Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Ku Soo Dhawaada Website-ka Hassan Sidow Ibrahim Maxamed

Qeybta Caafimaadka Diini  Ahmiyadda  Cibaadada Salaada Sheekooyin Jaceyl Jaceyl Arimaha Bulshada Guurka  Talooyin Qisooyin Jaceyl Kororso Aqoontaada Salaamaha Jaceylka Calaacal  Geeraaro 

Sheekooyin Jaceyl

SHEEKADAAN WAXAY DHAXMARTAY   FARXAAN IYO FARXIYO

Qeybtii 1aad

Waqti casar,ah oo ah waqtiyada jawiga magaalada muqdisho uu ugu wanaag sanyahay oo ay cadceedu kuleyl keedii badnaa deysay ee ay neecaw macaan oo nafta urooni jirto ayaa waxaa albaabka guriga Farxaan soo hormarey farxiyo,iyadoo uu farxaan waqtigaasi meesha kula haa saawayey dhalin saaxiibadiis ah,Farxaan ayaa durbadiiba jaceyl aragti ah saameeyey,oo isha laraacey farxiyo ilaa ay kalibidho oo uu barteeda ujeedi kari waayo.isla markiiba Farxaan oo is heyn la, ayaa waxaa uu ku heesay heestan  oo yiri  Qacdaan ku arkeybaa caashaq daran leygu qoob falaye qudha adiga mooyee majiro ruux kaloy qabane.Waxaa arintan farxaan qabsatey layaabey  dhamaan saaxiibadii lafadhiyey meesha oo uugaarahaan ka dhexmuuqdey c/risaaq oo si lamafilaan ah ay ku noqotey oo su,aal la soo boodey oo kuyiri  walee Farxaanoow lagu haleel ee xagey qoontan kaasoogaartey markaabuu farxaan kujawaabey miyeydaan arkeyn inantii sineyd ee sida hilaaca ina hormartey  oo maskaxdeydo odhanba jiirtey. Tola,ay aloow yaa mar kale halkan soomarsha intaasaa iminka iyar daweyn laheyde.Ooma intaa ookeliyaad kuqaboobi laheyd waxaa dhaafsadey C/risaaq  maya saaxiib ee waxay ii noqon laheyd indho doogsi oowaan isku yara qancin lahaa.Naftan ololka kabaxayo qoran darteed.Maalintii Farxaan oo niyada aad u kacsan tahay oo su”aalo is weydiinaya ayey dhamaatey.Markii lagaarey maalintiilabaad ayaa waxaa uu farxaan latashadey saaxiibadii oodhan gaar ahaan waxay aad iskugu dhawaayeen c/risaaq oo ayan marnaba kala hari jirin  farxaan markii uu saaxiibkii c/risaaq si hoose ula tashadey oo uu ku yiri saaxiiboow aniga farxiyo la,aanteed manoolaan karo ee waxaad igala shaqeysaa si,alaale iyo sidaan farxiyo ku heli karo Farxaan markuu intaas yiri ayuu heestan raacshay oo uu yiri Qof jaceyl derderay dad miyuu maqlaa dabeylahaan udiraa fariin diiqoo ciyaayaan deydayaa wetkoon idilin waanan deyn karey.C/risaaq ayaa amakaag dhabanada laqabsadey oo ku yiri farxaan gabadhaasi saaxiiboow waalaguu yaqaane dhibtan badan ee ku heysata iska kala yaree ee naftaada kheyr u sheeg anigaa aqaana gabar saaxiibadeed ah oo aaney waxba ka diideyne farxaan ayaa ku jawaabey kheyr ayaabad sheegeysaaye saaxiib adigaa iga wakiil ahe arintan dhamee adigaan kuu xilsaaraye  
  Dib u laabo
Qeybtii 2aad

c/risaaq oo saaxiibkii labalan sanaa sigaar,ahna uga fakarayey oo go,aan ku gaarsanaa inuu saaxiibkii waxla qabto ayaa waxaa uu  u soo dhaqaajiyey waqti uu isdhihi karey waadka heli kartaa guriga Farxiyo saaxiibadeed eeyeysan maanta kula dhaafin ayaa kasoo jaqaafiyey gurigii uu markaas deganaa ,nasiib wanaag waxaa maalintaas guriga joogtey sucaad oo ah farxiyo saaxiibadeed iyada oo keliya balse gabdhaha soomaaliyeed keli hadaad kuhesho war kama wada bogan kartid waayo waalidkey sidaran uga baqaan oo waxay isleeyihiin maxaa ninkan guriga keenay adigoo keligaa jooga isla markiiba waxaanan hadal fiican halkaa ka helin c/risaaq oo war waxaa loogu soo koobey wax kastood I weydiineyso anigaa ku soo wacayee isii telfoon  balse taaba ugama darin ee wuxuu siiyey Telfoonkii sii oo wuxuu yiri abaayo sidhaqso leh ii soo wac hadaad awoodo isla maanta ,iyana waxay u sheegtay inay galabtii school private  ah oo English  kabarato oo ay u heli karto waqti balse hadeer ay familkeeda  kabaqeyso oo aaney waqtiba u heyn iney nin kula hadasho.c/risaaq wuxuu yiri abaayo waan iska baxayaa si,aadan u dhibaatoon ee gurigaan kugu sugayaaye ha,ii goyne isoo wac waabalan xitaa hadey kaa fursanweydo waankuu imaan ayey u raacisay c/risaaq oo aad u farxay ayaa albaabka ka soo baxay ooy iri abaayo aad ayaad u mahadsantahay.isla galabtaas markii la gaarey waqtigey sucaad school-ka  aadi jirtey ayaa waxaa yimid hooyadeed xibilo oo ku tiri maandhooy waalagaarey iskuulka waqtigiisiiye  orodoo iskuulkii qabo.sucaadse galabta iskuulka dan kama lehee waxay rabtaa iney wiilkey labalantey marka hore wacdo.waxay soo aadey iskuulkii markey in mudo ah soo socotey ayaa waxaa ay ku leexatey guriga saaxiibadeed maryan oo ay isu raaci jireen barayfitka markey soogashey oo ay maryan bariidisay ayaa waxay hadal uga bilowdey saaxiibey Telfoon kaaga ma,isticmaali karaa in aan qof kawacdo xitaa isagaa isoo wacayee hadaan ku,iraahdo waayo wadada nin kalama hadli karee oo waan ka qajilayaaye mataasbaa la,isweydiiyaa ayey maryan ku jawaabtey .mahadsanid ayey sucaad u daba marisay oo waxay qabsatey Telfoonkii   Halo Halo ayeyey tiri waxaa kaqabtey c/risaaq ah oo si,aad iyo aad ah usugayey ookuyiri ma sucaadbaa haa ayey tiri aad ayaad balanta ugu wacantahay walee ee ii waran macaan  ayuu isna dhaafsadey waxay ku tiri walaal iskuul ayaan u deg deg sanahaye ii dedeji hadalka ee maxaadaran .wuxuu isna ku jawaabey abaayo waxba madarna balse adigaan dano gaar ah oo adiga mooyee aysan cidkale waxba kaqabankarin kaasooyeeshay eebalwax igala qabo waxaa jira inan saaxiibkey,ah oo u dhimanaya gabar saaxiibadaa ah oo layiraahdo farxiyo anigana waxaan ku iri anigaa aqaan gabar ay saaxiibo yihiin oo welibana aan isku wanaagsan nahaye anigaa waxkula qabanayee isug isna wuxuu iigujawaabey waayahay ee walaaley inan kaas dhibaateysan dhibtiisa wax igala qabo iyana waxay ugu jawaabtey walaal taas dhibaato malahee aniga igaga seexo inaan gabadhaas warkaaga keeno xitaa aan idiin balamiyo waxay afkeeda idiinka taraahdo si,aad u aragtaan.Mahadsanid ayuu ugu jawaabey waxayna u sheegtey inay caawa soo maridoonto guriga farxiyo oo ay waxoo dhanba u sheegi doonto.waatahay nabadgelyo waa inoo markale tlf ayey isa saartey. Oo waxay aadey iskuulkeedii waxay hore isu sii raaceen maryan sidii caadada u,aheyd intey wadada sii socdeen ayey sii sheekeysteen waxay kawada hadleen c/risaaq iyo waxa uu yahay waxay ku tiri naa wiilku kumuu ahaa muxuu serabey waxaa u jawaabtey sucaad oo ku tiri wiilka wiil ay saaxiibo yihiin ayaa waxaa uu jecel yahay farxiyada aynu saaxiibaha nahay waana uu ka baqanayaa inuu iyada warka ka bilaabo waayo iyada aqoon iskuma laha  oo aniguu ii soo marey oo uu iyaqaan markaabaa maryan waxaa kalooy weydiisay naa wiilka isga qudhiisa maxaasbaa,maya ayey ku jawaabtey oo miyeydaan labadiinaba isku fireyn kareyn mustaqbalka markaa ayey iyana dhaafsatey hadeer taas looma jooga,e wax igalaqabo arinta farxiyo ayey taagantahay ana taas ayaan inata ka raankeyga ah wax kala qaban.ok ayey ku tiri ,waxaa kale oo ay u raacisay caawa waqti hore ayaan ka  soo tegayaa iskuulka si,aan u helo waqti aan ku soo maro guriga farxiyo waayo wiilka aad ayuu u dhiban yahay oo qof jaceyl la qafiifsan ayaa ka sugaya jawaab ee waa inaan caawa war uga keenaa farxiyo ayey ku tiri  waatahay ayeey maryan ku jawaabtey. Iskuulkii ayaa la soo gaarey markii iskuulkii u bilowdey casharkoodii ayaa sucaad waxaa ku furan mowjad oo muraal uma heyso maanta casharka socda markuu mudo socdey ayaa waxay kutiri macalinkii macalin maanta meel ayaan u degdeg sanahay waxaana diidanaa inaan iskuulka imaan balse ma bixi karaa saacad dabadeed si,hoose ayey u weydiisay sida iyadoo casharka erey ay fahmi weysay ay ardeyda kale u qaateen.macalinka oo reer magaal ahaa oo gartey gabarta waxa ay sihoose ula hadashay ayaa isna ku yiri haa waa sidaas iyana waayahay ayey tiri.saacad kadib ayey sucaad iskuulkii ka soo baxdey oo waxay afka saartey halkey farxiyo deganeyd waxaa galabtaas farxiyo lajoogey hooyadeed ,muxibo.albaabkii ayaa waxaa soo garaacdey sucaad waxaa waa ayo  ku yiri hooyo muxibo waa aniga ayey dhaafsatey sucaad albaabkii ayaa laga soo furey oo waxaa ay bariidisay reerkii oo waxay usoo dhaaftey qolkii ay deganeyd farxiyo ,.farxiyo ayaa markey saaxiibadeed salaantey ku tiri saaxiib maxaa galabta waqtigan ku wada madhibaataa jirta mise maxay markaabey ku tiri macaan dhib majiree iskuulkii xitaa galabta adiga dartaa ayaan uga soo tegay oo aad ayaan mixtaaj kuugu ahaa oomaxaa darnaa ayey farxiyo tiri waxba abaayooy ma,darna,ee waxaa jira wiil aad iyo aad kuu jeclaadey oo dartaa la qafiifsan oo saaxiibkii eegan kari waayey oo uu aniga isoo raadshay anigana igu kalifay inaan ku soo raadsho waxaan kaala kulmaba ee wiilkaa mar,uun malaga yaabaa inaan waqti u hesho amaba aad lahadasho oo aad wacdo waxay ugu jawaabtey saaxiib wixii adiga ku soomara muran kama taagna ee waxaan kaabalan qaadayaa inaan waqti u helayo ee aan labalamayo  maalintaad adiga iiqabato hooyana anigaa iska basarinaya saaxiibadey ayaan soo booqan oo waan soo dhaqsan ayaan ku dhihi.waxay ku jawaabtey sucaad beri iskuulkaan aadi ee saad dambe ayaan balameynaa macalinkana waankasoo dhaadhicin si,uusan ii kashifin oo ii yiraahdo  sucaad weytimide anigaa meel u direy waayo waalidka soomaaliyeed aad ayey gabdhahooda sookoraya u koontaroolaan.waatahay ee adigaan kuu imaan saad dambe maya ee guriga maryan isugu kaaya wadakeen ayey sucaad ku jawaabtey.ok ayey farxiyo ku jawaabtey.waa la kalategay sucaad waxay wacdey c/risaaq oo deganaa  degmada shibis waxayna u sheegatay inay farxiyo waxba ka diidaneyn ee ay kula balansantahay guriga saaxiibadeed maryan saad dambe.o oay kutiri wiilka waqti ayaan siin ee ha,ii yimaado isla maalintaas.c/risaaq isagoo farxay ayuu wuxuu dhaafsadey mahadsanid kheyr ale ha kusiiyo. waxaa lagaarey maalintii dambe sucaad waxay aadey iskuulkeedii markey soo dhameysatey ayaa waxay dib isu dhigtey qadar 5 daqiiqo ah oo ay macalinka kula balantey xitaa hadey ardeyda weydiiyaan inuu u sheego ineysan fogeyn oo ay xafiiska howl u heyso iyadoo diidaneyd inla ogaado ayaa waxaa marwalba lamaqnaa maryan oo uu macalinka isku,ogaa inaysan kala harin oo ay wax wada xalinayaan.waxaa lagaarey maalintii lagu wada balamey in la,isu yimaado waxaa la,isugu yimid gurigii maryan waxaa halkaa ku wada kulmay farxiyo iyo sucaad iyo maryan waxaa go,aan lagu gaarey inlawaco c/risaaq oo uu lajoogey farxaan nasiib wanaag waala wada balamey waxaa laguwada balamey inla isu raaco meel baar ah oo lagu wada sheekeysto waxaa layimid  baar aansidaa uga fogeyn  xaafadii ay deganaayeen maryan ee degmada yaaqshiid halkaas ayaa waxaa hadalkii furay sucaad oo ujeedisay saaxiibadeed. Halkaas oo wiilkii jeclaana meesha uumarkaas fadhiyey.Farxiyo ayaa waxay kujawaabtey waad mahadsantihiin dhamaan balse wiilka ijecel iyo aniga waa in la,isu kaaya daayaa oo aanlabadeena wada hadalnaa.wwwwwwwwwwwww waxaa kujawaabtey sucaad oo tiri saaxiib taas waan kaafilaayey.waxaa halkaas kabilaabatay sheeko labo geesood ah oo u dhaxeysa maryan,sucaad iyo c/risaaq oo meel,ah iyo farxaan iyo farxiyo oomeel,ah.waxaa halkaa kabilowdey sheekadii xiisaha laheyd ee farxaan iyo farxiyo oo fool ka fool ah ala wacanaa ereyada kalgacal ee farxaan kasoo burqanayey wuxuu durbadiiba lasoo boodey macaan sideed iitahay ka waran caafimaadka dartaabaan uduleysnahay raadintaadaan meelwalba u marey saacadna adiga la,aantaa wey igu adagtahay inaan noolaado ee macaan dhibtan ha,igu ee gane wax igala qabo iyadoo kayaaban wiilkan dhididaya ee wajega istiraashka kadeyn la,ayaa waxay ku tiri bal isdeji waxba inagama halaabayaane waan isbaran doonaa sifiicane  waxna isla weyn meynee xasil waayahay ayuu ugu jawaabey waxayna usheegtey inay lasoo hadli doonto marwalba ooayna xiriirwanaagsan layeelandoonto ooay waraaqaha ugu soo dhiibi doonto saaxiibadeed sucaad hadey haleeshana ay is arkidoonaan,galabtaas labageesoodkii
Dib u laabo
Qeybtii 3aad
sheekadii laba geesoodka aheyd galabtaa halkaas ayeey ku soo afj arantay,ayadoo ay sababtey gabdhaha oo aan waqti badan heli kareyn darteed.balse hadeer xaajada meel wanaagsan ayey mareysaayoo waxaa xiriir joogto ah u bilowdey farxiyo iyo farxaan maalintey taariikhdu aheyd25kii april 2004 ayaa farxaan wuxuu bilaabey inuu qoro warqadiisii ugu horeysa wuxuuna ku bilaabey sidatan.
Macaan waxaad iga gudoontaa salaan diiran ookamacaan malbka kana udgoon waxyaabaha carfa oo dhan kana baaxadweyn beriga kana badan biyaha bada ,kana soogo,dey laab kujecel oo dartaa la walhaneysa oo ay dabeyl xoog badani dhex marmareyso oo aanan aqoon waxay hadalka ku bilowdo ileyn jaceyl ka tan badan ayaa hayee,macaan sida ugu dhaqsaha badan aan kaaga helo waraaqo isdaba joog,ah xitaa hadaad ii awoodo inaad iihesho waqti igu soo qor waraaqaha aniga waxaan jeclahay inaan sameeyo waxkasta oo aad adiga jeceshahay taas oo ay keenayso heerka uu gaarsiisan yahay jacaylka aan kuu qabo .waxaanse ilaah ka baryayaa inaad oorideyda xalaasha ,ah aad noqoto. Taas oo aan keliya naftan ku nasin karayo.hadana ku soodhawow hees yar oo qoraal,ah oo aan kugu talagaley
                         Hees
                  Nafteyda waan kuu huri lahaa
                       hantina kaabixinlahaa hagar kuuma
                       quureen halistaad igoysiyo halkaad
                          igaga taalee,hawaa dhalisa caashaquye
                           hiyigu raacid baa keenta geerida  eeee
                          kuhortimaad raga iyo haweenkuba midna
                           heybad mayeesheen kan kaloon laheynine.

