeno si uu halkan igula noolaado maadaama oo aan uur leeyahay soona dhawdahay xiligii aan umuli lahaa. Maalin ayaa Salmaan oo u soo baxay dhanka suuqa watana Baabuurkiisii kana fekerayey xaaskiisa Saamiya oo ahayd qofta keliya ee u aduunyada ka fiirsanaayey wuxuu si lama filaan ah afka hor ee baabuurka ugu dhuftay baskii uu markii hore ka ahaa kerish boyga oo uu watay ninkii shaqada ka eryey.  Salmaan isla markiiba markii uu arkay in uu shil galay wuxuu istaajiyey baabuurkii waxaase si degdeg ah daaqada baabuurka u furay oo soo baxa ninkii dirawalka ahaa isaga oo ku hadlaayey ereyadan "waa laayaabe dadka lacagta leh ma baabuurta dadka ee bariiska lagu raadinayo ayey duqeenayan hadii ay baabuur meel ay kala geeyaan garan la'yihiin oo maalinba baabuur suuqa ugu so baxayaan".            Salmaan oo qofkii arkaa aanu ka jeesan Karin cadaanta iyo quruxda iyo weliba lebiska u sii dheer ayaa ka soo degay baabuurkii wuxuuna ku jawaabay iga raali noqo khaladku waa dhacaa hadana hoo lacagtan $400 oo ku sameyso midna ogow aduunyadu way is bedeshaa waana hadhkaa labadiisa gelin qof binu aadan ahna lama xumeeyo oo weji xumo laba dhigto, runtii walaal heerkan adigaa i gaadhsiiyey $50 waa sameynta baabuurka $350 kalena waxaan kuu siiyey abaal marinSoomalidu waxay ku maahmaahdaa aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban Waa tii uu Abwaan Maxamuud "waraabe:" gabaygiisii baryo saatir ku lahaa "hadba kii sar dheer fuula waa u sacab garaacaan oo sawdkuu yidhaahdab horaa looga saxayaa" ee ninkii dirawalka aha wuxuu la yaabay nolosha sare ee uu ku nool yahay Salmaan iyo sida qofkii hore u yaqaanay aanu u garaneyn wuxuuna yidhi isga oo waayo arag nimo waa duun oo wax walba waa la arkayaa iga raali noqo Salmaan khaladkii aan kaa galay iskana kay cafi walaal, dhib ma leh ayuu ugu jawaabay Salmaan             Salmaan wuxuu noqday wiil ay dadka wax garadka ah oo dhan jeclaadaan qof walba ku cibro qaato nolosha soo martay iyo is bedelkiisa isaguna wuxuu noqday qof aan ilaawin noloshii hore una daryeela naxariisna u fidiya qof walba oo taag daran inta uu ka war hayo, sidoo kale Salmaan wuxuu gargaar u fidin jiray qof walba oo garab ugu soo baahda maal hadii ay tahay iyo xoog hadii ay tahayba  mana noqon qof markuu lacag yeeshay kibray oo dadka ka dhex baxa isla weynina gasho.Salamaan markii uu muddo ku noolaa dalkiisa hooyo wuxuu soo aaday Wadanka Kenya si uu uga sii aado halkii ay ku noolayd xaaskiisu oo ahayd waddanka Canada.Salmaan wuxuu nasiib u yeeshay in wax walba u haagaan oo uu aado waddanka Canada isaga oo halkaa kula noolaaday xaaskiisii uu nolosha oo dhan u hibeeyey ee Saamiya, wuxuuna noqday Nin aan marnaba ka ag dheeraan xaaskiisa halka dad badan oo is jecel kala fo'gaadaan oo qalbiyadoodu kala daboolmaan sidoo kale Saamiyi waxay iyaduna u jeclayd ninkeeda si aan la sheeki karin waxayna u dhashay dhawr carruur ah. Ugu danbeyntiina waxay noloshoodii iyo jacaylkoodii ku gaba gaboobay waddanka Canada isaga oo ka helay shaqo aad u wanaagsan.
 

Qays Iyo layala

Laya aiyo Qays, waa sheeko jacel ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga dhexe,sheekadan waxay taariikhdeedu u noqneysaa ilaa qarnigii 7aad,Layla iyo Qeys waa sheeko sida oo kale ku faaftay waqooyiga Afrika iyo India,hadaba Layla iyo Qeys maxay ahaayeen ?sheekadoodu siday se u dhacday ? 
Nin la odhan jiray madjnun(ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu ahaa Qays ayaa Layla kula kulmay si kedis ah meel ay dumar xaflad ku lahaayeen dabadeed wuxuu bilaabay inuu geeliisii gawraco munaasibadaa haweenka awgeed,haweenkan waxaa ku jirtay Layla ,Layla waxay jacayl u qaaday Qays isna mid kii la mida ayuu u qaaday, si dhakhso ah ayaa Qays u doonay layla in uu u geed fadhiisto oo wuu weydiisto Aabaheed ,balse nasiib daro layla Aabaheed hore ayuu nin kale ugu balan qaaday inuu inantiisa siinayo, 
Qays arrintaasi waa u cuntamiweyday wuxuuna ku adkeystay in layla la siiyo, 
halka Layla aabeheedna ku adkeeystay in innantiisa uu nin kale ugu balan qaaday,Qays wuxuu noqday nin jacayl qaaday laakin innantii uu u qaaday ku hunguubay, 
Qays oo jacaylka Layla uu ku dheeraa ayaa ka samri waayey dabadeed wuxuu bilaabay inuu dugaaga weheshado oo uu duurjoogta u tago. 
Qays aabihii ayaa isku deyey inuu ilawsiiyo inankiisa jacaylkan haleelay balse qays xanuunkiisii waa ka sii daray oo wuxuu noqday nin waalan oo xiskiisii ayaa raacay Layla. 
Qays wuxu u tiriyey Layal gabay badan oo uu mar ku amaanaayo,marna ku calaacalaayo,marna uu ku muujinaayo marxaladan cusub ee la soo deristay. 
gabayada Qays uu u tiriyey Layal waxay qayb ka noqdeen suugaanta Beershiya iyagoo u isticmaali jiray siyaabo kala duwan waxaa la sheegaa mararka qaar inay u isticmaali jireen hees hawleedyo. 
Isla marka uu Qays ku sugnaa xaaladaas Layla waxay joogtay gurigooda oo lagu ilaalinaayey iyada oo gabayada uu tirinaayo Qays ay ka dhigeen Layal mawduuca qudha oo lagu sheekeysto iyo xanta dadka. 
Layla aabeheed wuxuu balan ku galay inuu Qays ka ilaaliyo Layal,qiimaha ay doonto ha ugu kacdee,waxaa la sheegaa in nin la yidhaa Ebne-e salam u weydiistay Layal aabeheed inuu siiyo laakin Layal aabeheed wuxuu ninkaa u sheegay in innantiisu weli yartahay oo uu sugo ilaa dhowr sanno si ay ugu soo korto, 
Qays wuxu galay nolo adag oo silic leh,sheekadii Qays waxay gaadhay nin la odhan jiray Nezamis's oo ahaa nin deeqsio ah oo sida la sheegay boqor ka ahaa dhulkii Beershiya ee hada loo yaqaan Iiran,ninkaas oo isku deyey inuu Qays la taliyo laakin markii u kala quustay waano iyo talo ayaa la sheegaa in Boqorkaa ay ka gaadhay in uu weerar ku qaado Layal reerkii ay ka dhalatay isagoo ka doonayo reerkaas in Layla iyo Qays laysa siiyo hadii kale dhiig daadan doono. 
Inkastoo oo dagaalkii dhacay oo la jebiyey Layal qabiilkoodii hadana Aaabaheed wuxuu ku adkeystay in aanu marnaba Layal siin doonin Qays isagoo ku dooday in Qays dhulka dhigay oo burburiyey sharaftii Layla,wuxuuna odhan jiray dabeylkasta oo soo dhacdaa waxay sidaa magicii innanteyda,isago sheegay in Layla oo uu Qays siiyaa uu ka dooranyo inuu dilo oo qudha ka jaro Layal. 
Boqorkii wuxu ogaaday in aanu ku guuleysaneyn inuu Layal aabeheed ku qanciyo in uu isa siiyo laamanahan isku dhibaateysan faraha ayuuna ka qaaday arrintii Layal iyo qays, ninkii Layla loogu balan qaaday ayaa doonay inuu ka faa,iideyso jaaniskaa isagoo u yimid Layala aabaheed mar labaad ,balse markan si dhib yar ayaaba Layla loo siiyey........wuxuuna Layal u kaxaystay gurigiisii,Qays markii uu maqlay in Layla nin la siiyey ayuu ka sii daray wuxuuna wehel cusub ku sii yeeshay keyntii uu markii horeba dugaaga la joogay. 
Qays aabihii wuxuu la dhintay murugadii iyo uur xumadii uu ka qaaday noloshii uu la dersay inankiisu isagoo Qays ahaa inanka keliya ee uu lahaa ,uuna u jeclaa si aada. Qays markii uu maqlay in Aabihii hoos maray ayuu xalkiisii ka sii xumaaday intii hore ..........balse nin qoyani biyo iskama dhowro.....isaga ayaaba tisii la il daran,wuxuuna Aabo ka sii dhigtay oo booskii Aaabihii u sii buuxshay habardugaagii uu la noolaa. 
inkastoo Layal la guursaday hadan ma ay ilaawin jaceylkii Qays waxaana ku sii siyaaday jaceylkii ay