macaan waxaan filayaa heestan yar inay kaaga filan tahay wax u sheegid ee aan kaa helo jawaab deg deg ah.   Galabtaas farxaan wuxuu isku deyey inuu sucaad waraaqdaas ugu dhiibo farxiyo isagoo aanan guriga sucaad tegi kareyn ayaa waxaa uu go,aan  kugaarey inuu dhexda ku sugo markey school ka soo aado galabtii si,uu ugu dhiibo.ileyn qof danleh madaalee isagaa naftiisa inuu dhibo ugu tala galey.Nasiib wanaag wuxuu helay maryan oo school ka galabtaas ka baaqatey oo iyaduu ugu dhiibey si degdeg ah ayey farxiyo ugu geysay,isla markiiba farxiya ayaa waraaqda furtey mise carafta warqada ka soobaxeysa ,ayaaba farxiyo wax walba kala darnaadey oo waxay gaartey heer ay warqada carafsato mindhaa wuxuu dhexgelshay istiraash uu sidaran barfuun aad u caraf badan inbadan marshey oo uu ugu talagaley gabadha ha jecleysato carafta warqadaada iyo isagoo ay intaas udheerayd qoraal qurux badan oo uu lahaa oo aanan isha laga qaadi kareyn ,oo qoraalkiisa hadba nooc u qorayey,iyo weliba heesta macaan ee uu tiriyey.galabtaasi farxiyo iyana waxaa ku bilowdey inay koontaroolkii lumiso oo ay  kun jeer warqadii dib u aqriso iyadoo saaxiibadeed u sheegtay inay waceyso caawa  iyadan u mahad celisay oo ku tiri waad ku mahadsan tahay sidaad warqada iigu soo gudbisay.
Farxiyo waxaa ay ku talagashay inay farxaan wacdo waxay sooqabsatey telefoonkii oo waxay hadalka ku bilowdey  halo halo ma farxaanbaa ii waran amoore sideed iitahay ,isna wuxuu ku jawaabey aad ayaan u ladnahay waadku mahadsantahay soo wicidaada  ee mawaxaad heshay warkeyga iyana haa ee aboowe waxaan aad ugu farxay ee isoo jiitey warqadaadan quruxda badan ee aad iisoo qortey waxaa intaa iiga daran carafta ka soo baxeysa mindhaa adigaa kasoo dhexcarfaya,aboowe waxaan kuu sheegayaa soomaalida waxay tiraahdaa wax kujecel hadaad katagto wax ku neceb ayaad la kulantaa marka adigoo sidan ii jecel oo asaagey ah oo ilaahna maalsiiyey oo igeynkara waa inaan ku garab istaagaa hadalbadana haan mabuuxsho bada anigaba waan kugula jiraa eeiga dhegeyso heestan oo aan telefoonka kaaga qaado.
         Hees
                       cirkusagalka cirkusagal cirkusagal daruureed
                   subaxii uuleeyahay waxaa lagasugaa waa
                saadaasha roobkiyo xili seermaweydee
                   inaguna sed iyo calaf iyo si,ale mooyee
                kasal gaarney caashaqa ,kasalgaarney
           caashaqa ,sanqashaduna waahadal
          hadana waa sigooni ah wacanoow
                   waxaan sidaa kalgacal aan kula sugaayee
    naftan ma,isku sidignaa.
Farxaan isagoo aad u farxay ayuu aax yiri oo uu ku dhawaaqey mahadsanid ilaah ayaa mahadleh ee macaan xili iiqabo aan waalidkaa kaa soodoonto iyadana waxay ku tiri waqti alaale iyo waqtigaad rabto xitaa hadey waalidkey ii kaa diidaan anigaa ku raacaye balse adiga aqiyaar badan soo kaxeyso si,macquul ahna ku,imoow una sheeg inaan aniga wax kula wado,si,ay arinta kuugu fududaato.
  Dib u laabo
Qeybtii 4aad
waxaa farxaan uu arintiisii u sheegtey waalidkiis oo uu sigaar ah uu arimahiisa oo dhan ugu sheegtey hooyadii waayo hooyooyinka soomaaliyeed majecla in wiilashooda dookhooda loodiido,waxayna isku dayaan inay waxba awood laharin siduu wiilkooda ku helo mida uuj ecel yahay ,farxaan wuxuu hooyadii ku yiri hooyo bal Aabana waan u sheegiye adiga igala hadal Aabe ee yuusan arinteyda iga diidin.Iyadana waxay ku tiri hooyo gabdhaha sanadkan joogaa isku haleyn ma galaane gabadha managa hubtaa aabe anigaa ku filanoo waxba iga diidi mahayee,haa hooyo farxiyo haka welwelin waalidse wuxuuqabo aniga ma garanayo balse waxay igula balantey hadii waalidkeed iidiido iney iraaceyso.waa wax fiican hooyo balse waan u duur xuliye ii yar kaadi hore ka doonan meynee waa intaa soo waalidkeed meel larabaane hadeynu ogaano inaan meelkale loowadin waan doonaneynaa hadii meel lagu wadana waan lacarareynaa sida maanta jirta waayo banaanka la,isuma soo wada saaro waxaad rabto oo aduunyada maanta hooyo sidii hore ma,aha anagana sharaf beel madooneyno oo dad waa weyn oo la soo ceyrshay waa ceeb gabadha hadey ku,ogoshahay reerka keen oo waan wada sheekeysaneynaa xitaa darteed uqaado baabuurkaada oo usahal marwalba oo ay ku balamiso si aysan cidooda u fahmin iney meelkale aadey ileyn inagaa u baahane,anigana laga bilaabo saacadan waxaan isku deyayaa inaan soo ogaado waalidkeed ula jeedada ay kadamacsanyihiin.xitaa waxaan aqaan deriska ugu dhow farxiya reer kooda oo aan igana shakiyeyn wax kastana weydiin karo,ee hooyo ii dul qaado wax inaadan waayin ayaan kula rabaaye,Amran oo aheyd farxaan hooyadii ayaa waxay dhexda marada ugu xiratey sidey wiilkeeda gabadha uu rabo u hubin laheyd iyo weliba sidey waalidka farxiyo u la jeedadooda u ogaanlaheyd ,nasiib wanaag waxay taqaaney Raxma cali  oo aheyd deriska reerka farxiyo oo ay si,aad ahna isku xog ogaayeen,amran waxay soo booqatey raxmo oo ay salaan iyo is xogwarsi kadib waxay usheegtey inay maanta ugu timid inay wax uga sheegto gabadha ay deriska yihiin ee la yiraahdo farxiya oo uu wiilkeeda farxaan jecel yahay iyana ayrabto bal jaceyl iyo doonitaan hadam beeyee gabadhaas waxa reer kooda ladamac sanyahay iney ogaato si,ay uga guul gaarto.Raxmo waxay si hagar bax ah wax ugu sheegtey iyadoo aan waxba ka qarin in gabadha lala rabo wiil ay ilmo abti yihiin oo xagaa iyo mareykanka ku maqan balse uu xagaaga imaan doono oo iyana aysan ka war qabin oo uu waalidkeed bixiyey loona sheegidoono markuu wiilka yimaado hadaad soo doonataana war maba jiro oo waalagu mehrin idinkana xaalkiinu waa diidmo ,ee ha,isku deyina taas ee la baxsada gabadha kadibna sabeyn sooxira mudo dabadeed taas uun baad ku guul gaari kartaan hadeerna cidi idiinma oga ee ha,is kashifina oo yaanan gabarta habeen la,idiinka sooceshan ,waxaa wari _wari ku jawaabtey Amran oo tiri miyaanan waxgarad aheyn waxan oo kale waan iska filaayey balse waxaan isku deyi inaan wiilkeyga gabadhaas usoo xero geliyo,ee raxmooy walaaley yaanan lagaa maqlin weligaa inaan gabadhaas anaga lamaqan nahay hadaan calaf ku yeelano.Amran waxay ku laabatey gurigeedii iyadoo aan cidkale ka warheyn oo ay keliya is og yihiin wiilkeeda,waxay jawaab cad ula timid wiilkeeda oo ay ku tiri hooyo doonis warkeeda majiro eegabarta raadi oo waxaan soo ogaadey in wiil walaalkeed ah oo la yiraahdo khadar xasan oo mareykanka 8 sano ku maqan inlala rabo oo lasiiyey iyana aysan waxba ka ogeyn oo xagaaga la,aroosi doono ,waxaana imaanaya wiilka la siiyey.Ee maxaa talo,ah?! Ala hooyo caqli badnidaa waxaa yiri farxaan dhib malaha waxaan warqad u qorayaa farxiyo oo waxaan u sheegayaa arintoodhan ka dib iyadaa ila balami doonta oo waan israaci doonaa haduu eebe ka dhigo.Farxaan wuxuu hooyadii ku yiri hooyo bal aabe wax ha usheegin ilaa xaalka ka hagaago.waa waxaas waxaan kuulahaa hooyo hana ceebeyn oo haadaan hanaga tuurine sidaad gabadhaas ku hesho anigaa aqaane waalidka waqtigaan joogana markaad gabar kadoonato dhakadaas ayey isa saarayaane qabiilkana lafahuu ka galey oo hadba waxay raadshaan midka ugu dhow si,inay jano ku gelayaane,danahaagaa ladhameystaa naag markaad jeclaato iyana ayku jeceshahay hadhow hadii gabadhooda laqabana wax ayku oran karaan ayaaba iska yare waaney ku qasbanyihiine orodoo hooyo macaane waad duceysan tahaye waxaad u baahatana adigaaba furaha hayee labaxoo yeysan kaafakan gabadha,talo adiga iyo raganimadaada.Farxaan waxaa uu ku talagaley fool ka fool inuu farxiyo u helo oo uu si,alaale iyo siduu ku heli lahaa falkeeda qabto waxaa uu u soo dhaqaajiyey guriga farxiyo isagoo aad u nasiib badan markuu isku dayaba meeldhaxe ayuu ka helaa wuxuu kahelay guriga maryan iyadoo galabtaas maalin joog aheyd.wuxuu war uga bilaabey macaan waaba lagu bixiyaye maxaad isoo doono ii tiri oo yaala,isiiyey waxaa lagu siiyey wiilka abtigaa khadar xasan majiraa horta wiilkaas haa ayey tiri wiilkaas wuu jiraayoo mareykankuu deganyahay hadaba ninkaas ayaad u joogtaaye waran xagaaguu kula aqal tegiye waa gabar oo halaga qarsho ayey waalidkaana go,aan ku gaareene maxaa inoo talo ah.haba ley baxshee miyaa la,imehriyey ayey ku dhawaaqdey maya ee isagaa la sugayaa ayuu isna ku jawaabey,waxay iyana kuj awaabtey gabadha la baxshey hala aroosiyo hadiiba la,arkee soo diyaar garow imin kadaas ayaan ku raaciye saaxiiba deyna gurigeenaan aadayaa ayey igu tiri ku dheh ayaan lee yahaye oo iyada war laga helimaayee inawada dhaqaaji kaa harimaayee waxaan qabaneynaa cali subixii  oo waa inaan muqdisho oodhan ka tagnaa oo aan jabuuti aadnaa,waayo hadii la,isoo helo waa dhibaato.Farxaan wuxuu soo kaxeeyey farxiya oo wuxuu keenay bakhaar ay kulahaayeen bakaaraha lacag ayuu ka qaatey kadibna diyaaradii ugu horeysay ayuu jabuuti u saarey hooyadii ayuu arintii u sheegay iyana wey alalaastey uluuu uluuu uluuuu nin rag ah iska dheh ayey tiri.Farxaan iyo farxiyo waxaa ay diyaaradii sidey caga dhigatey jabuuti,iyagoo aan cidkale waxba ka gelin waa ay isasoo mehersadeen oo waxay degeen hoteel aad u sareeya oo waxay galeen nolol aad u macaan oo aan lagafaaloon karin oo qof waliba  waxaa uu halkaas ku ilaawey diiftii heysay,hadaladii macaanaa ee la isdhaaf sanayey waxaa ka mid ahaa macaan maanta maku hayaa ilaahbaa mahadleh farxaan oo ilmeynaya haa xabiibi ana makaankooda u soo dhaafayoo meel iiga macaan aan helayoo maankeyga uroon.nolol laba shub ah ayaa ay ku jiraan farxaan iyo farxiyo maxaase heysta reerka farxiyo!!!!!
         