Qays u haysay......Layal waxay warqad u dirtay Qays iyadoo uga tacsiyadeyneysa geerida ku timid aaabihii waxanay u sheegtay in ninkeedu ogyahay in ay Qays jeceshahay oo aanu weligeed qalbigeeda ka baxayn. 
mudo ka dib waxaaba dhimatay Qays hooyadii,Laylana waxay fariin u soo dirtay Qays iyadoo u soo dirtay nin waayeel ah una sheegay in Layla ay dooneyso in ay kulmaan.......Qays waa raacay ninkii waxaana mar labaad kulmay lamaane is jeclaaday oo dhib aduunyo muquuray, Layla ninkii la siiyey wuxu ogaa inaanu marna qalbiga Layla ka saari karin Qays. balse 
Layla ninkii la siiyey waa xanuunsaday waana dhintay.................................... 
sida dadkaa dhaqanka u ahayd gabadha carmalka ah ee laga dhintaa 2 sanno ayey ahayd inay ku jirto guriga oo aanay mudadaa rag la kulmin...Layal iyada uma dulqaadan karto mudadaas dheer ee aanay Qays is arkeyn waanay xanuunsatay waanay dhimamatay............ 
War xumi dugsi ma fadhiistee Qays markii uu maqlay in Layla ay dhimatay oo dhulka hoos martay ayuu aad uga xumaaday wuxuuna bookhday xabaasheedii,halkaasna waxaa ku soo af-jarmay noloshi Qays waxaana uu ka daba tegay Layal oo isna waa dhintay............. 
inkasta oo sheekada jaceylka ah ee Layal iyo Qays ay adagtahay in si dhaba loo helo waayo waxay dhacday qarni aad u fog hadana sidan ayaa ugu dhow sida maanta loo weriy
   

QIIMAHA JACAYLKA QALAD LOOMA YEELO!