      
Qeybtii 5aad
waxaa Farxiya reer kooda soo wajahay welwel farabadan oo ay leeyihiin alla aawey gabadheeni halkey ka baxdey, tolow madhimatey mise mooryaanta xamar ayaa xareysatey.markey meel kasta ka raadsheen oo ay warkeeda waayeen ayaa waxaa ay  go,aansadeen inay bal ka war sugaan ilaa bil iyo labo iyagoo ka cabsanayey inay gabadhooda baafiyaan oo ay beri ka maalina iyadoo socota timaado.Farxiya iyada waxaasba shaqo ku malaha oo maanta waxaa ay noqotey gabar xaas ahoo ninkey jeclaydna heysata cidkale iyada maba ay aaminsana waxbey kaaqaadi kartaa waxaa jirtey maah maah soomaaliyeed oo oraneysa NAAG AMA RAG HASAARNAATO AMA RAGRAAG HASAARNAATO calshaan meyd ha,ahaato oo hasaarnaato naxash.waa un labadaa marka hadeer iyada best ayeyba utahay.
                                                                  waxa kaloo isna layaaban halka uu wiilkiisa qabtey odey jaamac oo ah farxaan aabihii wuxuu su,aalo weydiiyey amran oo xaaskiisa ah oo ay farxaan is xaal ogaayeen ,jaamac wuxuu amran ku yiri heedhe mee wiil keeni maxaa loola,yahay weligii muusan ka maqnaan reerkee maxaa helay,war maka heysaa ,aniga war kama hayo balse wixii daran waa la maqlaa durbadiiba,e wax daran majiraan sidey ilatahay waxani waaragoo meeshuu doonuu iska aadiye weligii ma reerkuu kuu dhex fadhiyi wiilka laabtaada haraacin wuu imandoonaaye kheyr unbuu lamaqanyahaye.Waatahay waala,arkidoonaa ayuu isna ku jawaabey.Farxaan iyo Farxiyo iyagoo labadoodaba laga yaaban yahay maqnaasha hooda iyo waxa haleelay ayaa iyana jaceylka ay isu qabaan ayaaba waxaa aysan gaarikarin maalin aysoo laabtaan inay go,aan gaaraan oo waxaaba umuuqata inay weliba xiisahoodii kala bogan oo dadkaasi hadey ku laabtaan ay rabshayaan labadooduba waxay aaminsan yihiin inaysan soolaaban ilaa waqti balse labobilood kadib ay waalidka farxaan wacaan oo ay ku yiraahdaan reerkii kale hala raali geliyo waayo farxaan buuq madoonayo miro gunti ugu jirana ma,uurabo inuu halkey ka soobaxeen kula gorgortamo ileyn hadeer wuxuu hubuu heystaaye hadii waalidkii looyimaado amiirnida uu hadeer qabaa yaraaneysa.Farxiyana reerka waaba kabaqeysaayoo madooneyso reerkeedoon raalinoqon inay soolaabato.
 Nasashaaba ay kujiraan hadeer farxiyo iyo farxaan oo keliya waxaa aysoowacaan hooyo amran oofarxaan hooyadii ah waxaana ay u sheegeen labo bilood kadib inay reerka soo sabeyn xirto balse hooyo amran ayaa ku tiri hooyo sidaa ma wanaagsana waxaa laga yaabaa inhabaar ina soo gaaro idinka meeshiina iska jooga anigaa reerka u dad ka xeysanaya oo raali gelinaya waxaanad imaaneysan idinkoo aanla,idiin careysneyn ee cabsida iska daaya.Farxaan iyo Farxiyo waxay yiraahdeen waatahay hooyo hadaad sidaas garatey oo aaney dhibaato nooga imaaneyn waa waxfiican,balse aabe jaamac noobalami aan soowacnee isna waayahay ayey ku jawaabtey waxaa yimid odey jaamac ,Amran iyadoo war la sugeysay ayey waxay hadal uga bilowdey Jaamacow kheyrbaan maanta kuu hayaa waxaa soo hadley wiilkaada Farxaan wuxuuna igu yiri waxaan labaxsadey gabar oo aan mehersadey oo aanku la noolahay jabuuti,taana waxaan u sameeyey anigoo gabadha kala baxsanaayey rag kale inay oori u noqoto wuuna ku soo wici doonaa caawee bal yar sug oo hakategin ,Jaamac wuxuu kuj awaabey rag walee inuu igu banana yahay,oo meel xun kama soobixin nin rag ka boobaya inan ugub ah ,waa arin lagu farxee inanta waa ina ayo? gabadha ma fogee waa ina maxamuud cali seed,oo waa inaan iminkadaas u dad raad sanaayoon reerka ,welwelka ka soo bi,inaa.taas khasab ayeyba nagu tahaye bal caawa markaan wiilka wada hadalno ayaan raadsan qaraabada oo aan dhihi meesha hala,iga tiiriyo.waxaa lagaarey waqtigii Farxaan hooyadii aybalamisay waa uu soo wactamey oo waxaa ka qabtey aabihii oo ku bilaabey mabruuk aabe macaafi maad qabtaan adiga iyo gabadhaada haa aabe macaane aabe ilaahey kheyr ha,iskaga kiindhigo waxba ha baqin aniga waan ku farax sanahay guurkaada waxaan idiin hagaaji nayaa guri aad u wanaagsan reerkana waxaan u tegi ,beri galab oo waan soo qancin waxaana idiin dhigi aroos cajiib ah ee dhaqso soolaabta xaas hadaad yeelato aabe xamaalashaa lagaa rabaa sidaas talo ma,aha aabe soo laabo oo reerka u shaqeyso iyadoo raali lagaaga yahay oo laguu duceeyey aabe xeradaada inay kaa oloshoo lagu habaaro ma doonayo sida ugu dhaqsiinyaha badan beri markaan reerka raali geliyo labo maalmood gudahooda ku imoow,gurigiinana waxaan ku diyaarin haduu ale kadhigo laba maalmood gudahooda ,gabadhana dahab wanaagsan oo lala yaabo ayaan u,iibin oo iyadoo qurux badan ayaan reerkooda ku celinaynaa.wwwwwwwwwww waxaa yiri farxaan  oo aad ugu riyaaqey hadalka aabihii.odey jaamac waxaa uu subaxdii dambe u tegey odeyga kaaba qabiilka ,ah ee ay beesheeda kadambeeyeen iyo intii soo raaci kartey oo tiro ahaan dhan 15 qof waxaa uu u sheegay inay reerka farxiyo ay lasoo raali geliyaan oo kaaba qabiilku hadlo oo uu lacag baxsho oo reerka sabeyn ku xiro oo uu u sheego in gabadhooda ay dhankan kaabaha kumaqantahay ooay raalinoqdaan wax alaale iyo wixii xeer soomaali,ahna  uu raali ku yahay inuu bixiyo.reerkii farxiya iyagoo farxay oo aad ugu farxay gabadhooda lahelay ayaa waxay gudoomeen raali gelintii waxayna yiraahdeen yey ku maqan tahay gabadheena ,odeygii beesha ugaaska u ahaa ayaa yiri odey jaamac wiilkiisaa labaxay,oo isagaan raali gelintan ka wadnaa  waa kheyr,ee halkey joogaan hadeer labadooda waxay jiraan jabuuti oo waa ay baqeenoo halkaas ayey ka dheceen labadoodaba,markey dhowr maalmood maqnaayeen ayaa odey jaamac oo isagaba welwelsan lasoo wacay ,jaamacna waxa uu dareensanaa inay xuntahay oo idinkana sidii soo kale iyo ka daran aad u welweleysaan marka wuxuu go,aan ku gaarey inuu idiin qaboojiyo oo uu idiin maslaxo sida dhaqanka iyo caadada soomaaliyeed ah.reerkii waxay yiraahdeen raaligiina jano anaga raali waan nahay eebal caruurta baqeysa soolaabta kudhaha jaamacna wuxuu u sheegay labo maalmood kadib ineysoolaaban ayaan oo aroos wanaagsana ladhigidoono maalinta sadexaad,haduu ale idmo.maxaa meeshii iswada gacanqaadey oo is wada salaamey labadii reer ee ay farxiyo iyo farxaan ka dhasheen waxaa lacag yarad ah lagu doonsiiyey reerkii farxiyo waxaana la,isumarey faatixada oo waxaa labalamey maalinta sadexaad oo aroos ladhiganayo oolagu qabanayo  guriga ay farxiyo kad halatey.waala,isa soo macsalaameeyey oo waala soo kala tegay.odey jaamac wuxuu wacay farxaan oo wuxuu us heegay inuu soo baxo labo maalmood gudahood ku soo galo muqdisho si gabadha reerkeeda ,ugu soo duceeyaan oo loogu geeyo aqalka iyadoo raali laga yahay,farxaan wuuka ogolaadey aabihii aabihiina waxaa uu u sheegay in reerkii uu soo raaligeliyey oo caawa calool fiyoobi ay ku hurdaan oo uu wanaa jiyey oo uu lacag sooryo ahna siiyey.farxaan ayaa aabe mahadsanid ku jawaabey oo yiri aabe waabalan saad dambe waan kula joognaa oo adiga farxiyo reer kooda gee si,ay u qancaan saa kuuna inshaa allaah waa inoo aroos cusub iyo gurigeygii runta ahaa. odey jaamac ayaa yiri salaama aabe telefoonkiina wuu isa saarey ileyn howl badan baa sugeysee,farxiyo iyo farxaan farxadii baa kabadatey,farxaan durbadiiba hees ayuu lasoo boodey oo uuyiri
                                 HEES
                          dulqaadkeygaa badnaa
                          deganaasho aadan lahaa
                           inagoo iskuduuban iyo
                          ducada waalidkeen iyo
                          deeqdaa rabi baa lahaa
                          damaashaad ila cayaar
                          damaashaad  aa  aad
waxaa dhunkasho kula sooboodey oo habsiisay farxiya oo aad u jecleysatey heesta macaan ee uu amooraheeda ku cabirey niyadiisa ,habeenkaas kamaba sheekeyn karto cid aanan jaceyl soomarin
Qeybtii 6aad
habeenkaa oo farxadweyn u lahaa FARXAAN IYO FARXIYO ayaa waxaa ay FARXIYO iyana dhaafsatey ereyo macaan ooay kamuuqato jaceylka ,aadka u tirada badan ee iyana dhankeeda u qabto FARXAAN, iyadoo tiri  _    NOLOSHEYDA AAYAHA KASOKOW ILAAHEY ADIGAA ADIGAA MAS;UUL KA;AHEE:taasoo farxaan ku beertey filanwaa oo uu sadex ilaa afar jeer wejiga u saarey wejiga farxiyo isagoo hadba ku noqonaya oo aan moodin inuu saarey wejigiisaba halkaasoo markuu wejiga ka sooqaado farxiyaba uu madaxa ruxo oo uu ilmeeyo,eesh calaa jaceyl iska dheh.iyana ay tiraahdo heedhe dhibaato inama heysatee ana waa ikane iska daa ilmeynta arooskeenii saldhigaye sidaa ku daroo lasoco ee ilow diifta,jacaykeenu hadeer wuxuu ku jiraa guri dahab ah ee la soco.Farxaan waa uu qancay oo wuxuu bilaabey inuu ilaabo huqda badan ee uumarba soo goconayo oo uu jaceylka ku beeray.wuxuuna ku tala galay sidey balantu ahayd iney soo baxaan isaga iyo xaaskiisa,halkaasoo odey jaamacna uu ku jiro qabanqaabo guri hagaajin ,reerka farxiyana aroos u diyaargarow iyo dad wictaan iyo meeshii xaflada lagu qaban lahaa oo la hagaajiyo.dhamaan dadkii oo heegan ku jira ayaa waxaa soo degay farxiyo iyo farxaan si,aad uquruxbadan ayaa loogu soodhaweeyey guriga qoyska farxaan.kadibna waxaa habeenkii ay ku hoyatey farxiyo reer koodii oo u xiiso qabey hadalkalesa aanan u furin oo soomaalida waxay tiraahdaa walaashaa iskuma hubtide seedigaa ha coleysiisan.oo waxay xigeen wanaaga qaban qaabadoodii ayey meesha ka wadeen oo waxaa bilowdey subaxii dambe arooskii oo aad loosoo abaabuley oo laga wacay fanaaniin farabadan,si aad iyo aad uqu ruxbadan ayuu u dhacay arooskii farxiyo iyo farxaan gurigoodii runta ahaa ayaa lakeenay,iyadoo lagadaba mashxaradayo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka habeenkaa looma kala harin ,walasaqada,dhaantada,buraanburka,guuroowga,jiiftada,saarka,kabeebeyda,suruwga,iwm,waalawada ciyaarey .halkaasoo nolol macaan oo aayatiin leh oo waalidka labada dhinac raali,iskaga yahay oo aan ale mooyee cidkale laga cabsaneyn lagaley, waxaase dhibaato layaableh qabsatey farxiyo ina abtigeed oo hore farxiyo loo siiyey  isagana niyeystey oo isku rikoor gareeyey oo islahaa waad la,aqal geli doontaa ,hase yeeshee aan helin mowqifkiisii oo calaancal lasabeynaya oo matadana ka,go,ay oo aan aqoon wuxuu sameeyo,hooyada farxiyana waxay ka xuntahay dhibta heysata wiilka ay habar yarta u tahay oo waxay go,aan ku gaartey inay gabadha farxiyo ka yar u,aroosiyaan oo ay ku qanciyaan wiilka si,uusan isula hadlin waana ay ku mehriyeen oo waxay yiraahdeen labada gabdhood waa iskumid tan ayaaba siidhalin yar ee maandhoow ku deg oo ha,is ciil kaambiyin naag kula tol ma,ahee isna waa uu ka yeelay isagoo diidanaa inla yiraahdo gabadhii uu doontaa laga guursadey oo waa uu baaqdey guurkiisii ileyn ceebta waa wax laga dhintee habeenkaas wuu qancay wuxuuna yiri ana meher hala iidhigo oo hala iisooduubo xaflada dibna hala iigu soodiro,waxaana laga balan qaadey intaas loo sameynayo balse uu isbuuc sugo si,todoba baxa farxiya iyo meherka canab la,isugu daro oo hal mar loogu duubo isna wuu ogolaadey    
   
Qeybtii 7aad
Waxaa la gaarey todobo baxii Farxaan iyo Farxiyo waa maalin si weyn loo sugayey oo waxaa soo banaan baxay labadoodii Farxiyo oo cilaankeeda aad moodo inayba aqal gelin ayaa soo banaan baxdey waayo odeygeeda Farxaan wuxuu aad uga fekerayay inuusan cilaanka sharaxaada ah kabi,in waayo wuxuu ogaa inay todobada dadka hor imaaneyso markale isagoo taas ka fekeraya ayaa uu si,aad iyo aad ah ugu diidanaa inay gacmaheeda wax ku qabato ama ay alaabta ku dhaqdo,waxaa intaasi u dheeraa isagoo geeyey koofeer casri ah oo si wanaagsan timaha loogu soo sameeyey,waayo wuxuu heystey waqti fiican oo galabtii ayuu reerkooda geynayey farxiya halkaa soo uumeher ka jiro iyagana sigaar ah isha loogu wada eegayo ,hase yeeshee farxaan wuu iska giijiyey oo galabtaas uma uusan jixin jixin.waxaa uu soo qaatey suud aad u heer sareeya iyo garafaati qurux badan oo sharaxaad fiican leh.isaguna wuxuu ahaa wiil casri ah oo ay isha aad iyo aad uqabaneysay ,dhererka raga uu ugu macyahayna leh oo dhisan oo aan aheyn nin jaabo,ah.Farxiyana si dookale waxaa ay ku lebisneyd toobaan gacmo sare laheyn oo casri ah keliya ka bilowda naasaha dushooda taas oo ay ku muu jinaysay quruxda iyo qeymaha gaarka,ah ee uu jirkeeda lahaa waayo waa gabar top ah oo u mabaahna isxir xir odeygeeda oo ku cusub ayeyna xaflad la tegeysaa,maxaa ka dhacay habeenkaas ,dadkii sidey u dhamaayeen waxay indhaha ka qaadi waayeen Farxiyo iyo Farxaan,sidey u,ekaayeen iyo weliba iyagoo si degan isla ciyaarayey marka lashido heesaha macaan oo lamaanaha ah. waxaa aad u taabatey oo uu la dhacay farxaan heesta uu qaado xasan aadan samatar oo ilaa maanta la jecelyahay xafladaha soomaaliyeedna laga wada shido oo ah
              HEES
               Damiir hal,adeygnimiyo quruxda
               lagu daahey iyo daraandar indhihii
               arkaan marnaba deymada ka daaline
               Timaha kala degay dusheediyo
               indhaha madowga leydilee
               waxaan dumar deydayoon mid iidan ah
               raadiyaba hadaan taandoonayeen
               ilaahey ka duceysan jiraye anigu farxiyo
               is helnee raboow isu kaaya daa

heestaas aadka umaceyd eemuhiimada gaarka,ahna u laheyd farxaan ayaa xaflada lagu furey habeenkaasi heesaha meesha lagu ciyaarayey ma,eysan kala dhicin inkastoo ay xasan aadan u badnaayeen soomaalidana badanaa xafladaha fanaankaas ayey u badanyihiin waxay ku xusheen mindhaa waa isku wada dookh soomaalida malaheyga,waxaa ay aheyd heesta kale sidatan----
waaqalanja yaabloo quruxdiyo ilaahbaa u dhameeyey
qaayee ileyn weyqarsooneyd,qunmarkaan u eegeen
qac indhaha ku siiyaan u qaadaa u qaadaa jaceylkee
ale igama qaadaan Farxiya nuura iidaa ,jaceylkeyga
idaa.
hadaba waxa meeshaas ka dhacay lama soowada koobikaro,xaflad aad loosoo agaasimay oo dad reer magaal,ahna ku kulmeen oo turxaan laga ilaashay ayaa halkaas kadhacdey,iyadoo welibana loogu talagaley in dibada laga daawan doono oo loo dirayey mareykanka oo uu joogey wiilka canab loo mehrinayo,dadka meesha isugu  yimid aad iyo aad ayuu uqurux badnaa muuqaalkooda guud xafladuna simacaan ayey u socotey,waxaa farxiyo lagu doonsiiyey dhamaan hadiyayaashii loogu talagaley ,todobo baxeeda ,waxaa soo gabagaboobey waxyar kadib xafladii halkaasoo Farxiyo iyo xaajigeeda ay baabuurkooda u qaateen xaafadooda inta loo sii socdey gurigana waxaa dhexda la,isku sii dhaafsanayey hadalo mac macaan, ku waasoo kuwa ka soo burqada oo caadina u,ah labo qof oo isjecel,ee hadaladaasu ma,aheyn labo qof oo jiid jiid la,isugu geeyey hadalo ay ku hadlaan.
sida waagii hore soomaalida u badneyd labo qof oo aan weligood isla hadlin
ayaa la,isu geyn jiray
waxay noloshoodana ka bilaaban jirtey isjiid jiid iyo gedgedoon aan la,aqoon dhankuu ka socdo.
Balse farxaan iyo farxiyo nolol muudsasho leh oo aan dhadhan ku koobneyn ayey dhex dabaalanayaan qofkii taasoo kale helana wuxuuba dhihi lahaa wwwwwww  ha akale yaaba igaara