C/qani wuxuu ahaa wiil dhalin yaro ah oo la nool labadiisa waalid wuxuuna ku noolaa magaalada Laas-Caanood wuxuuna wax ka dhigan jiray dugsi in waxoogaa leeg u jira gurigooda, C/qani wuxuu ahaa wiil aad u qurux badan gabadhii aragtaana aanay ka jeesan jirin, C/qani se marnaba ma hayan wiil waxaas oo hablo ah u jeeday waayo wuxuu aduun ka fiirsan jiray Hodan oo ahayd wadnihiisa iyo waaxyihiisa mar walba oo dhalin yaradu weydiiso halka ay hodan ku nooshahayna wuxuu ugu jawaabi jiray  waxay imaneysaa maalin markaas waad arki doontaan. Maalin ayaa C/qani oo fadhiya geed hoostii waxaa u yimi saaxiibkii Saalax kuna yidhi saaxiib maanta maxaad keligaa halkan la fadhidaa C/qani oo hadalkii uga jawaabaya ayaa ku yidhi saaxiib maanta waxaan xasuustay jacaylkii yaraanteydii ee ilaa hada aan kool koollinaayo waxaan xasuustay xiligii yaraantayada aniga iyo Hodan wuuxuna C/qani isla markiiba bilaabay in uu uga sheekeeyo saaxiibkii Saalax jacaylka baaxada weyn ee kala dhex maray isaga iyo Hodan isaga oo u dhigay sidan. "Waxaan ahaa wiil yar oo jacelaa in uu mar walba kubbad ciyaaro ama daawado maalin aniga oo ku degdegsan kubbada waxaa jidka igaga soo hor baxday Hodan oo aad moodo biyo dahab, wuxuu wejigeedu u dhalaalayey sidii cadceed markaas soo baxday markii ay indhahaygu qabteen waxay ila noqotay u qaadan waa iyo layaab waayo xiligaa waxaan aqaanay hablaha ku nool magaalada Laas Caanood badankooduna waxay ahaayeen kuwo i daneeya  oo i daba yaaci jiray, saalaxaw waxba yaana hadal kugu daaline aniga oo isku haya ma la hadashaa iyo ma iska deysaa ayaa waxay gabadhii igu tidhi walaal waxaan doonayaa in aad  ii tilmaamto Parevite-ka ............. hadii aad awoodan aad i soo tustid isla markiiba hadal kama sugine waxaan ku idhi kaalay walaal aan ku soo tusee aniga oo doonyey in aan la sii hadlo inta aan jidka sii socono. Jacayl waa balaayee waxaa aniga iyo gabadhii na dhex martay sheeko yar oo gaaban iyada oo aan is weydaarsanay magacayadayadii. Barasho ka dib aniga iyo Hodan waxaan isu qaadanay jacayl xad dhaaf ah waxaana labadayaduba isu qaderin jirayn sidii laba qof oo nolosha wadaagay. Maalin ayaa waxaa dhacday in Hodan Aabeheed uu ogaado jacaylka aniga iyo inantiisa na dhex maray Kadiban wuxuuna si degdeg ah ugu diray debedaha maalintaas wixii ka danbeeyey waxaan waayey aragtidii gabadhii aan jeclaa noloshayduna waxay noqotay in aan ka fekero gabadhaas iyada oo aan meel ila joogin. C/qani wuxuu ugu danbeyntii saaxiibkii ugu soo gaba gabeeyey in uu maalin uun heli doono gabadha uu jeclaaday.            Saalax oo ahaa C/qani saaxiibkii wuxuu la yaabay sheekada dheer ee soo dhex martay isaga iyo Hodan wuuxuna ku yidhi "runtii walaal waxaan kuu rajeenayaa in aad jacaylkaaga heshid"            Sheekadii dhexdooda ahayd markii ay dhaamtay ayaa saalax ku yidhi wan sii Soconayaa oo waxaan aadayaa dhanka suuqa ee waa inoo mar kale.            Dhanka kale Hodan waxay nolosheedu ka anba qaaday wadanka South Africa waxayna wax barasho ka bilawday wadankaas iyad oo ilawday nolosheedii yaraanta ee ay la wadaagtay C/qani. Soomaalidu waxay ku maahmaahday laba bariday kala war la' C/qani waxa uu jacayl xad dhaaf ah u hayey Hodan una diiday hablo badan oo u heelan doonayeyna in uu guursado.    Wakhtigu waa seef oo qof ma sugayee wuxuu is daba socodo oo C/qani jacaylku keli ku ahaadaba maalintii danbe ayaa waxaa telefoon uga soo dhacay waddanka South Afirca, nasiib wanaag wuxuu noqday C/qani adeerkuu wuxuuna u sheegay in uu yimaado magaalada Hargeysa si uu halkaas uga soo dhoofo oo uu u yimado waddanka South Africa si uu halkan wax barashadiisa uga sii wato.            C/qani markii uu dhuuxay hadalkii adeerkii wuxuu qaatay go'aan isaga oo go'aan ku gaadhay in uu aado Waddanka South Africa is uu wax barasho u bilaabo.            Wuxuu C/qani dhawr maalmood joogay magaalada Laas Caanood isaga oo saaxiibadii oo dhan u sheegay in uu halkaas aadi doono, habeen-nimadkii uu C/qani ka soo baxayey Las-Caanood  ayaa waxaa u timi Naciima oo ahayd gabadh si xad dhaaf ah u jeclayd laakiin aan u sheegan jirin jacaylkiisa waxayna salaam iyo sheeko kaftan leh dabadeed u dhiibtay warqad xidhan oo ay ku tidhi walaal  C/qani waxaan kaa codsanayaa in aad warqadan akhrisatid dhawr bilood ka dib,waxa ku qoran hadii aad ka heli weydayna waxaan kaa codsanayaa in aanad iga cadhoon. C/qani waxay ku noqtay layaab wuxuuna garan waayey wax uu ku hadlo ugu danbeyntiina wuxuu ka qabalay go'aanka a u soo jeedisay...            Wuxuu C/qani yimi magaalada hargeysa isaga oo halkaa uga sii kicitima aadeyna waddanka South Afirca. Markii uu halkaa tegay waxaa soo dhaweeyey adeerkii wuxuuna dejiyey gurigii uu u diyaariyey in uu dego kuna noolaado isaga oo hore ka galay jaamacadii loo diyaariyey, C/qani sidii noloshiisu ku ahayd magaalada Laas Caanood ayey ku noqotay waddanka South Africa-na wuxuuna gelinka danbe ka shaqo bilaabay dukaan ku yaala xaafada uu dagan yahay oo lagu iibin jiray macmacaanka sida chocolate iyo Buscutes i.w.m.            Hadii aan dib u jaleecno dhanka Naciima iyo jacaylka xad dhaafka ah ee ay u qabto C/qani mar ay uga warantay gabadh saaxiibadeed ah oo Luul la odhan jiray kuna tidhi walaal waxaan jeclaa C/qani hadana wuxuu joogaa waddanka South Africa jacaylkaygana ilaa hada uma sheegin oo waxaan mar walba is lahaa waad ku guuleysanaysaa wuuna ku dareemi doonaa aniga oo meesha kasaaray in wax walbaa u baahan yihiin dhaqaajin jacaylkuna u baahan yahay in lays dareensiiyo, runtii walaal hada meel aan kala xiriiro ma lihi C/qani ayey Naciima iyada oo saaxiibadeed ka dooneysa talo hadal ugu gaba gabeysay.  Luul waxay saaxiibadeed ku tidhi walaal hadii uu C/qani halkan joogo ama ciwaan lagala xidhiidho aad hayso wax waan kaala qaban lahaa laakiin waxay hada noqoneysaa in aa sidii markii hore aad u sugeysay u sugto ilaa inta aad si toos ah u arkaysid jacaylkaagana ugu soo bandhigaysid.            C/qani halkii ayuu ka sii waday shaqadiisii iyo waxbarashadiisii isaga oo lacagaha uu helo aan ku ciyaari jirin ee meel wanaagsan dhigan jiray si uu wax ugu qabsado noloshiisa. Habeen ayaa C/qani waxaa wiilal ay saaxiibo ahaayeen oo ku noolaa wadanka South Africa u kaxeeyeen aroos markaasi wiil soo degay dhigtay markii arooskii la yimi ayaa waxaa C/qani ku mashquulay hees ka baxaysya CD-ga oo dadku dhegeeysanayeen kuna luuqeeyo Alfanaan
Lafoole


.Dumarkaba Aduunbaa
Iigu Dhaga nuglaayoo
Aan soo Dhaweeyee

Dhaawicii horeen qabey
Waxad tahey dhakhtaradii
Mudo iga dhayeeysoo
Waad i dhiiri galisee

Hadii aad dhaqaaqdood
Inaad Dhoofto jeceshahey
Gaadhigaa dhakhsanayee
Kusidaa ma Dheeliyo
Uma seexdo Dhinacyada

Ilaahey Dhantaalkiyo
Kuma tuso Dhibaatoo
Ayaan Dhalad nasiibliyo
Mid hoodale hakaa dhigo

Adaa dheeman iyo luul
Iyo dhagaxa dahabka ah
Qiimiga wax dheeroo

Adigaa dhir ubax
Iyo dhool aroor da'ay
Dhul xareedi wadhantahey
Uga dhigan nafteeydee

Haduu taarku soo dhacey
Dhawaan soo bax kugu yidhi
Dharaar qudha aduunyada
Hanti aad ku dhaqatiyo
Ha ka waayin Dharagoo

Ilaahey dhantaalkiyo
Kuma tuso dhibaatoo
Ayaan dhalad nasiibliyo
Mid hoodale hakaa dhigo.
C/qani waxa uu aad uga fekerayey sida uu fanaanku u amaanayey gabadha isga oo ku tilmaamayey dheeman, luul, dhagax, dahab ah iyo weliba sida wanaagsan ee uu ugu duceenayey isaga oo leh ilaahay ha kaa dhigo mid nasiib leh hoodan leh oo ayaan dhalad ah , isaga oo halkii fadhiya ayaa waxaa u yeedhay wiil ay saaxiib ahaayeen kuna yidhi kaalay walaal caawa waxaan ku barayaa dhalin yaro badan oo ay ka mid tahay gabadh in badan halkan joogtay yaraanteediina timi oo halkan inta ay wax barasho ka bilawday hadana shaqaysata. Wiilkii oo la odhan jiray xasan sidii uu u soo waday C/qani ayuu wuxuu hor keenay Hodan oo quruxda aad moodeysid qoftii uu fanaanku u heesayey,C/qani wuxuu markiiba galay dareen dheer wuxuuna sidii qof walaalan oo kale u eegay gabadhii, xasan ayaa la yaabay kuna yidhi maxaa ku helay walaal barasho wanaagsan gabadhan waxaa la yidhaahdaa Hodan, hodan walaal wiilkan waxaa la yidhaahdaa C/qani wuxuuna halkan joogay in muddo ah oo jaamacadna waa dhigtaa waana shaqaystaa.. Aduun subaxba waa cayn oo hore ayaa loo sheegay ee Hodan maba aha qoftii hore ee uu jeclaaday C/qani markii ay waddanka South Afirca timi waxay la qabsatay nolosha halkan waana ilawday wixii yaraanteedii iyo jacaylkii ay soo sameysayba, C/qanina waxya u baratay sidii qof cusub oo hada ay barashadoodu isugu horeyso C/qani se wuxuu dareemay in ay tahay Hodan ileen qof wax jecel ma anbadee wuxuuna go'aan ku gaadhay in uu marka xafladu dhamaato sii dhaweeyo si uu wax walba u ogaado.            Markii xafladii dhaamtay waxaa qof walba aaday gurigiisii dadka intii is garaneysayna waa is raaceen C/qani oo baabuur watay waxaa u suurto gashay in ay soo raacaan hodan iyo laba gabdhood oo kale wuxuuna markii uu labadii hablood ee kale gurigooda geeyey u suurto gashay fursad uu ku wareysto su'aalana ku weydiiyo hodan isaga oo sheekada uga bilaabay hodan walaal su'aal aan kuweydiiyee weligaa waddankaagii hooyo ma aragtay haa walaal ayey hodan la soo booday aniga oo yar ayaan ka imi  isla markiibana waxay Hodan gudo gashay in ay C/qani uga sheekayso nolosheeda iyo wiilka ay sida xad dhaafka ah u jeceshahay ee Shaakir iyada oo ku tidhi C/qani walaal waxaad tahay qofkii u horeeyey ee aan noloshayda si daacad ah uga sheekeeyey runtii waxaad tahay wiil walaalkay oo kale ah.  Markii ay kelmadaa tidhi waxaa C/qani ka soo gabax tidhi ilin xiligaana waxaa u baxaysay heesta ay ku luuqayso Deeqa Bilan.
Orod iyo ayaan
Labadaba ogoow
Waa la aaminnaa

Indhahaygu daymada
Siday kuu eeggayeen
Iyeey ilmadu raggax
Ay ka tiri raggax

Afar iyo tobnaad
Dayax oogta hore
Qorax kala ordeen
Ileyska iyo nuur
Ayaad ii tahee

Araxda igu qaad
Uurka ii banee
I liq oo I hay
Albaabbada wadnaha
Intifaaca iyo
Ubax iigu keen

SIDAAN ANNIGU KUU AHAY
ADNA II AHOOW!

Aqoon iyo afgarad
labada oggoow
Waa la irkaddaa

Aqligaygu garashada
Siduu kuu aawilaayaad
Illeys baxay u tahay, u tahay

Onkod iyo hillaac
Saxansaxo udgood
Ilcas iyo xarreed
Eegmada ku wacan
Ayaad ii tahee

Araxda igu qaad
Uurka ii banee
I liq oo I hay
Albaabbada wadnaha
Intifaaca iyo
Ubax iigu keen

SIDAAN ANNIGU KUU AHAY
ADNA II AHOOW!
 Markii ay Hodan aragtay ilinta ka daadaneysa dhabanadiisa ayey ku tidhi walaal maxaa ku helay ee aad la ilmeysay ma sheekada is oo martay ayaad ka naxday. Maya ee walaal guul darada jacayl ee i garabsatay ayaan ka naxay runta hadii aan kuu sheegana anigu waxaan kuu jeclahay si xad dhaaf ah ilaa yaraanteydii ilaa hadana waan ku jeclaa dartaana waxaan u daayey hablo badan wuxuuna C/qani gudo galay in uu noloshii ilaa yaraantiisa uga sheekeenyo isaga oo xasuusiyey jacaylkii ay wadaageen Hodan se waxay si badheedh ah oo aan shaki ku jirin isaga indha tirtay C/qani kuna tidhi waad edeb darantahay waxaagu ma waan ku arkay oo ku caashaqay miyaa? goorma ayaad i jecelayd oo aan jacayl kula sameeyey waar waad indha adagtahay ee isdeji teeda kale meeshan maaha Laas -Caanood ee waa South Africa oo yurub waxba kama dhacdo hana isku dayin in aad mar danbe horteyda soo istaagto.C/qani wuxuu u qaadan waayey waxa dhacay iyo sida ay isu bedeshay nolosha Hodan wuuxuna isaga oo is ciil kaambinaya ku hadaaqay heesta ay ku luuqeyso Sahra Axmed ee....
Naf ku jecel Aduunyada
Baa ugu  wacan wax nololoo
Nabad lala wadaagoo
Nimco lagula waaree

Ma nugliye kalgacalbaa
Naar iyo ka daran olol
Markuu nugeyga kaa galo
Nabar weeye halisee