Qeybtii 8aad
waxaa loo direy duubitaankii  meharka khadar iyo cambaro iyo weliba todoba bixii farxiyo iyo farxaan 
khadar ooahaa wiilka cambaro loo mehrinayey isagoo markuu cajalada helay aan sidaa ufarxin sababtuna ahayd gabadha loomehrinayey oo aad uxishooneysay iyadoo fadhiday ooaan ciyaareyn 
iyo iyadoo weliba farxiyoo isaga laga guursadey ay habeenkaas aad uqurux badneyd oo ay odeygeeda 
tango laciyaareysay khadar aad ayuu umaseyrey habeenkaas wuuna is ciil kaambiyey iyadoo raga soomaaliyeed hadey kajajabto ay ubadanyihiin inay qaadaan hees uumaxamed saleebaan qaado oo layiraahdo beeni raad maleh isna maba moodo inuu qaadey mar walba wuxuu yiraahdaa dantaa ii runsheegtee raganimo mawaayine aa ha hahaahaa beeni raad ma leh aa ha ha haa dheelalow run ma moodaye, waxaase taas kaduwan oo farxad iyo baashaal kujirafarxiyo iyo farxaan ,qaasatan farxaan waxaa ucaado ahinuu had iyo jeer heeso macaanoofarxiyo dhalaalinaya qaado sida uu farxiyo uga bartey mana aha farxiyo keligeede dumarka soomaaliyeed badankooda marka ay kushiinka kujiraan ama jikada qofba siduu uyaqaano badanaa wey heesaan maantase farxaan isagaa jecleystey in xabiibtiisa uu shaaha ugu tuuro isla markaasna hees macaan ugu dhufto heestaasoo aad umacaaneyd oo uuqaado saalax qaasim ayaa uu farxaan markuu qaadey farxiyo is heyn kari weyday oo ay inta orodey dhunkasho mac mac labada dhaban kasiisay ilmana kasoo daadatey heestuna waxay ahayd 
HADAAD DHINACEYGA JOOGTO JACAYLKA LADHUUMAN MAAYEE WADNAHA AAN KUGU DHAWEEYO DHULKII KUU QUURI MAAYEE CIRKANA KUMA DHIGI KARAAYEE ADIGAAN KAADHIGTAA MIRTA INTAAN CAASHAQA DHITEYSTO DHABTANA AAN KUGU HAYEE. 
waxay iyana iyada ooaan kadhicin dhaafsatey YARKU MUDANAA MACAANAA RAG UMAGAC QURXOONAA ALAH YAA MALYUUN JEER MAALINTIYO HABEENKII MUUQIISA DAAWADA DAAWADA 
farxiyo iyo farxaan noloshoodii macaaneyd ayay kusoo geba gabowdey sheekada iyokhadar oo xaaskiisa udacwoodey oo ay ogolaashihii usoobaxdey damaashaad iyo aroos wacana loosameeyey farxad iyo alalaas  iyo isagoo khadar uu iska ilaawey diiftii hore waayo naagtiisaa raaliyo ilaah uga yeelay oo ilowsiisay wax walba  isagu ciyaal xamar ayuu ahaaye wuxuu yiraahdaa DHALANTEED MA AHEE DHAB WAAYEE JACEYLKEYGEE DHAX MAKUUGU DHAAFEE IISOO DHAWAAWHEE DHADHANDHARAN DHANDHARARARAN ,IYADUNA WAXAY TIRAA DHAKAB ISIIYEE DHAMAANTEYBA IDHEELDHEELI ADAAN KULA DHACEE DHAKAB ISIIYEE DHARAARTAAN MA IDHEELDHEELISIDOO.     Halkaas ayey sheekadeenii sootaxneyd kudhamaatey


mabrook_11@hotmail.com

SHEEKADAAN WAXA AY KA TURJUMEYSAA JACAYLKA MIYIGA, QAABKA UU YAHAY IYO CAQABADAHA KU IMAAN KARA IYO QOF WALIBA NASIIBKIISA.

Waxay ayayd maalin qamiis ah oo ay jirto layr qaboow iyo saxan saxo udgoon badan dhirtuna miraha iyo ubaxa rabi uu ku manaystay aanay indhuhu kolna ka jeesan Karin ayaa Daahir oo dhaan wada waxa uu yimid ceelkii biyaha, deetana uu furay Ratigii oo uu bilaabay inuu darsado wadaantii, intaa kadib ayaa waxa uu arkay gabar fadhisa geed qurac ah hoostiisa oo ilmeynaysa, markaas ayuu Daahir u tagay gabadhii oo ku yiri "Maxaa kugu dhacay abaayo oo aad la ooynaysaa"? waxa ayna ugu jawaabtay "Aboowe waxaan ahay gabar aan wiil la dhalan, oo iyada u dhaamisa cideeda, balse maanta waxaa I haysta rafaad aad u fara badan oo ah ceelka oo aan saakay salaaddi subax soo dul istaagay oo aanan hal wadaan ka darsan, iyadoo ay wiilasha ceelka jooga oo dhana aanay wax naxariis ah ii galin, alla haduu walaalkey noolaan lahaa dhibkaan iima yimaadeen!!!" ayay iyadoo ilmaynaysa waxa ay tiri:-

  • Geesiyoow gacaliye
  • Gaashaankii naftoow
  • Gacalkii gurigoow
  • Galabtaan go'oo
  • Geeridii ku heshaa
  • Gilgilasho igu riday
  • Goobtaad ku go'day
  • Gacaloow Rafiiq
  • Geeri adoo udiidan
  • Gacalo hooyadeen
  • Go'aan xume libaaxii
  • Geeri kuu horseedaa
  • Goobtaan I dhigay anigee
  • Geesiyoow aboowe
  • Gunbaa ceelkaan weyn
  • Galabta ii diiday
  • Geesiyoow hadaad joogto
  • Galabta ma ooyeen!!!!!.

Markii ay dhamaysay cabashadii ay ka cabanaysay wiil la'aanta ayuu Daahir ku yiri "Maya sidaas ha dhihin aniga ayaa kuu dhaaminaya, oo waliba kuu rarayo ratiga, balse abaayo tuulada miyaad Dagan tahay"? waxa ayna tiri "Haa aboowe waxaa ag daganahay Beerta Guure Jayte oo uu aqalkeenu wax yar ka danbeeyaa".

Waan gartay "Hada waa kuu raran yahay dhaanka ee soobax aan horay kuusii wadee, laakiin ima weydiinaysid miyaa meesha aan daganahay aniga"? "Maxaan ku weydiiyaa ama iska dhaafaa, waxaan layaabanahay axsaanka aad ii samaysay iyo sida wiilasha ilaa saakay iigu cayaarayeen, marka waxay ila noqotay wax laga xishoodo inaan weydiiyo wiil sidan oo kale ah meesha uu dagan yahay, waayo waxaad isoo xasuusisay walaalkey marka sidaas ayaan u xishooday". "Waatahay abaayo aniga ayaa kuu sheegaya meesha aan daganahay, waxaan daganahay Beerta Guure magacayguna waa Daahir Guure ee adiga magacaada ii sheeg"? "Haa aboowe Ilhaan ayaa la'i yiraahdaa Xaaji Cali ayaa aabahay ah".

Intaas markii la'is dhaafsaday ayaa waxaa la yimid Tuuladii deetana la'is macsalaameeyay, Daahir waa uu la dhacay gabadhii     Ilhaan ahayd, waayo gabadhu waxay ahayd mid uu qurux Rabbi ku manaystay jooga iyo jamaalka, midabkeeda casaanka ah iyo Timaheeda dhuxusha ah oo ay dabeyluhu kolba dhinac u ridayaan.

Wiilkii Daahir ahaa markii uu gurigii tagay oo uu furay dhaankii ayaa waxaa niyadiisa ka bixi waysay gabadhii Ilhaan ahayd, dhan walba oo u jeestaba waxaa taagan  Ilhaan oo qoslaysa, Daahir oo yaaban ayaa waxa uu niyada iska yiri "Toloow gabadhu ma jin bay ahayd!!!" ala qurux badnaydaa!!!, Aleylehe ninkii helaa oo ay marwadiisa noqotaa liibaanay.

Daahir oo intuu soo baraarugay arkay isagoo isla hadlaya waxa uu yiri  "Waxaan arkay maata oo kaliya, waxayna igu riday jahwareer iyo mashaqo aan la fajacay  oo aanan garan halka ay iiga  yimaadeen", Daahir gabadha la dhacsan ayaa waxa  uu yiri:-

  • Calaacalkeygu waa gar
  • Cabashadeydu waa xaq
  • Ciil aan dhamaanbaa
  • Caloosha ii fariistoo
  • Ciqaab adag baa
  • Calafkeygu noqdee
  • Caadiloow ilaahoow
  • Calafkeyga samee
  • Cidladaan ku jiriyo
  • Cuntada inaan kago'o
  • Cabitaana daa warkiisee
  • Caziizoow Ilaahoow
  • Calafka dunida ugu wacan
  • Ceebla(Ilhaan)oo itiraa weeye
  • Cidkale dooni mayo
  • Caadilkii I uumoo
  • Caqli isiiyay anigaa
  • Calafkeyga kaa dhigay

Daahir markii uu intaas yiri ayaa waxaa u yeeray aabihii Guure oo ku yiri "Waryaa Daahir maxaa ku helay maanta oo aad iskula hadlaysaa?, ma dhib baa ku soo gaaray".

Daahir aya yiri "Maya aabe ee xoogaa waan qandhanahay".

Intaa kadib Xaaji Cali oo yaaban waxa gabadhii ku dhacay ayaa waxaa irida ka soo galay Ilhaan oo ay diif ka muuqato, Xaajigii oo yaaban ayaa waxaa uu yiri "Maxaa ku helay gabadheydiyeey"?.

Ilhaan ayaa tiri "Aabe markii aan ceelka tagay saakay waxaa dhoobnaa wiilal, anigana markii aan dhahay walaalayaaloow aan xoolaha dhaansado waxay iiigu jawaabeen maad walaalahaa soo dirtid ha kuu dhaamiyaane, anigana markii aan maqlay maad walaalahaa soo dirtid waxaan xasuustay walaalkeey Rafiiq, markaasaa wadnaha la'iga qabtay oo aan geed Qurac ah hoostiisa fariistay,    markii uu qoruxu dhici rabo ayaa waxaa ii yimid wiil la yiraahdo Daahir oo dagan beerta naga danbeysa oo ii dhaamiyay deetana ii raray ratigii, laakiin aabe meesha aan soo dagnay dadka deggan naxariis malaha miyaa!!!, Marka laga reebo wiilka Guure ee Daahir ah oo isagu ii damqaday markii uu arkay rafaadka ihaysta oo uu qorixiina sii dhacayo, Aabe ma aqaano waxaan wiilkaas abaalkiisa ku gudo waayo la'aantiis ilmahaan yaryar caawa soow oon malaayeen haduusan wiilkaas ubixin!!!"?.

Xaaji Cali ayaa waxa uu yiri "Dhib malahan Aabe".

Intaas kadib  way seexatay markii ay dhinaca dhulka dhigtay ayaa waxaa ku soo dhacay walaakeed Rafiiq oo lacayaaraya kuna dhahaya si kaftan ah {La'aantaa manoolaan karo ee adna La'aantey ha Noolaan adigane} balse aanan Maanta warkiisa lamaqli karin, Rafiiq waa uu jeclaa walaashiis Ilhaan mar walba waxa uu saari jiray Farastiisa maandeeq oo ay iyadu aad u Jecleyd fuulisteeda, nasiib xumo rafiiq waxaa dilay libaax isaga oo ka difaacaya Ilhaan iyo hooyadii Isniino oo ahayd qof duq ah oo aan socon Karin Rafiiq iyo hooyadii waxaa dilay Libaaxii, Ilhaana waa ay badbaaday, Ilhaan waa ay ujeeday markii uu Libaaxa dilayay walaalkeed iyo hooyadeed, Balse waxba kama aysan qaban karin.

Waxa ay marba dhinac isu rog rogtaba waagii ayaa baryay waxaana aysoo kaxaysay xoolihii si ay u soo daajiso, waxaana ay is arkeen Daahir oo isna u socda tuulada si uu usoo iibsado wax xoogaa raashin ah oo ay nolosha ku dabaraan, waxaana uu yiri "Asslaamu Calaykum"? Waxaana aytiri "Wacalaykuma Salaam Daahir ee saakay halkeed u socotaa"?, waxana uu yiri "Abaayo magaalada ayaan u socdaa si aan usoo iibsado raashin aan isticmaalno ee adiga caafimaadkaada waa sidee"? Ilhaan ayaa tiri "Caafimaadkaygu aad buu u fiican yahay marka laga reebo xoogaa borobaleem ah oo aan xalay isku arkay".

Daahir ayaa waxa uu yiri "Waa maxay dhibka aad sheegeyso"? Ilhaan oo ay cabsi ka muuqato ayaa waxa ay tiri "Maad iga dhaaftid in aan sheego xoogaa waa igu adag tahaye".

Daahir ayaa ku yiri "Aniga mar walba waxaan jeclahay inaan dhibaatada kula soo daristo kula xalliyo si walba oo ay noqoto marka ii sheeg abaayo".

Ilhaan intey indhaha gacmaha saaratay siina jeesatay ayay tiri:-

Daahiroow aboowe

  • Danta lagama xishoodee
  • Dareenbaa I helay
  • Daal aan dhamaaniyo
  • Diifbaa I haysa
  • Durba nabarbaa I helay
  • Dadkii ka go'ay
  • Diiday raashinkii oo
  • Daayay cabidii
  • Daa'inbaa wax daweeyee
  • Dabiib ii noqo
  • Dugsiimo aan kaa helo
  • Daacad baan ahaye
  • Dulli ha'i moodin
  • Dooqeygaa ku raacee
  • Dabacsanaanta warkeyga
  • Dareenkiisan la how
  • Durba jawaab iyo
  • Dareenkaaga isii
  • Deetana ii garoow

Daahir oo ay farxadi ka tan badisay ayaa waxa uu yiri "Ilhaaneey waan dareemi karaa dhib kaada oo waxaan ahay Nin wax garad ah, balse aniga ayaaba is lahaa Ilhaan usoo bandhig jacaylka ku haya, laakin afkeyga ayaad kala baxday ee balmarkayga iga hano oraahdaan yar":-

  • Huunooy Ilhaan
  • Haada iyo shimbiraha
  • Heybad adaa ka sidatee
  • Hanaankaaga wacanbaa
  • Halbowlaha igooyoo
  • Hurdo waan ka quustee
  • Hud-hudka iyo shimbirahaa
  • Haatuf iigu sheegay
  • Hadaad aragto Ilhaan
  • Hamuuntaada caashaq iyo
  • Hamigaada u sheeg
  • Hidihii dhaqankaad
  • Huunooy sidataa
  • Ha'ii jabinin nacabkee
  • Hiil ii noqo abaayo
  • Hadalkaan oran lahaa
  • Hoosta adaa ii dhigtee
  • Huunooy waaban kaa helay

Intaas kadib Daahir waxa uu aaday tuulada waxaana uu tuulada ku arkay kuul aad u qurux badan, kuushii ayuuna soo iibsaday.

Intaa kadib Daahir waxa uu yimid gurigii waxa uuna iska dhigay raashinkii, Daahir waxa uu si halhaleel ah u soo aaday Ilhaan oo ay balansanaayeen inay maalin walba kulmaan maadaama ay yihiin lamaane cusub isla markaana aan sina ukala maarmin.

Ilahaan iyadu waxa ay fadhisay geed qurac ah oo ay ku sugaysay wiilkii Daahir ahaa iyadoo isleh toloow Muxuu la soo daahay? ayaa mar qura kor keeda waxaa ka yeeray  "Gacaliso ii waran" "Aaaaaaa!!!!!!! Waa iga nixisay ee iga tag, bahal ayaan kuu maleeyaye!!!  aboowe Maxaad iiga soo daahday? ma ogid miyaa inaan maanta oo dhan murugaysnaa?, maanta waa iska sabraa laakin maalin kale sidaan ha'iyeelin".