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna haddii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo

Nacab iyo Sokeeyaba
Neefteeydu diidoo
Ma nastoo jacaylbaa
Nadi ila haleelee

Igu noqey mid halisoon
Kaba nuuxsan waayoo
Naaftoo qalbigii buu
Nudub iga sameeystee

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna hadii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo

Neecoow da'aysoo
Onkodna nawda ku hayaa
Igu heshey Nugaaloo
Kaligey ku noolee

Adna keymo baadliyo
Dhul naruuro joogtaa
Naxdin li' ku hurudaa
Nabsi dhoowri mayside

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna hadii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo
Hodan uma dheg taagin hadalada baroorta iyo calaacalka isagu jira ee C/qani waxayna si degdeg ah uga degtay baabuurkii iyada oo abaartay gurigeeda oo wax yar u jiray.C/qani isaga oo madaxu xanuunayo ayuu ku laabtay gurigii uu deganaa wuxuuna isaga oo fekeraya soo xasuustay habeenkii uu ka soo baxayey Laas-Caanood iyo sidii uu u faraxsanaa waxayna maskaxdiisii xasuusatay warqadii ay u dhiibtay Naciimi deg deg ayuu u abaaray qolkii hurdada isaga oo shondadiisii furay kalana soo baxay warqadii wuxuuna isla markiiba ku bilaabay akhris "waxaad iga gudoontaa walaal salaan aad iyo aad uqaali ah salaantaas oo qof muddo badan six ad dhaaf ah kuu jeclaa kuu soo diray kana timi unugyada jidhkiisa oo idil walaal  hadii aan kuu sheego waxaan ku jecelahay muddo afar sano gaadhaysa qalbigeyga waxa ku jirana waan kuu soo bandhigi kari waayey xishood gabdheed awgeed,waa laga yaabaa walaal maanta in aad haysatid qoftii sida xad dhaafka aad u jeclayd laakii ma ogtahay nafta ku jecel ee kuu dhimaneysa ayaa mar walba mudnaanta mudan,walaal anigu noloshaada waan la yaabay waayo boqol hablood oo ku daneeya ayaand misna dheg u taakin taasina waxay turjumaysaa in qoftii aad jeclayd aan weli laguu abuurin,C/qani hadii walaal aad jacaylkaaga ku guuleysatay taasi waa meesheeda waayo markii horeba qalbigaaga boos kuma lahayn hadii se aad aad tahay mid weli aan helin jacayl waxaan kaa codsanayaa in aad dareenkaaga ii soo jeedisid waayo waxaan ahay gabadh ilaa hada ku jecel kuna sugeysa."         Markii uu C/qani warqadii dhameeyey waxaa indhihiisa isku soo taagtay ilin wuxuuna isagu ka ciishooday sababta uu warqada u furi waayey intaasoo dhan ee ay shondadiisa ugu jirtay, C/qani wuxuu bilaabay is barbar dhig Hodan iyo Naciima wuxuuna qalbigiisu siiyey in Naciimi tahay qoftii uu sida dhabta ah nolosha ula wadaagi lahaa isaga oo ka cabir qaatay gabadhii uu jeclaa sida ay ku ilawday iyo Naciima oo u sheegtay in ay afar sano jeclayd ilaa hadan jeceshahay sugaysana.         Dhanka kale C/qni danba Kama gelin hodan oo qof uu yaqaanaba Kama dhigin manuuna raadin oo kamuu daba dhicin. Maalin ayey C/qani iyo Hodan ku kulmeen shir ay lahaayeen dadka soomaaliyeed ee ku nool South Africa waxayna hodan isku dayday in ay la hadasho wuxuuse C/qani ugu jawaabay kelmadahan naxdinta leh.
Ruuxii balan jara badaa karahdeeBerri baan ku jeclaaye kaa baxayQasil baan kaa cabay qadhaadh badanQalbigii ku jeclaana kaa qanac!        
Hadii aan jeleecno dhankii Naciima waxay niyada ku haysay in uu C/qani maalin u soo laaban doono guursana doono oo jacyal wadaagi doonaan.          Muddo markii uu joogay C/qani wuxuu dhameeyey wax barashadii wuxuuna lacag aad u fiican ka sii helay shaqadiisii isaga oo isu xidhxidhay aroos waxaase qof walba aad moodeysay in korkiisa malab loogu daadiyey oo hablo badan oo ku noolaa wadanka South Africa gaar ahaan caasimada jo....... C/qanise marnaba ma ahayn mid u dhegtaaga ee waxaa hor taalay oo uu si toos ah uga fekeri jiray Naciima isaga oo mar walba akhrisan jiray warqadii ay u soo qortay kana dhigan jiray wehel.         Wuxuu ilaahay barakeeyo ayaa barako ku jirtaa ee shaqadii waa u sii wanaagsanaatay waxaana C/qani u suurto gashay in uu jago wanaagsan ka helo shirkada baabuurta yaryar u soo dejisa wadanka South Africa. Markii uu in muddo ah shaqeenayey C/qani ayaa la siiyey fasax 4 bilood ah oo uu ku aado dalkiisa iyada oo tigidhika tegitaanka iyo noqoshadaba ay ka soo bixiyeen shirkaadii uu markaa u shaqeenayey C/qani markii uu yimi waddankiisa hooyo wuxuu si degdeg ah u aaday magaaladiisii iyada oo ay sugayeen dad badan oo ay ka mid ahaayeen waalidiintiisu iyada oo Nimcana ay hamuun aad u ba'an iyo sugitaan dheer ay u haysya C/qani Naf wax jeceli beer jilicsanaa C/qani wuxuu u holaday dhankii gurigii Naciima markii uu u tegayna wuxuu isku duubay isga oo leh waan ku jeclahay Naciima mar walbana waxaan is lahaa oo niyada ku hayey ma helaysaa Naciima mase waa laga guursanayaa.C/qani wuuxu ku guuleystay jacyalkiisa iyo in uu hanto wuxuuna arooskoodu ka dhacay magaalada Laas-caanood iyada oo Naciimina ahayd mid si aad ah ugu faraxsaneyd mar walba sida wanaagsan ee illaahay u sulan siiyey jacaylkeeda daacada haa Ugu danbeyntii wuxuu C/qani u sii kaxaystay gacalisadiisii South Africa markii uu ku laabanaye.

 

Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Jaceylka Raga  Iyo Midka Dumarku?