Daahir ayaa yri "Maya macaanka maxaan kuu keenay fiiri bal"?, Ilhaan oo inteey faraxday dhulku ku yaraaday waxa ay tiri "Alla sow kuushii 20ka shilin joogtay ma'aha!!! oo maxaad lacagta intaa la'eg iigu qasaarisay!!!"?.

Daahir ayaa yiri "Saas ha'i dhihin abaayo, kuul iska dhaafe waxaad iga mudan tahay in aan nolosheydaba kuu hibeeyo  dhamaanteed".

Ilhaan ayaa tiri "Aboowe kuushaan waxaa ii gadi rabay hadda ka hor walaalkey balse hadda ma haayo walaakey oo wuu dhintay, waana markii iigu horeeysay ee aan kuul xirto, marka waxaan kaa codsanayaa in aad gacantaada iigu xirto, maadaama aad tahay qofka kaliya ee aan ifka ugu jeclahay".

Daahir markii uu kuushii u xiray ayay gacanteeda marisay qoorteedii cabaaryaha lahayd kuna tiri "Waa markii ugu horeysay ee qoorteyda lagu xiro kuul waayo ilaa iyo markii aan waxgartay ma helin qof idaryeela oo wax ii qabta, ee Daahiroow aboowe gacmahaada xaada leh markaad luqunteyda saartay jirkeyga dhamaantiis ayaa muxibo kuu jaleecay,  ee Daahiroow waligaa jacaylkeena sadexeeye ka dhowr".

Intaa markii ay tiri ayaa Daahir waxa uu ku yiri, "Taasi waa waajibkeyga & danteena inaan ilaaliyo jacaylkeena".

Intaas markii ay xaajo mareyso oo   la isla meel dhigay inla is arko maalinta bari ah ayaa waxaa yimid oday Guure markii uu arkay wiilkiisa oo la fadhiya gabadhii oday   Cali, aad ayuu u xanaaqay, xanaaqiisuna wax kale ma'aheyn ee waxa uu Wiilkiisa la rabay gabar uu dhalay walaalkiis Garuun ee layiraahdo Hani, isla markii ba oday Guure waxa uu soo aaday gurigii Daahir markii uu soo dhamaystay haasawihii macaanaa ee uu la haasaawaayay gacalisadiisa Ilhaan ayuu soo galay gurigii, markiiba aabihii ayaa yiri "Ha'iga siinin wax raashin ah waayo waxa uu katalaabsaday go'aankaygii adkaa ee ahaa inaan ku daro Hani oo waliba uu bilaabay inuu la haasaawo gabar aanan ka dhalan reer hanti leh oo faqri ah, aaheey waa hadii aan yeelayo, Daahir waa aniga iyo adiga ninkii rag ah oo uu go'aankiisu shaqeeyo".

Daahir oo intuu naxay niyadu ka jabtay murugana la daristay  isaga oo aan marna ka maarmin jacaylkiisa aana diidi Karin go'aanka aabihii ayaa waxa uu yiri "Laakiin Aabe adiga sidaad moodo wax uma jiraan" Aabihii ayaa yiri "War iga aamus nacas baad tahay oo aan waxba garane, waa inaan taar qabadsiiyaa Garuun oo aan ku iraahdo gabadha iyo wiilka waa inaan isu guurinaa maalinta jimcaha ah ee soo socota,  oday garuun intaas kuma ekaane waxa uu u tagay Ilhaan aabaheed Xaaji Cali isaga oo ku yiri "Waryaa Xaaji Cali gabadhaada mardanbe hadaan ku arko wiilkeyga agtiisa wixii ka dhaca adiga ayaa ka mas'uul ah".

Xaaji cali oo yaaban ayaa yiri "Oo maxay tahay dhaarta kaa baxeysa dad daris ahna waa nahaye"?.

Oday Guur ayaa waxa uu u daba dhigay Xaaji Cali "War iyo dhamaantiis wiilkeyga waxaan u rabaa Gabar aan adeer u ahay ee dareenkaadu ha shaqeeyo hadii kale waad ogtahay waxa dhaci doona"?.

Markii uu baxay guure ayaa Ilhaan oo is leh maanta arintiini ayuu u yimid oday Guure ayaa tiri "Aabe maanta guure waa soo dheeraadee maxaa dhacay"? Xaaji Cali ayaa yiri "Aabe Waxba ma'ogid maandhaay Guurana halkaan uma imaan samaan ee waxa uu iigu yimid inuu i ogeysiiyo inaan gabadheyda ka reebo wiilkiisa Daahir ah oo uu la rabo gabar kale, marka aabe isaga har wiilkaas, waayo waxa uu yiri hadii aadan gabadhaada ceshan wixii dhaca adiga ayaa ka mas'uul ah, mana rabo inaan ku waayo waayo adaa indha ii ah oo dad kale mahaysto".

Ilhaan ayaa tiri "Waayahay aabe waan uga harayaa wiilkiisa hadaad adigu go'aansatay".

Xaajiga ayaa yiri "Qeyr Allaha ku siiyo gabadheydiyey ee orod Aabe Farasta biyo sii".

Ilhaan oo faras inay biyo siiso daa warkeede dunidu ku yaraatay, wax ay sheegtana garan la' ayaa waxay kucalaacashay erayadan,

  • Bi'i waa aduunyooy
  • Baahideydii jacaylkoo
  • Beerkeeyga dhamaaniyo
  • Bogga aaanku haystaa
  • Baadi iga noqotay
  • Barigaan go'oo
  • Birtu igu dhacdoo
  • Badbaadadaan sugaayana
  • Baylah iga noqotay
  • Bashaashkaan jeclaa
  • Beerkeyga siiyaa
  • Bariga lay diidee
  • Boqoroow ilaahoow
  • Badbaado ii samee

Markii ay erayadii dhamaysay oo aysan Farastiina biyo siin wali ayaa waxaa u yimid Daahir oo socda, Daahir isagu ma'oga inuu aabihii u yimid Ilhaan aabeheed kuna yiri warar aad u kul kulul, horaa waxaa loo yiri (Sirmaqabe Raxmaankaa u maqan), Daahir ayaa yiri "Ii waran gacaliso"?

Ilhaan ayaa tiri "Haye aboow! oo kaalay qofkii laba maalmood kula hadlaa ma waxaad    u malaysaa inuu ku jecel yahay, war doqon yohow anigu waan kugu danaysanaayay oo kaliya, laakiiin danti waxa ay dhamaatay markuu aabehey ogaaday inaan jacayl kula jilayo, sidaas darteed iga raali ahoow".  Daahir oo naxsan ayaa yiri , "Yaa, yaa, Ilhaan say kaa noqotay? miyaadan ogeyn jacaylka dhabta ah ee aan kuu qabo? iyo waliba daacadnimadeyda"?. Ilhaan ayaa tiri "Waaruntaa waad ijeclaan kartaa laakiin jacaylku waa kaligaa!!!. Daahir waxaa kasoo haray yaab, fajac, argagax, indho taag taag iyo meela fiirfiiris, Daahir waa uu iska baxay isagoo aan wax guul ah wadan oo ay ku soo dhacday guul dara tii ugu xumayd ee abid soo marta,  isagoo wax uu sameeya garan la' tii aabihii waxay unoqatay Caano, waxaase durba nabar xanuun badan ku noqday warkii ay tiri Ilhaan oo uu ka filayay inay la safan doonto isaga oo ay meel kasoo wada jeesan doonaan, balse aanay dhicin taas oo uu kala soo kulmay wax uusan fileyn oo uu aad u dhibsaday, isagoo muragadaas darteed isla hadlaya ayuu yiri tixdan:-

  • Jahwareerkii aduunkaa
  • Jaar ila noqdoo
  • Jiif iyo joog
  • Midna waan ka quustoo
  • Murug aan awoodinbaa
  • Maanta Igu dhacdoo
  • Murugteedu I haysaa
  • Gacalkeygii wacnaa
  • Good miyuu noqday
  • Ilhaaney maantuu
  • Nasiibkeygu idiidoo
  • Calafkeygu xumaadee
  • Adigana gacalooy
  • Ifka baraariyo
  • Nabad ku sii joog
  • Aniguna ayaankey

Daahir waxa uu jiiftay geed hoostiis isagoo aad moodo ilmo aan sitimaan wax cunin, diifta ka muuqatana aad yaabeyso markii uu in cabaara jiifay ayaa waxaa uu aaday ceelkii, gabadhii Ilhaan hayd iyadu meeshii uu Daahir kaga tagay ayay taagan tahay iyada oo niyada gashatay in maanta ay ugu danbeyso gacaliyeheeda oo aanay dib danbe u heli doonin, markii uu gabalkii dhacay ayay seexatay, goortuu habeenku laba ukala barmay ayaa waxaa riyo ugu yimid Daahir oo leh "Waan ogaaday inay waalidkeen noo shireen, balse jacaylkeygu waa sidiisii ee adiga kaada yuusan liicin", Ilhaan oo riyadu run la noqotay ayaa tiri, "Alla hadii uu mar qura ii soo noqon lahaa aduunyada ayaan calaf ka joogi lahaa" Ilhaan markii uu waagii baryay waxba gacanta kuma hayso subaxaas Ilhaan soortii waa ay diiday, oo waxaa ladarsay kurbo jacayl iyo dhibkeeda oo isu kaashaday, dhanka kale oday Garuun iyo gabadhiisii Hani ayaa yimid beertii ay daganaayeen reer Guure, Hani iyadu waxa ay si qudbo sira ah ugu xiran tahay Cabdulle balse lala ma'oga, habeenkii ayaa waxa la'isugu yimid goobtii caweyska  oo ay ku sugnayd Ilhaan, waxa ay Ilhaan ka fariisatay cayaarta meel gees ah, Waxaa u yimid Hani oo isleh bal gabadhaan weydii walaalkaa Daahir waxaa laga yaabaa in ay taqaanee, waxana ay tiri "Abaayo maxaad kaligaa halkaan u fadhisaa"? Ilhaan ayaa tiri "Hadaan kuu sheego sida ay wax u jiraan   Miyaad Murugada ila qeybsan kartaa waa maya, marka maxaad ka faa'iideysaa"? Hani ayaa tiri "Sidey wax kuugu dheceen abaayo"? Ilhaan waxa ay tiri, erayo aad u qiiro badan oo ay aad ula dhacday Hani waxana ka mid ahaa:-

  • Labadii is doorta
  • Dooqu is raacshay
  • Dadka iska xushay
  • Xaqa ku heshiiyay
  • Daacad isu ahaada
  • In la kala gooyoo
  • Laysu diida xaq miyaa?
  • Caashaqeygu waa dhab
  • Calafkeygaana sidaan
  • Nasiibkiisu ahaadee
  • Anaa isdiloo
  • Gacalkeygii gooyee
  • Hadal aabihii yiri
  • Intaan dhowrayaa
  • Dooqeygii I daayay

Intaas markii ay tiri Ilhaan ayaa Hani oo iyadu horay u soo martay waxa haya gabadha Ilhaan ah ayaa tiri "Wiilkii miyaa kaaga baxay jacaylka oo aan wax kula qaban"?  Ilhaan ayaa tiri "Maya abaayo abaayo mid aanan waxba ka ogeyn jacaylkeena ayaa aabihiis ku darayaa, kaaga darane wiilka markii uu aabihii u sheegay arrinta gabadha waa uu ii yimid, Waxaana ula hadlay si aan xad lahayn waayo aabihii ayaa yimid gurigeena oo aabahey ku yiri gabadhaada iiga reeb wiilkeyga oo waxaan urabaa inaan ku darsado gabadha aan adeerka u ahay ee uu dhalay walaalkeey, aabahey ayaa i yiri maandhaay isaga har wiilkaas anigana waayahay ayaan ku iri, arinta sidaan uma malayn laakiin hada wax aan sameeyo ma'aqaano", Hani oo xaadu istaagtay ayaa tiri "Waa tuma gabadhaas"?  Ilhaan ayaa tiri "Wali wajigeeda ma'arkin laakiin waxaa la yiraahdaa Hani Garuun Jayte, alla yaa gabadhaas wax garad ka dhiga"!!!. Hani ayaa tiri wax walba anaa kala furfuraya, jacaylkaadana Waad heleysaa haduu eebe idmo.

Ilhaan mar waa ay faraxdaa, marna waxy tiraa maxay ka qaban kartaa arintaan, laakiin waa ibnu aadam oo waxaa laga yaabaa wax aniga iga qarsan inay ogtahay.

Hani iyadu waxa ay mooday in uu aabaheed u soo waday inuu baro walaalaheed laakiin murugada ayey qeyb ka soo gashay oo waxaa ku dhacay labo mid dooro oo kala ah in la'ogaado gacaliyaheeda qarsan ama ay gasho guur aan xalaal aheyn iyo waliba inay dumiso farxadda walaalkeed Daahir iyo jacaylkiisa, waxayna bilaawday inay isla hadasho ayadoo yaaban oo dhahaysa "Waa fursadii iigu danbeysay ee aan haysto, waa inaan u sheego walaalkey in la'i qabo, waxaana leeyahay anigu walaalkey ma guursanayo si uu asigana sidaas gacalisadiisa ugu helo.

Daahir oo aan gabadha indhaha saari kaarin ayey ku tiri "Daahiroow kaalay arin  ayaan kuu hayaaye", Daahir ayaa yiri "Arintaada marabee idaa", waxa ay ku celisay "War wax walba aniga ayaa soo ogaadee kaalay aan ku badbaadiyee oo aan waxkaa dhaadhiciyee", markii ay wax walba u sheegtay sida ay u rabto ayuu Daahir oo farxadu ka badatay yiri "Abaalkaada maxaan ku gudaa? Wax iga dalbo? Maxaan kuu qabtaa"? waxa ayna ku tiri "Waxaad ii qabataa oo Kaliya Ilhaan noo soo guuri, waa gabar fiican oo aad u qurux badan, dabci wanaagsan leh, oo aad kuu jecel".

Labadii oday markii ay balantii ku dhaqaaqeen oo wadaadkii la keenay ayaa loo yeeray Daahir iyo Hani si la'isugu mehriyo.

Hani ayaa soo booday oo tiri "Ma doonayo Daahir waa walaalkey, sideen uguursanayaa, intii walaalkey aan guursan lahaa inaan dhinto ayaa iiga roon".

Si walba hadii layeelay  Hani waa ay diiday, odayaashii waa ay ka quusteen, waxana ay go'aamiyeen in ay iska dhaafaan, markii uu go'aankii dhamaaday ayuu Daahir yiri "Adeer Garuun walaashey hadii ay idiiday gabadhii aan jeclaa inaan guursado ii ogolaada".

Duqii aabihii ahaa ayaa yiri "Sideen ugu tagayaa ninkii saan ogaa aan ula hadlay"?, Oday Garuun ayaa yiri aniga ayaa utagaya oo lahadlaya.

Isla markiiba Oday Garuun baakoortiisa ayuu qaatay waxa uuna u tagay Xaaji Cali kana codsaday inuu siiyo gabadha, Xaaji Cali ayaa yiri "Horta gabadha wiil ayey jeceshahay hayeeshee hadii aad sidii xeerka u ahayd Soomaalida aad soo martaan, iyaduna idin ogolaato waan idin siinayaa".

Oday Garuun ayaa yiri "waad mahadsantahay Xaaji, wiilkana waa wiilkeyga Daahir ah ee gabadha inoogu yeer".

Xaaji Cali ayaa yiri "Ilhaan aabe kaalay", Ilhaan waa ay timid iyadaoo leh "Waa ikan aabe" waxaba ay keenta Shaah iyo Bun waxana ay tiri "Maxaan qabtaa Aabe"?.

Xaaji Cali ayaa yiri "Wax kale lama rabee Odayaashaan waxa ay ka socdaan Daahir Guure waxana ay doonyaan inaan ku siiyo ee bal ka waran Aabe"?

Ilhaan ayaa tiri "Aabe go'aanka adiga ayaa leh, waxaad gooysana diyaar ayaan u ahay".

"Qeyr allaha ku siiyo maandhaay, Oday Garuun iyo Guuroow gabadhii waa taas ee gudoon wacan".

Oday Garuun gabadhii ayuu gacanta ka qabsaday lana soo tagay isla maarkiina waxa uu bilaabay aroos aad u weyn inuu dhigo arooskii ayaa la dhigay Ilhaan iyo Daahir farxad ayaa lasoo daristay iyagooo isu dhiidhiibaya erayo macmacaan ayey yiraahdeen, "Ilhaaney gacaliso", "hee gacaliye", "Maanta maalin ka wanaagsan Maku soo martay", "Maya gacaliye", "Guri inaan galnoon baashaal Wadaagno, xaq soow ma'aha", "Haa gacaliye", "lillaahi inaan wadaagnoo laqdaba iska diidno sax soow ma'aha", "Haa gacaliye".

Dhinaca kale gabadhii Hani ahaydna waxay dib ugu noqotay tuuladii ay ka timid iyadoo u ruuqaansatay gacaliyeheedi oo ay la aqal gashay, waxana ay halkaas ku heshay farxad, reyn reyn iyo barwaaqo nololeed.

DHAMMAAD

Xasan Siidow Ibraahim Maxamed ( Aala Garwaal)

Fadlan  wixii sheekooyin  ama qisooyin ah  aad haysaan 

ama  wixii fikrado ama tusaalooyin aad haysaan noogu soo hagaajiya  Emailkaan:-  mabrook_11@hotmail.com

  

galdiid@yahoo.com

  

Qoraal Sheeko Jaceel ah Oo Aad U Xanuun badan "Alla Jaceyl aan lagula wadanin Xanuun Badanaa"

Qoraal sheeko jacayl oo aad u xanuun badan ayay E-mail ahaan noo soo gaarsiisay gabar magaceeda ku soo koobtay A.M. oo ku nool magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, gabadhaas waxay hadda wehel u tahay Mucjiso Jacayl, waxayna ku bilaabanaysaa qisadii ku dhacday iyadoo ka sheekeynaysa sida tan:-

Magaalada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe oo aan ku noolaa intii aan garaadsaday 4Jirkaygii ilaa 18-jirkaygii , halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashadaydii aan ku dhamaystay, Mahad waxuu ka mid ahaa dhalinta aan isla jaan qaadnay in kastoo uu iga waynaa mudo 8 sanadood haddana sida aad ogtihiinba da'da raga iyo dumarka farqi baa u dhexeeya. Aan idiin Bilaabo dhacdada.

Aniga iyo Mahad waxaan ahayn laba qof oo ku soo barbaaray jacayl walaalnimo oo aad u fog iskuna xog iyo xuuraan ah, waayo waxaan ahayn deris isku degaan ah (Xaafad ah) waxaan ahaa walaashiis oo kale isaguna walaalkay oo kale.

Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah iyadoo xilli uu roob ka da'ayay deegaanka Balcad dhulka tigaadu buuxisay in uu iigu yimid gurigayga oo aan ka fogayn gurigooda wuxuuna ii sheegay in uu doonayo in aan aadno riwaayad socotay Habeenkaas oo ahayd {SHUMEEY} oo markaa aad loo xiisaynayay.

Kama diidi karine waayo waxaan ahayn laba ruux aad isugu weynaaye, waxaan u sheegay in uu ii soo noqdo si aan isugu diyaariyo, isagana hadal kama soo celinin waa uu iga ogolaaday, waxaana caado noo ahayd in aan isu weheshano riwaayadaha, aroosyada, garoomada ciyaarahu waxay noo ahaayeen kuwo noloshayada ka mid ah. Waayo isagaa wata gaari noo sahla aadista goobahas.

Waqti yar kaddib buu soo noqday anigoo diyaar ah waxaan u jaan qaadnay xagii degmada oo ahayd halka riwaayada 15-ka Shumeey habeenkaa lagu dhigay dadkuna aad ugu buuqsanaa, laakiin Nasiib wanaag anagu waa haysanay tigirka oo Mahad baa soo gooyey intii aan is diyaarinayey. oo si fudud baan albaabka u gudubnay, Kadib daawashadii riwaayada oo aad u xiiso badnay, ayuu iga codsaday in aan magaalada dibada uga baxno, waana ka aqbalay waxaan Tagnay aaga u dhexeeya dugsiga sare iyo Mashruuca oo aad u qurux badnaa, Markaa iyada ah anigu Mahad uma hayo wax dhaafsiisan Jacayl walaalnimo, balse isagu mid ka duwan ayuu wataa sidii uu iigu soo gudbiyeyna waa sidan:

Mahad: Walaal A...m ma ogtahy in aan aad kuu jeclahy...........

A.M: Haa oo aniguba waan ku jeclay mid walaalnimo.

Mahad: Laakiin anigu waxaan kuu jeclahay si dhab ah ......

A.M: Oo Hadaa ma kaygaa dheel ah maxaa walaalinimo ka fiican.

Mahad: Waa ogahay in walaanimo qaali tahay, lakiin aniga waxaa ila soo gudboonaaday hami iyo qami la xiriira Jacaylka aan kuu qabo oo iga ah dhab in aan nolosha kula qaybsaso baana iga go.an.

Runtii waxay igu noqotay fajac si aan ku aqbalo ma aqaan si aan ku diidana ma aqaan, waxaanse ka codsaday in uu isiiyo waqti aan ku soo fekero, waana iga ogolaaday.

Waxaan ahaa gabar markaa soo kacday oo aan weli cid la sheeko wadaagin marka laga reebo Mahad iyo C/salaan oo mid walaalnimo naga dhaxaysay mooyee, hadaba waxaan ka badin waayey in aan aqbalo codsigii Mahad uu ii soo bandhigay.

Waa habeen Isniin ah, Jawigu waa mid aad u qurux badan oo rooban, waxaan ku kulanay goob gawaarida Taxi laga kireeyo anigoo soo sagootiyey gabar aan isku galaas nahay, wuxuu igu tiri aan idin qaado si aan hadhaw isugu keliyasano waana ka aqbalay, markii aan khadiijo xaafadoodii gaynay kadib waxaan beegsanay dibada Magaalada, Waxaan xulanay meel aad u qurux badan oo Kaaraa-bidhaanku biligtaa tan iyo cabaar markaan kaaraabidhaanka qabo iyo ma qaban kartid islahayn ayuu su'aal i waydiiyey:

A.M maxaad iiga haysaa codsigaygii..? Aad baan u naxay waayo ugubnimadu waa ii saamixi wayday in aan markiiba iraahdo waa aqbalay, markaan cabaar aamusnaa ayuu mar kale yiri "Miyaanan u qalmin in aan ku jeclaado..?." mar kale ayaan argagaxay oo aan ka naxay hadalkaan dambe waxaana ugu jawaabay anigoo jaraynaya "Waad u qalantaa walaal waana aqbalay".

Habeenkaa Taariikhdu waxay ahayd 16/6/1998 wixii ka danbeeyey ilaa laga gaaro 1/2/1990 waxaan ahayn kuwo lagu daydo ama lagu halqabsado marka Jacayl laga hadlayo degaankaan ku noolay, Nasiib daro waxay na soo wajahaday markii ay dagaalada sokeeye soomaliya ka dhaceen oo ay beelihii aan ka dhalanay dagaalameen, oo aan kala fogaanay oo midkayaba midka kale tebay laakiin uusan aqoon meel uu u doono.

DHACDADII LABAAD:

Waxaan ku kulanay magaalada Nayroobi ee xarunta u ah dalka Kenya Gabar aan isku deegaan ahayn salaan kaddib waxaan waydiiyey bal in ay meel ku ogtahay Gacaliyahaygii waxayse ii sheegtay arrin aad iyo aad uga qiirooday oo ah in uu waashay oo uu qashinka ururiyo qofkii dumar ah ee uu dhaayaha saaraba uu magacayga ugu yeero, daqiiqado oohin iyo dhiilo ah ayaan jabsaday, kaddib waxaan waydiiyeey meeshii ugu aragti danbaysay waxayna igu tiri "Magaalada Xamar, gaar ahaan Siinaay.

In cabbaar ah ayaan saldhigtay jirdiin u dhowaa goobtii aan ku kulanay gabadhii raadkan xun igu reebtay, su'aallo badan oo aan isweydiiyay kaddib ayaa waxaan go'aan saday in aan dib ugu soo noqdo Xamar si aan dhibka ula qaybsado wiilka ay kala fogaantayadu qalbigiisa dhaawacday. waxaan u soo anba baxay xamar anigoo soo raacay diyaarad jaad oo fariisata 50km, Waxaay ahayd xili ay aad iyo aad nabadgelyadu u xumayd oo gaarigii aan ka soo raacay KM50 ayaa lagu baartay meel waxayar u jirta kuliyadii Lafoole, waxaan hakaa ku waayey wixii aan sitay oo sahay ahaa. anigoo aan waxba sidan labadii shay oo aan xirnaamooyee ayaan soogalay xamar.

Waxaan beegsaday guri ay lahaayeen reer aan macruuf ahayn, Waayo mid walaalkay lahaa oo madiino ku yiil ma aadi karo Nabadgelyo awgeed.Markii aan soo gaaray ugurigii aan u socday mise waa hore ayaa laga qaxay, waxaan waydiiyey reerkii guri ahaan ugu xigay waxayna ii sheegeen inay Yaaqshiid u guureen oo beeshoodu ka taliso.

waxaan qaatay tilmaantii la i siiyey waxaana beegsaday meeshii la ii tilmaamay shido badan kadib waxaan ku guulaystay in aan helo gurigii ay ku noolayeen macruufkaygu haseyeeshee qofkii u horeeyey oo i arkaa wuxuu iigu yeeray magac beeleed aan aad u dhibsaday. waxaana go'aansaday in aan dib ug laabto iyagoo ila sii hadlaya ayaa dhabarkaygii ka qarsoomay, waxaan beegsaday dhanka siinaay oo aan is leeyeyhey bal ka doon doon kii aan dartiis dalka ugu soo laabtay, maalintaa iima suuroobin in aan helo oo gabalkii wuxuu iga dumay anigoo aan helin xataa cid ii sheegta. Waxaan garaacay albaabkii iigu iigu dhowaa markii gabalku dhacay waxaase iga furtay qof aan aad isugu faraxnay all waa A.M iyo Alawaa khadiijo, alla xagee ka timi iyo Nairobi walaal soo gudun, qubayso, iyo wax cun gacalo ku dheehantay ka dib ayaan is warayanay waxaan u sheegay u jeedada socodkayga iyo in ay i caawinto si aan u helo wiilkaa dartay u dhibaataysan. Waxay ii sheegtay in ay reerkoodii u kaxeeyeen B/Wayne hase yeeshee uu joogo wiil ay walaalo ahayeen oo Gaari wata Labadii maalmoobana uu mar yimaado oo ka shaqeeya isla beled wayne.

Waxaan ka codsaday in ay i tusto meesha uu ka baxo si aan ugu raaco B/Wayne. Maalin ka dib ayuu yimi markii aan la kulamay wuxuu ii muujiyey weji furan iyo farxad wuxuuna ii sheegay in uu beri tegayo, Laakiin wuxuu igula taliyey in aan iska Joogo waayo qadiyada jirtaa waxaa laga yaabaa in ay dhib ii gaysato wuxuuna iga balan qaaday in uu soo qaadayo isaga oo keenayo xarmar si aan u kulanano:

Maalin Xasuus, Dhiilo iyo farxad xanbaarsan: 4/9/1993-dii goor subax ah ayaa albaabka la soo garaacay waan furay waayo waxaan ahaa qofkii ugu dhowaa waxaa in dhaygu qabteen Mahad oo timihii ku baxeen, aad caato u ah, oo dhalan rogan: naxdin iyo farxad Maxaa dhacay: Walaalkiis C/kariin oo markaa waday ayaa ku yiri "Ma garanaysaa gabadhan wuxuu yiri haa Waa A.M" Waan ku soo booday oo isku duubay daqiiqado kaddib ayuu C/Kariin ii sheegay in aan ahay qofkii ugu horeeyey oo uu garto muddo Labo sano ah.

Waxaan ka codsaday in uu iiga tago si aan bal u derso dareenkiisa iyo sida uu waxa u tabanayo intii hadalka aan wadanay

C/kariin ayuu iga soo dhex galay isagoo igu yiri "Xagee iga aaday, maxaad ii dishay, xagee igu ogayd" isagoo sii daba dhigay su'aallo badan oo aan garan waayay, si saxariir ah ayaan ugu war celiyay iyadoo su'aalahaas is daba jooga ah aan fahmi waayay.

Mudo kaddib ayaan ku iri "Waa anigaan kuu soo noqday mar dambana kaa tegimayaayo". Waxaan ka ogaaday muddadii aan wada joognay in aan maskaxdiisu dhamayn uuna u hoggaansan yahay wixii aan iraahdo.

Waxaana go'aansaday in aan u kaxeeyo halkii aan ku noolaa ee Nayroobi oo aan la dhuunto waayo waxaan ka baqay in reerkoodu iga diidaan. waxaana arrintaas kala tashaday Khadiijo waxayna tiri "Ku dhaqaaq wixii dhaqqale ahna anigaa kugu saacidaya".

Waxaan u yeeray walaalkiis C/kariin oo aan u sheegay in uu iigaga tago oo safarkiisa uusan baajin ee marka dambe oo uu soo noqdo uu kaxeeyo, maadaama ay bani'aadamnimadu ku jirto in la is badbaadiyo.

Kaddib waxaan isu diyaariyey safar qarsoodi ah waxaana kaga ambabaxay magaalada Muqdisho safar dhinaca dhulka ah anigoo sii raacay gaari u socday Gobolka J/hoose xaruntiisa Kismaayo, markii aan tagnayna waxaan ka sii raacnay diyaarad ilaa Nayroobi.

Durba ma nasan oo waxaan geeyey dhakhtar dhimirka qaabilsan, hase yeeshee wax wayn uma tarin keliya daawo dejisa ayay siiyeen cid ma dilo, cid ma caayo sidaasaan kuwada noolnahay isagoo dhimirka aan caadi ahayn iyo anigoo isga uun eegta.

Waxaan deris la hay Jacaylkiisa isagoon nin ii ahayn waayo nin waalan waxba kuma xirmaan waxna kama furmaan, Reerkoodu waxay ii yaqaaniin saaxiradii wiilkooda waashay, reerkayaguna waxay ii yaqaaniin tii sixranaday markaan dersay waxa soomalidu sixirka u Taqaani WAA JACAYKA DHABTA AH.

Haddaba Mudo 12sano ah waxaan ku wada noolnay aragti keliya eed aadane oo aan ka baxsan lahay waayo isagu waxba garan maayo waxa ay leeyihiin oo waa qof ku nool daawo iyo in uu aniga i ag joogo keliya.

Wixii su'aalo ah igala soo xiriira Eamilakan Dhawaac dagaaladu dhimirkayga mariyeen dhab u fiirsha oo dheegta

Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso badan)

Lamaane calafku isa siiyay ayay qisadani ka hadlaysa, waa wiil waxbarasho u banbaxay iyo gabadh shaqo iyo axdiga jacaylka isku wada, duruufo badan ayaa bar bilow ilaa bar dhamaad hadheeyey sheekadan ee akhris wanaagsan.

Bilawgii hore qoyska inantu waxay diideen in ay siiyaan inantooda wiilka ay jeceshahay, sababo la xidhiidha qoyska uu ka soo jeedo waxayna u arkayeen inanka mid aan u qalmin inantooda. Arrintani ma ay farxad gelin lamaanaha is jecel, waxayna murgisay xidhoodhkooda. Inantu waxay ku cadho burburtaa wiilka, isna afkiibaa juuqda gabay oo wuxu ku hadlo ayuu garan la'yahay. Sanado badan ayaa ka soo wareegay, waxay arrintu sidan ahaatoba, ugu danbayntii wiilkii wuxu dhamaystay waxbarashadisa, wuxuna go'aansaday inuu sii wato tacliintiisa oo dhamaysto qaybaha ka hadhay. Isaga oo aan weli dhoofin ayuu maalin maalmaha ka mid ah telefoon u diray inantii wuxuna u shegay inuu tagayo oo dal kale tacliintiisa kusoo qaadanayo, wuxu ku yidhi: " waxa aan hubaa jacaylka aan kuu hayo, hadaad igu raacdona noloshada inta ka dhiman aniga ayaa dusha u ritay. Arrinta qoyskiinana, ka hadhi mayo oo waxan isku dayayaa inaan bedelo fikradooda. Adna waxan kaa codsanaya inaad igu garab gasho arrinkaas" Inantiina, ‘hawraarsan' ayay ugu jawabtay.