Waxaa Jira wax yaabo badan oo ay raga iyo dumarku xaga jaceylka ugu kala duwan yihiin qeyb kamid ah ayaan  http://www.garwaal2.8k.com/  idiin ku soo gudbinaynaa waxaana ka mid ah:

  • Haddaad aragtaan qof dumar ah oo dhahaysa nin hebel aad iyo aad ayaan u necbahay, Jinigeygaa neceb Asxaabey hala ogaado in qoftaasi ninkaas aad iyo aad u jeceshahay.
  • Ninoow hadii aad aragto qof dumar ah oo aad jeceshahay inaadan waxba ka qarin Ogow in qoftaas waad jeceshahaye.
  • Hadaad aragto haweeney kasta oo guul gaarta jaceyl ayaa ka soo fashilmay.
  • Haddaad aragto nin qof haweeney ah ku eedeynaya in ay tahay qof aan jaceyl waxba ka aqoon Ogow hee isagaaba xadan oo qalbigiisa iyada jira.
  • Dumarka hadaad siiso jaceyl been ah iyadu waxay ku siisaa mid run ah oo aan laqdabo wadan.
  • Dumarku sadex marxaladood ayeey jaceylka kamaraan Marka 1-aad waa ay jeclaataa, marka labaad waa ay kasheegataa, marka sadexaadna waa ka shalaysaa.
  • Ragu jaceyl dartiis waa u dhintaan balse dumarkaa kaga badan.
  • Jaceylku Dumarka wuxuu agtooda ka yahay sidii qiso macaan oo ay jilaa kayihiin, halka ragana uu agtooda ka yahay qiso ay iyagu Curiyeen ama alifeen.
  • Dumarka nooca qeylada badan jaceylkaa bara aamuska.
  • Dumarka mida ugu qurxooni waa tan afkeedu bartay ereyada jaceylka ah.
  • Nin raba markasta inuu ogaado waxa ay sameynayso gaba uu lasocdo ogow waa uu jecelyehee.
  • Hadii qofta dumarka ahi ay ninka jeclaato waligeed raganimadiisa ma ilawdo.
  • Xaga jeceylka. Ragu waa weerar Dumarkuna waa difaac.
  • Ninku haduu dumar jeclaado wax kasta iyada darted waa uu u sameyn karaa ilaa halmid mooyee taaso ah in jaceylkeeda uu sii wado.
  • Ninku haduu wax jeclaado waa sida dawacada waa digtoonaadaa,balse qofta dumarka ah hadey wax jeclaato waxba lama harto waana dhibtootaa.
  • Jaceyl kastaa maalin ayuu dhamaadaa,wali lamahayo kii dhabta ahaa.
  • Qofta dumarka ah qalbigeeda jaceylkii gala kama boxo ilaa uu mid kale ka galo markaasna kii hore waa dhamaaday.
  • Dumarku ma noolaan karaan gacaliye la'aan.
  • Dumarku raga waxay u jeclaadaan naftooda dartood Micnaha iyagoo raga naftooda ilaalinaya balse ragu dumarka waxay u jeclaadaan iyaga naftooda micnaha dumarka naftooda inay ilaaliyaan uma jeclaadaane today ku ilaashadaan.
  • Jaceylka ragu waa hal sadar midka dumarku se waa bogag.
  • Dumarku raga ay jecel yihiin waa ay cizeeyaan

Ka fiirso Jaceylkaaga


Waa wax aad u fudud sida loo burburiyo jacayl dhismihiisa dhibaato iyo sha'ni fara badan laga soo maray, waase adag tahay sida jacaylka loo abuuro, tusaale haddii aad aan usoo qaadano marka aad dooneyso in aad geed talaasho si aad  mustaqbalka u harsato ama mirihiisa u gurato waxaad  ka maraysaa dhibaato badan waxaadna u hureysaa waqti, ugu horreyn god ayaad u qodeysaa oo aad dhex qotomineysaa, waad taagaysaa oo si uusan u qaloocan bir ama qori adag ayaad kula xireysaa, kadib ayaad silig iyo dhismo ku wareejinaysaa, si xayawaanku uusan u cunin, si joogto ah ayaadna maalin waliba u waraabinaysaa oo biyo ugu shubeysaa, intaasoo oo dhib ah marka aad ka marto ayay suuragal tahay in aad harsato ama haddii geed miraha la cuno ah uu yahay aad miriisa Muudsato macaankiisa.

Geedka aad intaas oo dhibaato  ah usoo martay haddii aad rabooto in aad goyso saacadna kugu qaadan meyso  oo masaar af leh inta aad u diyaarsato ayaad goyn kartaa,  sidaas oo kale waxaa ka dhigan jacaylka oo abuuritaankiisu adag yahay balse burburitaankiisu sahlan yahay.
Haddaba inta aad noqon lahayd burburiye jacayl ka fiirso marka hore abuuritaankiisa adigoo raacaya qodobadan iyo tilmaamahan ay Bulshoweyn ku siineyso.

Ka fiirso oo ka baaraandeg inta aadan abuurin jacaylka.
Ha noqon shaqsiga koowaad ee burburiya jacaylka.
Ku dadaal in aad soo jiidato dareenka qofka kula wadaagaya jacaylka.
Shaqsiga aad ku abuurtay jacaylka deeqsii ereyo macaan iyo haddii aad u awoodo hadiyado in aad gudoonsiiso.
Haddii qaladaad yaryar uu ka dhaco qofka jacaylka kula wadaaga haku deg degin go'aanka burburinta jacaylkiina ee u caqli celi, kana waani qaladaadkaas oo kale in aysan dib u dhicin.
Daacadda iyo run sheegiddu Ogow waxay qeyb ka yihiin taabagalka iyo waarintaanka jacaylkaaga.


Qofka jacaylka kula wadaagaya mar walba qiimee si isagana uu kuu qiimeeyo.
Haddii si aan ka fiirsi lahayn aad ugu dhex dhacdo badweynta jacaylka ogow inaad ku hafanayso moolka gunta dheer ee badweyntga Caashaqa marka KA FIIRSO JACAYLKAAGA  inta aadan abuurin ka hor, nabsina haka gelin ruux ku jecel.

Ma Kula Tahay In Nabsigu Dhib Badanyahay?Qormo Xiisa Leh


Nolosha Aadmiga Way Siyaabo badantahay Danbi la galo Waxaa Ugu Daran Midka Nabsiga ah Runtii Aniguna Sidaan Qabo Iskama Yimaado Nabsiga Ee Wuxuu Ku yimaadaa Wado Cad Oo Loo Jeedo Taaas Oo laga yaabo In Ugu danbeyntii Qofkaas Uu Nabsi ka Soo Baxo.

Ogow Akhristow Qofka markuu Nabsi Galayo Xisaabta Kuma Darsado Oo Isma Dhaho Waxaad Galaysaa Nabsi Balse Waxa Uu Ku Yimaadaa Marka Lamaanahiisii Oo Ay Inta Badan Nolosha Wada Soo Qeyb Sadeen uu Si Kadis ah Uga Daneesto Asagoo Aanan Ka Filaneen In Sidaan Ay Mar Un Ku Dhici Doono Asagoo Marka Hore Is tusiya Hawa Iyo Riyo Been Ah Isla markaana Is Dhaho Alaylahee Waad Ka Raysatay Hebal/Heblaayo Lurkiisii/Lurkeedii Asagoo Heehaabayo Meel Sare Ayuu La Kulmi Doonaa Wax La yiraahdo Nabsi Wuxuuna Ku Soo Bixi Doonaa Meel Cidlo Ah Oo uu san arkayn Qof Ku Garab Qabato dhibtaan.