Inankii wuxu ka fekeray sidii uu inanta reerkooda ugu qancin lahaa inay isu hibeeyaan, jiif iyo joogba waa loogu taag waayay, waqtigu wuu hayaa oo dhoofkiisa ayaa soo dhow, talo way ka kala yaacsantahay, waxbaa maskaxdiisa ka dhex guuxaya, habeeno badan ma ledin, hurdo la'aanta waxa ugu biiray feker badan. Nin habari dhashay hal ma seegi waayee, wixii rag u kaco rabina aqbalo way rumoobaane, wiilkii wuxu arrinta rog rogaba, wuxu qaatay go'aan ragonimo. Wuxu is tusay inuu geesinimo yeesho, oo inanta reerkooda sidii xeer ahaan jiray rag u kaxaysto si loogu soo qanciyo arrinta guurka.

Waqtigu wuu hayaa, tolow yaa saacada u yar joojiya, goor galab ah oo roob barqadii da'ay biyihii iyo daadkii kasoo rogmaday buuruhu weli dhulka sii qulqulayaan ayaa koox guurti ah oo hab dhaqan iyo xushmad leh oo aad moodo in loo darbay sida dadka loo qanciyo, erayba erayga uu ka haboonyahayna odhan og, ayuu inanki ku jiheeyey inanta reerkoodii. Markii madashii la gaadhay, reer Islaameed warama iyo belo ma ogina lays yidhi, martidiina qol heersare ah la fadhiisiyay waxa la guda galay hadafkii loo socday, qoladii guurtidu fariintii dhiibe, odaygii inanta dhalay iyo intii ka agdhowaydna rog roge taladii, aakhirkiina gudoonay fariintiinii, inantiina waanu idin siinay ayaa lagu kala tagay, iyo mahad Alla lehe, sharaf iyo ducaanu idinkaga tagnay.

Habeenkaa, inankii farxad aan hore loogu arag iyo dhoola cadayn qurux badan ayuu ku habeensaday. Maalmo kadiba, waxa la guda galay xafladii meherka, inankii iyo inantiina halkaas bay ku noqdeen ul iyo diirkeed. Inankii sidii balantu ahayd wuxu u safrayaa dal kale si uu waxbarashadiisa u sii wato, inantuna shaqadeedii ayay sidii caadada u ahayd ka hawl gashaa. Intii lakala maqnaa, xidhiidhku ma istaagin, oo waxa la yahay hal bawlaha dhiiga qaada iyo wadnaha dhiiga qaybiya, telefoon iyo dhambaaloba wixii lagu wada xidhiidhi karayay waa la joogteeyey. Xaalku wuxu noqday dhoof nooli kulantee, ha dhantaalin caashaqa dhakhso waan u soo noqon, inkasta oo duruufuu kala fogeeyeen lamanahan cusub, hadana mid kastaaba dhankiisa ayuu ka ilaaliyay kana xaq dhawray axdiga dhex yaala.

Maalmuhu ways daba socdaanoo, cashadii timaadaba samaan ama dhiilo mid uun bay sidaa, waxa dhacday inantii oo maalin ku socota xafiiskii ay ka shaqayn jirtay, ayaa waxa gaadhigeedii jiidhay oo meel isgoys ah kaga soo baxay gaadhi wayn waxana inantii helay shil aanay filaneyn. Miyir la'aan ayaa u xigay, waxayna ku war heshay iyadoo cusbitaalka taala oo la hareero joogo. Intii hore ma rumaysan waxa dhacay oo riyay u haysatay, hase yeeshee markay aragtay waalidkeed oo garab fadhiya ayay ogaatay inay shil gashay. Hooyadeed oo ilmo kasoo shagax tidhi ayay indhaha ku kala furtay, hadal ayay isku dayday mise afkiiba juuqduu gabay. Indhaha ayuunbay dadka ka aragtaa ee carabkiiba hadal maso celin karo. Waxa ku dhacay af xidhan oo hadalkii ayaa ka xidhmay. Dhakaatirtu waxay u sheegeen waalidkeeda in jugtii ka gaadhay maskaxdu ay waxyeeshay qaybtii hadalka.

Inantii waxa ku habsaday arrin laga naxo, waxa usoo galay waa cusub oo aan farxad lahayn, waxay noqotay dhegayso oo ha hadlin, waxay ku gashay mudo badan oo oohin aamusan ah. Mudo markii lagu hayay cusbitaalkii waxa loo qaaday gurigooda, laakiinse weli sidii bay u cod la'dahay, oo hadalku uga soo bixi la'yahay. Waxa aad u dhibay sanqadha ama cida telefoonka marku soo dhacayo, ma doonayso in wiilkii maqlo sida xaalku noqday, waxay ka cabsoonaysaa in uu telefoon soo diro oo ay la hadli kari waydo. Inantii talo waxay ku gaadhay inay warqad u dirto wiilkii, una sheegto inaanay sugi karayn, oo uu fasax ka yahay. Fariintii markii ay gaadhay wiilkii, amakaag iyo fajaciso aan hore loo arag ayay ku noqotay, wuxu is waydiiyay waxa soo dersay ee cusub, hase yeeshee jawaab waafi ah umuu helin weydiimaha ka dhex guuxaya maskaxdiisa. Dhambaalo hor leh ayuu dabada isugu soo taxay, mase helin wax jawaab ah.. Telefoonka ayuu soo eersaday, tana waxba uma soo kordhin. Waxa keliya ee inantu samayn karaysay wuxu ahaa inay oohinta sii wado, ilayn ilmo kaama dhamaato.

Waalidkii waxay is tuseen inay meel kale u guuraan bal in ay kasoo rayso oo ilawdo arrimaha dhacay iyo shilka ay gashay. Deeganka cusub ee ay usoo diga rogteen, waxa ku yaala dugsi lagu barto luqada faraha layskala hadlo. Inantiina dugsigaas ayaa lagu daray.Waxay nafteeda ku qancisay inay ilawdo inankii, oo daadka ku darto warkiisa. Gabadh saaxibadeed ah ayaa u sheegtay in inankii soo noqday, kuye, ha u sheegin arrinkayga oo iska ilow ninkaas.

Sanad ayaa ka soo wareegay, gabadhii saaxibadeed ayaa maalin loo keenay kaadh casuumad aroos ah, mise maba laha iyadu ee waxay ku socotaa inanta hadalku ka xidhmay. Warqadii markii ay furtay inantii shilku helay iyada oo gariiraysa oo yaaban tolow waa ayo tan uu guursaday wiilkii, waxaba kaga soo baxay inantii warqadii wax la yaab leh, tolow waa maxay? Waa yaabka yaabkiise, inantii waxay ku aragtay kaadhka casuumada arooska magaceeda oo ku daba yaala magaca wiilkii. Inankii wuxu ogaaday wixii dhacay, wuxuna gaadhi u soo kaxaystay guriga cusub ee inantu joogtay, iyada oo labadii hablood iswaydiinayaan waxa ay tahay warqadu iyo sida wax u jiraan ayuu guriga hortiisa gaadhigii ku bakhtiiyay. Albaabka ayuu deg deg u soo garaacay waana laga furay, waxana uu markiiba dalbaday in la tuso qolka ay ku jirto inantu. Markuu so galay qolkii ayuu faraha ka hadlay, isaga oo leh, mudo sanad ah ayaan soo bartay luqada faraha ama calaamadaha, waxanse kuu sheegayaa inaanan anigu marnaba ku ilaawin wax kasta oo kugu dhacayba,ii ogolow inaan noqdo codka aad ku hadlayso, waanan ku jecelahay. Waxa xigay fargalkii oo uu farta u galiyay, iyo dhoolacadayn qurux badan oo inantu ku jawabtay. Sidaas bayna ku noqdeen kuwii hodmee hoy wada galee isku waara abid." Samraa sedkii hela"Waxaa soo diyaariyay: Xasan Siidow Ibraahim ( AalaGarwaal)

Behind the Scenes of My Home Page

Dhacdo

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Maxamed iyo Kariima, Maxamed ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo hawl-galla Shabakadaha Caalamiga ah ee Radioxamar.com iyo Dhacdo.com, wuxuuna inooga waramay sidii ay wax u dhaceen, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, waxaana kusoo barbaaray isla magaaladda, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay iskuulka Al Aqsa Secondary School oo ku yaalla isla magaaladda Boorame ee gobolka Awdal.

Kariima ayaa waxay ku dhalatay magaaladda Abu Dubai ee dalka Emirate-ka Carabta, balse waxay ku barbaartay Boorame, waxayna ila dhigan jirtay iskuulka, balse waxaan kala ahayn kala fasal, oo aniga ayaa hal fasal ka sareeyay, waxaana Kariima isku baranay maalin maal-maha kamid ah ayaa fasalka aan dhiganaayay waxay isku soo duba-rideen barnaamij si wanaagsan u soo jiitay ardaydii dhiganeysa iskuulka oo idil.

Intii uu barnaamijka socday ayaa waxaa maqlay dhalinyaro fara badan oo oraneysa; "Gabadha Kariima ah aad bay u qurxoon tahay ee waa inaan gacanta ku dhignaa"

Durbaba waxa aniguna go'aansaday in aan gacanta ku dhigo oo aan kaga hormaro wiilashaasi. Nasiib wanaag sidii ayaa dhacday. Kariima waxaa isku baranay barnaamikaasi oo uu soo qaban qaabiyay fasalkayga. Waxa aan Kariima ka qaatay numberkii telefoonkeeda.

Kariima waxa aanu noqonay laba qof oo si wanaagsan isku xiriiriya. Waxaan dareemay in aan u qaaday jaceyl diiran, balse maanan u sheegan intii hore, iyadana waxaan ka dareemay in ay i dooneyso sida ay iigu waramayso. Waxaana xilliyada qaarkood aadi jirnay faras magaalaha, oo aanu kusoo qaadan jirnay waqti wanaagsan.

Waxay Kariima i bartay qoyska ay ka dhalatay oo ahaa dad wanaagsan oo si weyn i soo dhaweyn jiray, waxaana wada soconay in ka badan afar, isla xilligaasi dalka Shiinaha ayaa waxaan ka helay deeq jaamacadeed. Waxa ii ajaa xilli aan ku mashquulsanaa waxbarashada aan ka helay dalka Shiinaha. Kadib ayaa waxaa habeen habeenada kamid ah i soo wacday Kariima, waxayna ii sheegtay in qoyska ay ka dhalatay ay la doonaayaan wiil joogga voqortooyada Ingiriiska, kaa oo ay qaraabo dhaw yihiin.  Hadalkaas ayaa igu noqday mid layaab leh.

Kadibna waxa aan ku iri; "Taasi shaqadayda maaha ee adiga ayay kuu taallaa", kadib waxaan ku jaray teleefankii.

Cabaar ayaanu kala caroonay, hase ahaatee waa ay i soo wacday.  Waxayna ii sheegtay in ay qalad iga gashay. Waxayna iga codsatay in aan iska cafiyo, iyadoo intaasi ii raacisay in aysan nin kale naagtiisa noqoneyn aniga maahee.  Karima waxa ay ku dhaaratay Kutubka Quraanka Kariimka ah, in aysan nin kale guursan doonin, markaas ayaa waxaa ku qancay Kutubka ay ku dhaaratay anigoo is-dhahay nin kale kaa raaci meyso.

Muddo kadib ayaa waxaa magaaladda Boorame soo gaaray ninkii ay qoyskeedu doonayaan in ay ku daraan, kaasoo ka yimid dalka Ingiriiska, wuxuuna kasoo doontay qoyskeeda, isla-markaana qoyska Kariima ayaa si weyn ugu faraxsanaa in uu gabadhoodu guursado nin ka yimaaday mid kamid ah dalalka horumaray.

Kariima ayaa ii sheegtay halka ay xaaladdu mareyso.

Waxaana ku iri; "Adiga ayay tallo gacantaada ku jirtaa".

Kadib waxa aan iskaga soo baxay magaaladda Boorame, waxbarashadiina u soo doontay dalka Shiinaha. Markaan cabaar joogay Shiinaha ayaa waxaa maqlay in laguursan rabo Kariima, hase ahaatee maanan deg degin oo waan is dejiyay.

Waxaa khadka Internetka ku arkay Kariima, iyadoo ii sheegtay in uu guursan rabo ninkii ay qaraabada ahaayeen, waxayna ii sheegtay in ay iyadu ku qanacsan tahay.

Aiguna waxaan ku iri; "Maadaama aad ku qanacsan tahay Allaha isku kiin barakeeyo", sidaasi ayaanu ku kala tagnay. Ninkii ayaa guursaday horey ayuuna u sii ka xeystay xaaskiisii.

Iyadoo ay xaaladdu igu xun tahay ayaa waxaa xiriir ila soo sameysay gabar ay saaxiibo ahaayeen Kariima, laguna magacaabo Caasha, waxayna ii sheegtay in ay Kariima qalad weyn iga gashay, waxayna igu baaqday in aan iska samro.

Muddo kadib sidaan isku xiriirineynay Caasha, ayaa waxay Caasha ii sheegtay in ay wax kasta oo ay ila qaban karto ay ila qabato. Muddo kadib ayaa waxaanu isku afgaranay in aanu isguursano.

Inta uusan guurkayagu dhicin ayaa waxa aan maqlay in Kariima iyo ninkii qabay ay kala tageen isla-markaana Kariima ay maqashay in aanu wada socono Caasha mar dhawna aanu aqal gelli doono. Karima ayaa si weyn ayay uga maseertay oo ila soo xiriirtay iyadoo joogto dalka Ingiriiska. Waxa aan u sheegay in aan Caasha guursan rabo, haddii ay diyaar tahay in ay kasoo qeyb gelli karto guurkayaga oo ka dhici doono Boorame, wayna iga aqbashay.

Waxaan dib ugu soo dhoofay magaaladda Boorame si aan ula soo aqalgallo Caasha, sidoo kale Kariima ayaa iyana soo gaartay Boorame si ay uga soo qeyb gasho guurka aniga iyo Caasha. Waxa aan ka dareemaayay Kariima in ay si weyn uga xun tahay guurkayaga, balse waxaan la aqal gallay Caasha.

Intii aan ku sugnaa Boorame ayaa dhawr jeer wada kullanay Kariima, waxayna ii sheegtay in ay ka xun tahay qaladka ay iga gashay, isla-markaana waxay iga codsatay in aan guursado anigoo qaba Caasha, isla-markaana si weyn ii jaceshahay.

Hadaba akhristayaasha sharafta leh waxa aan ka codsan lahaa in ay arintan igala talliyaan. Maxaa yeelay Caasha aniga ayaa jecel laakiin Kariima ayaduna si weyn ayay ii jeceshahay.

FAALO

Run ahaantii jacaylku waa tartan qarsoon oo ogaanshihiisu ay wakhti qaadato, mana fududa marka u horaysa in la dareemo gabadh ku jecel sida ay u fududahay in aad dareento waxyaabaha kale, Had iyo jeer dadka uu jacaylku la soo darso rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee si daacad ah ugama run sheegaan, ku dhiirashada inay si badheedh leh ugu soo bandhigaan jacaylka ay u hayaan qofka sida dhabta ah ay jeclaadeen, waxaanay inta badan la soo dersa dareen baqdin iyo cabsi leh, iyaga oo ka cabsi qaba haddii ay u soo bandhigaan shaqsiga ay jecel yihiin in lagu gacmo saydho oo ay la kulmayaan waji gabax.

Waxaanad niyaddada ku haysaa in qofka sida dhabta ah jacaylku qaba aanu sinaba kuugu soo bandhigi karin ragga iyo dumar kuu doonaba ha ahaadee waayo maahmaah english ah ayaa tidhaahda "True Lover Don't Say Love Each Other,But They Know They Do" oo ay macnaheedu tahay labada qof ee sida dhabta ah sku jeceli lagamaba yaabo inuu ku yidhaado waan ku jecelahay midba midka kale balse wey ogyihiin waxaa ka dhexeeya waxanay isku dareensiiyaan waa ficilo aad ka garan karto qofka sida dhabta ah kuu jecel (action).