Isla Sidaas Oo Kale Qofkii Nabsiga Laga Galay Wuxuu Heli Doonaa Qof Ka wanaagsan qofkii Hore Isla markaana U Jecel Sida Ugu Wanaagsan Waxa uu Galayaa Nolol Degan Oo Alle Ugu Deeqay .

Qofkii Nabsiga Horay U Galay Wuxuu Arki Doonaa Nolol Mida Ugu xun Ee Abid Arko Wuxuuna Dib Iskugu Dayi Doonaa Inuu Xaliyo Dhibaatadii Uu Horay U sameeyay Asagoo U Hoyanaya Qofkii Uu Nabsiga Ka Soo Raacay Waayo Wuu Dareemi Karaa In Cuqubada Haysata Ay Ka Soo Gaartay Hebal/Heblaayo Oo Waxaa Lagu Caddayn karaa Arintaa Mar walba Waxaa Hor Imaanaya Qofkii Uu Sida Xumeed U galay Asagoo Dib Ka Qoomameynaya.

Arintaan Ayaan Kala Sheekaystay Dhalinyaro Fara Badan Wuxuuna Mid Walba Igu Qanciyay In Nabsigu Yahay Wax Aad U xun Anigoo Caradaa iyo Ciilkaana Dhuunto Ii buuxdo ayaan Aqritaha Qoraalkaan Kula Dardaarmayaa In Uusan Galabsan Wax Naftiisa Dhib U Keeni Kara Iyadoo Ay Arintaani Ugu Wacantahay Dhalinta Waqtigaan Oo Caadeysatay  In Qalbi kale Waxyeeleeyaan.

dhib aduun Dhayal laguma Dhaafo

jacaylkuwaa  dareen ilaahay inagu abuuray waan wax aan lala yaabin yar iyo weyna ku dhici kara waxaa ilaahay umadiisa dhex dhigay jacayl aan dhamaaneyn sidaa darteed ma odhan karno waxaa jirta foolxumo maadaama oo uu qof ka aynu foolxumada ku tilmaamayno uu yahay qof kale dookhiisa ilaahayna waa inaga reebay in aynu isagu yeedhno naaneysaha xun xun.
 walaalayaaal waxaa jira ama aynu ognahay in aanu jacaylku qofka markuu ku dhacayo aanu la tashaan taasina maaha wax u baahan faahfaahin waayo sidaan filayo dadka dunidan ku nool ma jiro qof aan ahayn qaangaadh misana aan sameyn jacayl ama xidhiidh shukaansi .
maxaa hadaba is weydiin mudan?
waxaa isweydiin mudan in laga falanqoodo arimaha ay doodu ka taagan tahay ee ah kee been sheeg badan wiilasha iyo inamada waxaynu arintan inta badan soo noqonoqotay kaga hadli doonaa dooda falanqaynta.

WAA MAXAY NABSI?


wax la galo aduunyadan korkiisa waxaa ugu xun nabsi nabsiguna ma aha mid iska yimaada ee wuxuu ku yimaada sabab taas oo keenta in hadhaw uu ka soo if baxo qofkii nabsiga galay tusaale ahaan:
waxaa laga ayaabaa in laba lamaanee ay si xad dhaaf ah isu jecelaadaan noloshana isku aaminaan oo midkoodba wehel iyo walaal ka dhigto ka kale mudo markay noloshoodu sidaa ahaato iyaga oo ka soo gubbay turunturooyinkii iyo dhibaatooyinkii waa weynaa ee hor yaalay jacalkooda.
 marka qofku uu gelayo nabsi kuma darsado xisaabta niyadiisuna ma siisto in hadii uu khalad galay ku waarayo wuxuu is yidhaahdaa dib ma ugu baahan doontid laakiin taas hadii ay dhacayso nabsigu meesha ma yimaadeen, in badan waxaan aragnaa heeso badan oo fanaaniintu ku tilmaamayaa in uu nabsi soo daahri doonta tusaal ahaana waxaan u soo qaadan doonaa shay mire dacar markii uu lahaa
 ifkaa tobanka nooc ahoo
nabsibaa adeegee
waxaad nabad u hurudaba
nabar lama filaaniyo
naxdin deris ma noqoteen
nasiibkaa ma kulanteen
ana ma iska noolahay inantaay
 waxaa halkan ka cad in qofku marka uu nabsi galo gelaayo nolol aad u heer sareysa taas oo uu ku ilaawayo jacaylkii kalgacalkii iyo noloshii uu la soo qaatay lamaanhii uu markii hore jecelaa ee aduunyada ka doortay, muddo marka uu sidaas ku noolaado ee laydh iyo hawa been ah uu heehaabo meel sarena gaadho ayaa cuqubadii iyo nabsigii ku biiray soo baxayaa wuxuuna arkayaa hal mar isaga oo taagan gegi cidlo ah oo aan afarta koone cidi ka xigin "ala naxdin badanaa xageed u  carartaa" ayuu is weydiinayaa.
 dhanka kale qofkii uu nabsiga ka galay wuxu helayaa nabsi baxa qof uga wanaagsan ama  siduu uu u jecelaa si kadaran u jecelaan doonta wuxuuna gelayaa nolol degan oo alle ugu talo galay  kadib qofkii nabsiga galay wuxuu aadayaa cirkaa iyada  oo diif iyo dacdaro ka muuqato wuxuuna isku dayayaa in uu dib u xaliyo waxyaabihii dhacay waayo isaguba waa dareemayaa in nabsi jiro taana waxaan ku cadeyn karnaa marka uu nabsigu ka soo if baxo waxaa la horkeenayaa oo mar walba hor imaneysa waa qofkii uu jecelaa oo keliya wuxuuna dareemayaa in daawadiisu ay ka dhawdahay halkaas.
 hadaba akhrista walab oo akhirsta maqaalkan waxaan kala dardaarmayaa in uu ku dhaqaaqo talaabo noloshiisa hoos u dhigaysa una horseedaysa in uu nabsi xanbaarto waayo wax walba oo aduunka yaalaa waa ka fiirsasho waxaana loo baahan yahay in nabsi aan leglin sababta aan taa u leeyahayna waxaa laga yaabaa hadii uu adiga kaa soo bixi waayo in uu ubadkaaga ka soo baxao jacaylka oo keliyana nabsi ma lagu xanbaarto ee nabsigu waa noocyo badan yahay
.

 

Qisadii Jaceyl Ee Ugu Yaabka Badneed Oo Ka Dhacday Facebook Kana Yaabisay Dad Badan    

Maxamed Xaaji iyo Ifraax Xaaji oo ah labada qof ay ku dhacday qisadaan murugada leh, labadaan qof waa walaalo kala bah ah (kala hooyo), Aabe Xaaji wuxuu qabay laba dumar ah, labada dumar waxay kala dhaleen Maxamed iyo Ifraax, waxaa coloobay oo is dagaalay labada dumar uu qubay aabe Xaaji, waxaana dhex martay colaad xun kuna saleesan maseer, aabe xaaji ma uusan xalin arinta colaada kala dhexeeso labadiisa xaas, intii uusan xalin ayuu ku geeriyooday aabe Xaaji dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho 1991,

Maxamed iyo Ifraax xiliga uu dhimanayo aabahood waxay ahaayeen dad caruur ah aan wax sidaa ah aan kala garan, Maxamed hooyadiis uma sheegin in uu aabihiis iyada la qabay naag kale ama uu leeyahay walaalo bah kala ah, hooyada Maxamed way ka qarisay arintaan sababa maseer darteed, waxayna ka ilaalin jirtay in uu barto Maxamed bahda aabihiisa sida adeerada iyo wixii kale oo qaraaba ah, halka Ifraax hooyadeed sidoo kale neceeb xun aye u qabtay hooyada Maxamed markasta waxay jeclaan jirtay in ay gubto ama ka taqalusto waxayna aaminsaneed dhimashada ninkeeda in ay masuul ka aheed Maxamed hooyadiis, maadaama aabe Xaaji uu ku dhintay sariirtiisa xili habeen ah, waxayna aaminsaneed in cashada loogu daray sun, Ifraax iyo hooyadeed waxaa ugur maday geerida aabaheed kadib abtigooda oo dagan magaalada Stockholm Swedan, dacwad kadib wuxuu keenay abtiga reerka Ifraax magaalada Stockholm.

Hooyo kasta waxay ku dadaali jirtay in caruurteeda labarin islaanta kale ee lala qabi jiray, Dhanka kale Maxamed wuxuu isagane tahriib ku soo galay dalka Norway, mudo markii uu joogay Maxamed wuxuu sameestay cinwaan Facebook 2009, wuxuuna soo qaatay magac been ah, wuxuuna ku darsaday walaashiisa Ifraax oo iyadane sidata magac been ah, Maxamed kama war haayo ruuxa uu ku darsanayo qofka ay tahay xiligaas, isbarasho ayaa dhex martay, qof kasta wuxuu soo dhaweeyay kan kale si gacmo furan ah,

xiriirkoodu wuxuu ku saleesnaa bilaawgii hore walaalnimo iyo kaftan, mudo kadib wuxuu isku badalay xiriir jaceyl, intii uu xiriirka jiray qof kasta wuxuu sheegan jiray magaciisa saxda iyo in magaca facebook uu yahay mid been ah, waxay is dhaafsadeen sawiro, cod iyo muuqaal iyadoo la isku balansado markasta Skype, xiriirkoodu wuxuu noqday mid qoto dheeraada, Maxamed iyo Ifraax si dhab ah ayee iskaaga heleen, qofba kan kale soo jiidasho iyo ereyo laabta uroon ayee is dhaafsan jireen, mudo sanad kadib xiriirkoodu wuxuu noqday in la isbalansado oo la is arko,

Maxamed wuxuu booqosho ku soo aady magaalada Stockholm sanadkii 2010, wuxuuna la kulmay Ifraax, kulankaas kadib Ifraax waxay xaqiiqsatay in Maxamed xiriirka dhab ka yahay maadaama uu waqti siiyay iyada kuna soo booqday magaalada ee dagantahay, sidoo kale Ifraax ayaa balan qaaday iyadane in ay booqon doonto Norway.

Waxaa la gaaray xiligii ay ka gudbi lahaayeen xiriir una gudbi lahaayeen lamaana isqaba oo isla wadaaga nolosha, Ifraax iyo Maxamed waxay ku heshiiyeen in ay is aroosaan dhamaadka 2011 ka, Ifraax waxay war galisay hooyadeed maadaama aysan arag aabaheed iyadoo caqli leh halka Maxamed oo ka war galiyay hooyadiis, Maxamed ayaa ka codsaday abtiriska saxda ah ay leedahay Ifraax iyo qabiilka ay tahay, wuxuuna ugudbiyay hooyadiisa uu ku nool magaalada Muqdisho,

Maxamed hooyadiis way dareentay in wiilkeeda gabadha uu rabo ay tahay gabar walaashiisa ah laakiin hooyadii kama nixin arinka guurka balsa waxay ka naxday in wiilkeeda uu bartay walaashiisa oo iyada (hooyada) ka qarin jirtay, hooyada guurka way qaadacday waxayna ku marmarsiyootay in isaga oo yar la siiyay gabar, gabadhiina ay hada waynaatay marka loo guurin doono, halka Ifraax ay la yaabtay waxa ku dhagan Maxamed oo usoo af jari layahay balanta guurka iyo maalinka uu dhacaya, Maxamed markii ay is dhex mareen muran hooyadiisa wuxuu go'aan saday in uu guursado Ifraax isaga oo wakiilanaya ama ay ka odayeenayaan asxaabtiisa ku sugan Norway,

waxaa la gaaray xiligii guurka, Maxamed wuxuu shubay qarashaadka guurka ku bixi lahaa, maalinkii uu meherka dhacayay waxaa soo hadashay Maxamed hooyadii oo ku tiri gabadha aad guursaneeso waa gabar kula dhalatay waxaana dhalay aabahaaaga Allah unaxariisto, Maxamed wuxuu bilaabay qaracan, waxaa halmar ka luntay farxadii, wuxuuna bilaabay shook iyo wareer iyo hadalada uu isku dhex yaaciyo, wuxuuna sheegay in gabadha uu intaas sano xiriirka la lahaa ay aheed walaashiisa isaga ku aaba ah, Ifraax hadalka way aamini wayday waxayna u carartay qolka hooyadeed waxayna soo waydiisay in aabaheed uu qubi jiray bah kale aan iyaga aheen markii ay soo xaqiiqsatay Ifraax way suuxday, goobtii ayaa isku badashay murugo dhextin walaac iyo arin lala yaabo.

Hadaba hadii aad tahay qof isticmaala facebook iska hubi qofka aad xiriirka la yeelaneeso waxaa laga yaabaa in uu yahay qof walaalkaa ah ama qof kale adiga sifiican kuu yaqaana, hubso inta uu san jaceylka dhab kuu galin, ka taxadar in ay ku qabsato qisadaan oo kale.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Free counter and web stats