Sidaa awgeed haddii aanu sii ogayn qofka wax jeceli jawaabta uu kala kulmi doono qofka uu jeclyahay, marka uu jacaylkiisa u sheegan waayo ayaa waxaa ay ku kaliftaa qofkaasi amaba sabab u ah in qofkaasi uu qarsado jacaylkiisa taas oo khataro caafimaad oo nafsaani ah ku keenta qofka wax jecel.

Waxa jira dad uu ka xoog bato dareenka qiirada leh ee jacayku oo si fududna looga fahmi karo rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee. Si kastaba ha ahaatee waxa jira dhaqamo iyo caadooyin badan oo u diidaya gabadha ceebna ku ah in ay si fudud ugu soo bandhigto wiilka ay jeceshahay jacaylkeeda iyo waxyaabaha ka dhabta ah ee ay ku dooratay amaba dareenkeeda nafahaaneed.

Waxa kale oo jira dhaqamo iyo caadooyin u fasaxaya gabadha in ay ku dhiirato sidii ay ugu soo bandhigi lahayd, Tusaale ahaan gabdhaha ku nool qurbaha oo kale ceeb kuma ah in ay tidhaahdo "Hebeloow waan ku jecelahay". Sidaa daraadeed ragga way ku adagtahay in ay ogaadaana gabadha aadka u jecel, maxaa yeelay dumarku uma qirtaan jacaylku sida uu yahay, xitaa haddii uu ka dhab yahay. Sidaa awgeed waxa jira waxyaabo badan oo uu ninku si fudud uga fahmi karo gabadha aadka u jecel waxeyna kala yihiin qodobadaasi.

Isagoo ninku isbarbar dhig ku sameeya oo qiimeeyna ku sameeya hab dhaqanka ay gabadhu dadka ula dhaqanto iyo sida ay adiga kugula dhaqanto. Haddii aad gabadha ka dareento in ay ku siinayso tixgelin ka badan ta ay dadka kale siiso gabadhaasi way ku jeceshahay ee sidaasi ku ogow. Dumarka qaar ayaa aad uga werwera badbaadada qofka ay jecel yihiin, sidaa daraadeed haddii gabadhu ay aad xil isaga saarto in ay ogaato halka aad joogto iyo waxa aad ku sugan tahay iyada oo ku waydiinaysa dad xog ogaal kuu ah, gabadhaasi way ku jeceshahay.

Haddii gabadha ku jecel aad ku aragto hinaase waxa lagu sifeeyaa aragtida noocaasi ah in ay ku jeceshahay, maxaa yeelay hinaasaha laftiisu waxaa uu qayb laxaad leh ka qaadtaa jacaylka dhabta ah ee ay hayso haweeneydaasi. Gabadha ku jecel ee aan kuu soo bandhigin jacaylkeeda waxa ku abuurma dareen baqdin leh, waxaanay had iyo jeer ka werwertaa in ay waydo ninka ay jeceshahay oo uu raaco gabadh kale oo aan iyada ahayn. Hadaba haddii aad ka dareento gabadha aad wada sheekeysataan amaba walaltinimo idinka dhexeyso hadii aad ku aragto astaamahan waxa lagaaga baahan yahay in aanad lumin jaaniskaasi oo aanad dayacin jacaylkeeda ee aad ka faa'iidaysato fursada qaaliga ah. Astaamahan aad aragtay Run ahaantii waxa aad si fudud u soo jiidan kartaa una ogaan kartaa, kasban kartaana qalbiga gabadha ku jecel.

Adgoo Isku daya marka aad si dhab ah oo aan dheel-dheeli ku jirin aad u hubiso qodobadan in aad si talaabo talaabo ah ula kulantid ulana haasawdid, una soo jiidatid gabadha ku jecel.Ogow haddii aad ka xishootid haasaawahan hufan oo aad yeelan waydo isku kalsoonida dhexdiina taala ayaa meesha ka baxaysa.

Calaf Weeyi Guure, Caashaqa Ha Ku Daalin

Way fududahay in wajiga laga biiyo ilmada, hase ahaate waxa aad u adag sidii qalbiga looga bin lahaa xanuunka soo gaadha. Jacaylku waa wax qof kasta ku dhici kara, markastana dhici kara, meel kastana ka dhici kara. Jacaylka, qufaca  iyo urta cadarka midna lama qarin karo. Waana dhab dookha iyo jacaylkaba  dadku way wadaagan.

Jacaylkuna waa mid ka mid ah dareemada iyo boholyowga  ugu waa weyn  ee dadku dareemo intuu noolyahay.waxase haddana taasi ka sii daran midka la dareemo marka la waayo wixii la jeclaaday. Jacaylku waa sida olol aan dameyn oo kale oo qofka ku shidan, waana ta had iyo jeer la yidhahdo jacayl biro ma goys oo biyo kama maydhaan. Jacaylku waa isha biligteeda oo kale, waxana suura gal ah in aad qof aragti keliya ku jeclaan kartid. Jacaylku waa sida hadh wareegaya oo kale oo kalba meel taagan, xiliyada jacaylkana waxa ka mid ah macaan iyo qadhaadh iyo farxad iyo naxdin.aramida jacaylkuna qofba sibay u taabataa inta la dhex mushaaxayo nolosha jacaylka.dadka intiisa badana marka caashaqa iyo jacaylku haleelaan waxa sahay u noqda duruufo adag sida murugo,welwel, walbahaar, damaq iyo xanuun,qalbi jab, niyad jab, xasilooni dari, hurdo la'aan, mancafa oo laga ga'o  mashquul iyo mawjado fikiro ah, iwm. Maxaa yeelay naf jacayl hayo oo caashaq mirayo waxna

 muhanaysaa waxa ku iman kara arimo badan.

Inkasta oo ay yar yihiin dadka qaar marka ay is jeclaadaan kalgacal iyo muxubana isu qadaan waxay noqdaan kuwo ku guulaysta, geedkii ay beerteena wuxu noqdaa mid midho u dhala. Hase ahaate dadka intiisa badan way ku guuldareystaan in ay ka midho dhaliyaan jaceylkooda,geedkii ubaxa ahaa ee ay isu dhiibeena wuxu noqdaa mid qaadha. Badanaa jacaylku mujtamaca siyaabo kale duwan ayuu ugu bilaabmaa.waxana xaqiiqo ah in aanu dadka intiisa badan ugu wada dhicin si dhab ah oo la dareemi karo. Si kastaba ha ahaate waxa la ogaaday in jacaylku ku iman karo hababkani.mid dhab ah,mid ku meel gaadh ah, mid danaysi ah, mid xushmo, mid istusnimo, mid guud iyo mid laab la kac ah.

Araartaasi ku saabsaneyd jaceylka hadaan halkaasi kaga gudubno,oo aan gudbo nuxurka maqaalkaygan, ayaa waxay noqoneysaa sidani:

Dhibta iyo dheefta jaceylka midkee bulshadeena ku badan?lamaanaha jaceyl in muddo ah u socday isku guursaday iyo kuwa si calaf ah u kulmay keeba badan? Waa maxay farqiga u dhaxeeya jacaylka  dhaca guurka hortiis iyo jacaylka guurka dabadiisa dhaca? Maxaase keen in dad markii hore isjeclaa ay xurgufi u dhex timaado markay is guursadaan? Maxay ku kala duwan yihiin dadka iyaga oo is jecel is guursaday iyo kuwa intay calaf isku haleen jaceylkii u bilaabmay guurka dabadii?Xiiso jabka iyo niyad jabka soo foodsara dadka is jecel maxaa abuura? Maxaa guryo jaceyl lagu dhisay ay muddo yar gudaheed u dumaan? Maxaa been dumarka loogu soo xero geliyaa inta hore? Maxeyse kala kulmeen caashaqa dadkii jaceylku ku dhacay ee tariikhdu ina barayso? Lamanayaashu markay hasawayaan maxay isugu qariyaan arimo marka danbe ku soo bixi Kara? Maxaa sababa in lamaane in door ah wada jilayey sheeko ayna isu gudbin dabeecadooda dhabta ah? Jacaylka iyo caruurta midkee guriga

adkeeya? Maxaa sababa in lamaane muddo badana jaceyl wada jilayey ay mar qudha sida leeb qaanso ka booday uga dhex boodan jaceylkii?

Waxay qoraayada sheekooyinka jacaylka ah soo qoraa waxay  in dhex geeyaan badweyn jaceyl ah oo lamaanuhu isu hagar baxayo, iyaga oo waliba muqaal halis ah inaga siinaya dhibtii ay u soo mareen jaceylkooda,waxey ina tusaan  marxalad farxadu cirka isku shareerayso marka hore,hase ahaate wakhti aan fogeyn kadib ayey mar qudha shookaanta 360 degree dhinac u wada dhuftaan, waxaney sida bisad caano looga tagay ugaga tagaan murog mid ka mid ah lamaanihii u jilayey shekadooda.

Qoraagu si uu ugu helo dabadeetana sabab murugada curdinka ah ee uu abuurayo iyo lamaanaha kala haajiraya ee candhuuftooda dib uliqaya, wuxu inoo soo arooriyaa waayo aduun oo  wax u dhimaya wacdarihii jacaylka. Wuxuuna inagu beerlaxawsadaa arimo ay ka mid yihiin,in lamanihii khilaaf soo kala dhexgalay, in waalidkood isku diiday, in midkood dhoofo, in gabadha ama inanka midkood la siiyo ruux kale, in midkood la kulmay xanuun kii kalena u samir wayey, in midkood khiyaamay kii kale kadibna uu soo ogaaday kuna dhigay, in la isku diray lamanaha oo gacan saddexaad ka dhex shaqeysay iwm. Carqaladahaasi uu abuuray qoraagu ayaana sababa in lamanihii ay is hanan wayaan, dulucda sheekadase ku jirtaa waa in 90% ayna suura gal aheyn in lagu guuleysto jaceylada la wada bilaabo,maxaa yeelay taasi waxa inoo cadeynaya shekooyin badan oo dadkeenu qoraan.waana dhif,dhif sheekada ku bilaabanta farxad kuna dhamaatay farxad ee lamaanuhu ku guuleystaan jaceylkooda.

Sidoo kale heesaha,riwaayadaha,iyo qeybo badan oo ka mid ah fanka iyo sugaanta somaalidu leedahay waxey hab cad u qeexaan in aan inta badan laga salgaadhin jaceylka,arintuna ay ku dhamaato waji gabax. Inta badan shekooyinka jaceylka waxa ku dhex qasan khibarado badan iyo casharo badan oo badweynta nolosha ka dhaca una baahan in laga taxadiro,qoraayada qaar waxey shekooyinkooda ku xusaan, dhibaatooyin jaceylka laga qaado, sida nabsi,  dhimasho,aarsi,   caafimaad daro iyo boog jaceyl oo aan bugsan muddo badan. Waxa sida daradeed haddaba inala gudboon in aan ogaano mushkiladahaasi oo aan ka feejignaano,maxaa yeelay ma sahlana qaarkood.

Qalbigu run ahaanti khalad ma laha waxna wuu jeclaan karaa,waana la jeclaan karaa hase ahaate waxa fiican in lala yimaado qorshe abuura in loo diyaar garoobo arinta jaceylka  bilowgeeda ilaa dhamaadkeeda, maaha in dadku u qaato si fudud,ama uu qof kale oo walaalkii ah ugu beero jaceyl si fudud isaga oo aan kala dabalaneyn marxaladihiisa, maanta waxaad arkeysaa dadkii oo si dhib yar ama muddo yar gudaheedba isku jeclaanaya, haddana inyar dabadeed kala boodaya,waxaad arkeysaa dadyow badan oo aan diyaar u aheyn jaceyl haddana qaar kale hodaya, waxaad arkeysaa dadyow badan oo balamo jaceyl ka dhexeyey haddana si fudud u burinaya iyaga oo aan nabsi iyo wax kale toona ka baqeyn.waxaad arkeysaa dad laba xidhiidh sameysanaya oo midba midka kale aanu ogeyn oo is khiyaamaya.waxaad arkeysaa dadyow afmacaan iyo beerlaxawsi uun ay arintoodu tahay oo aan qorshe kale laheyn.

Dadka qaar waxay jaceylka dadka ugu abuuran dan ah aad tabaatid jidhka lamaanaha kale,qaar kalena arinkoodu waa caqli iyo carab kala jira oo marka ay arkaan dad isjecel ama jaceyl la sameynayo ayey iyagun ku daydaan uun iyaga oo aan ogeyn wuxu xaal ku danbeyn doono. Maxaa yeelay markaad cid ku dayato iyo marka aad iskaa u go'aansato arintu way kala duwananeysaa.qeybo badan oo kalena waxey jaceylkooda ku xidhaan arimo kale sida quruxda iyo maalka qofka ay jecladaan marka quruxdii iyo maalkii ka dhamadana dhabarka ayey u jeediyaan.qaarkoodna wakhti lumis iwm ayeyba uga jeedaan xidhiidhada jaceyl ee ay la wadagaan lamanahooda kale. Dhacdooyinkani iyo kuwa kale oo ka sii badana maanta waxey ka dhex aloosan yihiin bulshadeena gaar ahaan bahweynta ku wada xidhiidha internetka oo run ahaantii waji cusub u furay wada xidhiidhka mujtamaca. Ka fogow haddaba akhriste in aad  noqoto mid dadka hoda,hana isku galin caalamka jaceylka haddii aanad u hagar baxeyn

 lamanahaaga waliba mudddo yar gudaheed.

Guurka oo calaf ah

Lamanaha jaceylkoodu guri gal keena wuu yar yahay sida ay tariikhda iyo casharada jaceylkuba ina barayaan,inta badana waa lagu guuldareystaa, waxana labada lamaane soo kale dhex gala duruufo iyo waayo aduun,waxana intooda badan ku dhaca markeliya waxaney islaheyn waligeed way dhici.dabadeed mid kamid ah ayaa halku dheg ka dhigta odhaahda ah." Hadaad adigu wacan tahay ani way iraacday". Qaar kale oo badana waxay isku dhafaan marka ay ishanan wayaan weedh ah "wajiyaal is xasuusta uun aan noqo".

Guurku inta badan si calaf ah ayuu u qabsooma kuna yimadaa,arintanina waa mid la dersay lana ogaaday, lamanaha jaceyl isku guursaday iyo kuwa si calaf ah isku helyna waxa badan kuwa calafkoodu isku qornaa ee ishelay. Taasina waxa ku cadeynaya dhacdooyin badan oo ka dhaca bulshadeena wakhtiga.waxaad arkeysaa dhalinyaro moddo badan wada sheekeysaneyey haddana marka ay u soo dhawadaan ujeedadii iyo guri yagleelidii ayuunbaa la is khilaafayaa,waxaad arkeysaa xitaa qaar isku mehersan oo intayna isla guri gelin kala boodaya, waxaad arkeysaa qaar muddo yar kadib marka ay is aroosaan kala haajiraya iwm. Dadkaasi kala firdhanaya dantuse ka dhaxeysey markii hore waxan isugu qorneyn calaf marka ma wada tiirin karaan nolosha danbe. Qof kastana wuxu tagayaa halkuu calafkiisu ku qornaa, wuxuna sugaya calafkiisa.calafkuna ma baaqdo.

Waxan ku soo gunaanadayaa akhriste jaceylku waa bad xeel dheer,waana bad marka uu qofku soo galo midna aad u wada cabo,midna inyar ka kabado,midna inta uu ku luqluqdo uu ka tago.sida daradeed adiga oo aan laheyn qorshe sax ah iyo tabaabusho dhameystiran ha isku gelin qorshe jaceyl naftaadana  dhibane ha ka dhigin, naf qof kalena ha u soo jiidin walbahaar iyo caloolyow.ogowna in aaney fiicneyn oo ay xitaa dembi tahay in aad sanado badan qof wakhtiga ka lumiso adiga oo aan diyaar  u aheyn in aad la guri gasho. Sidoo kalena ogow in 90% aan lagu guuleysan jaceylada dadku wada yeeshaan,guurkuna 90% wuxu u dhaca si calaf ah meel aanad ka fileyn iyo wakhti aanad filaynin ayuuna ku dhacaa.

Free counter and web stats

                                                     TEL:- 0025261-5008787